Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa Abaal-marino siisay shqaalaha wasaaradda ee ay u aragtay inay ahaayeen kuwii ugu shaqada wanaagsanaa sannadkan dhamaadka ah ee 2019.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, oo Abaal-marino guddoonsiinaya shaqaalaha loo gartay inay ugu wanaagsanaayeen sannadkan 2019.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, oo Abaal-marino guddoonsiinaya shaqaalaha loo gartay inay ugu wanaagsanaayeen sannadkan 2019.


Munaasibad shaqaalaha lagu gudoonsiinayay Abaal-marinaha oo saaka ka dhacday xarunta wasaasardda ee Magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Masuuliyinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda, Wasiirada Wasaaaraddaha Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dowaldda, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa, Culimo, Mudan iyo Marti-sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, oo Abaal-marino guddoonsiinaya shaqaalaha loo gartay inay ugu wanaagsanaayeen sannadkan 2019.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, oo Abaal-marino guddoonsiinaya shaqaalaha loo gartay inay ugu wanaagsanaayeen sannadkan 2019.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, oo ka hadlay munaasibadaa, ayaa faahfaahin ka bixiyay marxaladaha kala duwan ee ay Wasaaraddu soo martay iyo Abaal-marinta Shaqaalaha, wuxuuna xusay in labada Sano ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xilka hayey in wax badani u qabsoomeen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, isagoo tusaale usoo qaatay diiwaangelinta Maddarasadaha Diiniga ah iyo Macallimiinta dhiga, samaynta Manhajka Maddaarista, tayaynta iyo tabobbarista Shaqaalaha, xoojinta wacyigelinta Diiniga ah, Isku-xidhka Culimada Dalka iyo qodobbo kale

Agaasime Aadan waxa uu sheegay in Shaqaalaha la qiimeeyey tobankii ugu sarreeyey ay u garteen inay abaal-marin iyo dhiirrigelin u sameeyaan, halka isla Xafladdan Shahaadooyin lagu guddoonsiinayo Shaqaale tabobbar dhinaca Xisaabaadka ah muddo bil ah baranayay.


Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa Liibaan Ismaaciil Buraale iy Guddoomiyaha Hayadda Shaqaalaha Dowladda ee Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanay sheegeen muhiimadda ay shaqada qaranka iyo maamul-wanaagga u leedahay dhiirrigelinta Shaqaaluhu.


Sidoo kale, Sheekh Maxamed Aadan iyo Sheekh Cabdillaahi Albaani, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay. Iyaga oo Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ku ammaanay isku haynta culimada iyo dedaalka hufan ee ay ku horumarinayaan Wasaaradda oo ay ku tilmaameen mid muhiimad weyn u leh Dalka, Dadka iyo Diinta Islaamka ee ay Qaranka Somaliland Masuulka uga tahay.


Sidoo kale Macallinta muddada bisha ah tabobbarka u wada shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta Eng. Axmed Qaalib Ismaaciil, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu ammaanay dedaalka iyo xil-kasnimada ay shaqaaluhu joogteeyeen inta ay waxbarashada ku jireen, isagoo ku teliyey in waxbarasho intaa ka sii sarraysana lagu aammini karo shaqaalaha uu tabobbaray, marka loo eego tayadooda, doonistooda iyo dedaalkooda-ba.
Wasiirrada Wasaaradaha Dastuurka iyo Xidhiihdka Golayaasha Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Maxamed Mire, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana soo dhaweeyey tallaabada ay Madaxda Wasaaradda Diintu ku dhiirrigelinayaan Shaqaalaha.


Agaasimaha Waaxda Masaajidda iyo Maddarashada ee Wasaaradda Diinta Sheekh Maxamed Macallin Aadan iyo Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sacda Axmed Cabdi, ayaa iyaguna hadallo ay ugu mahad-celiyeen Masuuliyiinta Wasaaradda halkaas ka jeediyey.


Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Guddi qiimaysa ay u saareen Shaqaalaha, guddigaas oo si hufan u qiimeeyey, kana soo saaray tobonkii qof ee ay u arkeen inay ugu shaqo wacnaayeen ama dedaal badnaayeen sannadka dhammaanaya ee 2019-ka, waxaanu ugu hambaleyeeyey dedaalkooda iyo shaqo-wanaaggooda.


Gebo-gabadii waxay Wasiirrada iyo Masuuliyiinta kale, Abaal-marinta ay mutaysteen iyo Shahaadooyin halkaas si wada-jir ah ugu guddoonsiiyeen Shaqaalaha ugu shaqada fiicnaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sannadkan sii galbanaya ee 2019-ka iyo Shaqaalaha Tabobbarka Muddada Bisha ah u socday dhammaystay, sidoo kale, waxa isna Shahaado Sharaf la guddoonsiiyeyoo iyagana halkaas shahaadooyin lagu guddoonsiiyey.


Shaqaalaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, gaar ahaan Hablaha, ayaa dhankooda Shahaado-sharafyo ku maamuusay Wasiirka Wasaaradda Diinta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo Awqaafta iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ay ku tilmaameen inay si guud uga shaqeeyeen horumarinta iyo cadaalad ku maamulka guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda, gaar ahaan Haweenka oo ay xuseen inay door fiican oo muuqda siiyeen.


Gebagebadii waxaa Shahaadooyin iyo Abaal-marin la guddoonsiiyey Tobankii Qof ee Shaqaalaha Wasaaradda loo gartay inay ahayeen kuwii ugu Shaqada fiicnaa sannadkan dhammaanaya ee 2019-ka iyo Xubno Shaqaalaha ka tirsan oo Tabobbar muddo u socday dhammaystay
Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu waa Wasaaraddii ugu horreysay Wasaaradaha Somaliland ee abaal-marisa Shaqaalaheeda, taas oo dhiirrigelin iyo yididdiilo u ah Shaqaalaha shaqada wacan muujiyey iyo shaqaalaha aan dedaalin oo iyaguna boodhka iska tumi doona, waana tallaabo ku dayasho mudan oo tartan ay tayo fiican ku higsan karaan u abuuraysa shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda.


Warbaahinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Jamhuuriyadda Somaliland.