Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland oo Bulshada U Sharaxday Cashuurta GST

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Araweelo News NetworkAssociated Online Agencies

Akhriso: qiyaastii 1 daqiiqo 30 ilbidhiqsi

HARGEISA (ANN) – Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulshada u sharaxday Cashuurta Alaabaha iyo Adeegyada (GST), cidda ay ku waajibto, iyo muhiimadda ay cashuurtani u leedahay ururinta dakhliga gudaha iyo horumarinta adeegyada Qaranka.
GST waa cashuur lagu dabaqo badeecooyin iyo adeegyo gaar ah oo uu qeexayo nidaamka cashuuraha Somaliland. Sida xogta Wasaaraddu tilmaamayso, waxaa ka mid ah adeegyada ku waajiba GST korontada, isgaadhsiinta, biyaha lacagta ah, adeegyada hudheelada iyo maqaayadaha, iyo qaar ka mid ah adeegyada gaadiidka iyo safarrada.
Wasaaraddu waxay bulshada u caddeysay in fahamka nidaamka GST uu muhiim u yahay ganacsatada iyo adeeg-bixiyeyaasha ay cashuurtu khusayso, si ay u gutaan waajibaadkooda cashuureed, una hubiyaan in cashuurta la ururiyo oo si nidaamsan loogu gudbiyo Wasaaradda.
Muhiimadda GST u leedahay Qaranka
Dakhliga laga ururiyo cashuuraha gudaha ayaa qayb muhiim ah ka ah miisaaniyadda Qaranka. Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay masuul ka tahay maamulka maaliyadda guud, qorshaynta miisaaniyadda Qaranka iyo ururinta dakhliga gudaha.
Dakhligaasi wuxuu dawladda u suurto-geliyaa inay maalgeliso adeegyada iyo hawlaha Qaranka, oo ay ka mid yihiin waxbarashada, caafimaadka, biyaha, amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee bulshada.
Wasaaraddu waxay sidoo kale xoogga saaraysaa ballaadhinta saldhigga cashuuraha, kordhinta u hoggaansanaanta cashuur-bixiyeyaasha iyo wacyigelinta bulshada, si loo helo nidaam dakhliga gudaha oo hufan, isla-xisaabtan leh oo waara.
Sidaas darteed, GST ma aha oo keliya cashuur laga qaado badeeco ama adeeg; waxay qayb ka tahay nidaamka guud ee ururinta dakhliga gudaha, kaas oo laf-dhabar u ah awoodda Qaranka ee bixinta adeegyada bulshada iyo fulinta qorshayaasha horumarineed.
Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay bulshada iyo ganacsatada ugu baaqday inay si wanaagsan u fahmaan waajibaadkooda cashuureed, isla markaana ay ka qayb qaataan dhismaha nidaam maaliyadeed oo hufan iyo horumar waara.

warbixinta muuqaalkan raachttps://www.facebook.com/share/v/1GB6cQps47/

Araweelo News NetworkAssociated Online Agencies