“Xukuumadda Oo La Wareegtay 113000-Kun Oo Mobile Oo Qaab Musuq-Maasuq Sonkor Ahaan Loogu Soo Cashuuray Dekedda, Iyo Baadhis Xoogleh Oo Ku Socota Masuuliyiin Sare.

Hargeysa(ANN– Kaantaroolka Yar ee jeekingka ah ee kuyaala Tuulada Abdaal ee u dhexaysa Berbera iyo Hargeysa ayaa gacanta ku dhigay gaadhi siday shixnad Moobiiladda gacanta ah oo Kastamka Dekedda Lagu Soo dhaafiyay, laguna soo cashuuray sida jiwanka loogu jaray Sonkor ahaan.

Sida uu sheegay Wargeyska Foore ee kasoo baxa Magaalada Hargeysa, isagoo soo xigganya , Masuuliyiinta Kastamka Abdaal, ayaa islamarkiiba shaaciyay dhacdadan islamarkiibana gaadhsiiyay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire, waxaana islamarkiiba lagu saaray Ciiddan xoogleh oo gaadhigii  dib ugu celiyay Dekedda Berbera si loo hubiyo, islamarkaana baadhis loogu sameeyo gaadhiga iyo shixnadda Saarnayd iyo sababta ay ugu suurtagashay in loogu soo cashuuray Sonkor ahaan.

Dhacdadan oo noqotay mid si weyn u muujisay musuq-maasuq ka jira Wasaaradda maaaliyadda iyo Kastamka , ayaa waxay jaahwareer ku riday cid kasta oo maqashay iyo guud ahaan Shaqaalaha iyo Masuuliyiinta kala duwan ee Kastamyada Wasaaradda Maaliyadda.

Koontiinarkan ayaa lagu soo cabeeyay 113000-Kun Oo Mobile waxaana dusha laga soo saaray 60-kiish oo sonkor ah, waxaanna la aaminsan yahay in qaab musuq -maasuq loo soo farsameeyay, islamarkaana saraakiil Wasaaradda ka tirsani ay lug weyn ku leeyihiin arintan oo ay soo dhaafiyeen Kastamka yo Xafiisyadda baadhista ee xoogga badan ee Dekedda kuyaalla.

Lacagta laga musuq- maasuqay Dekedda ee Mobile-dan lasoo dhaafiyay ayaa lagu sheegay 1356000-kun oo Dollars, waxaana qaab musuq maasuq lasoo cashuuray oo qudha 60-ka Kiish ee Sonkorta ah.

Warar qaar ayaa sheegaya in Xiitaa Xafiiska Madaxweynaha la gaadhsiisay, islamarkaana uu si dhaw ula socdo talaabooyinka ay qaadayso Wasaaraddu si ay gacanta ugu dhigto masuuliyiinta hawlgalkaasi qaybta ka ahaa iyo inta jeer ee hore ee ay dhacdadan ugu fushay cidda ama ganacsadaha hawsha watay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyaddu gudi baadhiseed u saaray Dhacdadan Musuq -Maasuq ee cajiibka ah, islarmarkaana waxay u Wargeyska Foore u sheegeen masuuliyiin sare in 113000-kun oo Mobile iyo lixdankii Kiish ee Sonkor-ta ahaa oo shixnadaasi ka koobnayd ay la wareegtay Wasaaradda Maaliyaddu, iyadoo sidoo kalena Maamulka Kastamka Berbera baadhis ku hayo hanaankii kiiskani udhacay. Warar kale ayaa sheegaya in baadhis gaar ah lagu hayo 8-koontiinar oo hore Ganacsadaha shixnaddan lahaa oo lagu magacaabo Xuseen Geesh ugu martay.

Ganacsadaha Shixnaddan lagu qabtay Xuseen Geesh ayaa sida lanoo xaqiijiyay inay caayilad hoose yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mohamed Cabdi gurxan, waxaana si gaar ah Ganacsadahan loogu cashuuri jiray Mobile-kiiba oo si gaar ah loogu Naasnuujin jiray tacriifad ka hoosaysa ta u dejisan cashuurta mobileska oo ah 12-dollars. Waxa mobile-kiiba loogu casuuri jiray 4-Dollars, taasi oo ay awood u leeyihiin oo ay sameeyaan oo qudha Wasiirka iyo Agaasimaha Guud oo keli ahi. Wixii warar kasoo kordha dhacdadan kala soco cadaddadayada dambe Insha Allah