Araweelo News Network

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Yuusuf Macamed Cabdi Raagge

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka ay u diyaarinayaan miisaaniyadda sannadkan lagu jiro ee 2018.

Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in aad loo yareeyey lacagta miisaaniyadda ugu jirta kharashaadka socodsiinta hawlaha, lana kordhiyey dhaqaalaha loogu talogalay dhinacyada horumarinta iyo adeegyada bulshada Somaliland.

Ugu horayn, Wasiirka oo ka xogwarramaya waxyaabaha u qabsoomay muddada ay xilka hayeen waxa uu yidhi; “Marka laga soo bilaabo muddadii xilka aannu la wareegnay oo ahayd 18 December 2017-ka oo maanta laga joogo 43 maalmood, Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxa ay ku tallaabsatay shaqo aad u ballaadhan, ka-sakaw isku-shaandheyntii iyo isku-beddelkii aannu ku sameynay Agaasime-waaxeedyada iyo shaqaalaha ama saraakiisha qaarkood marka laga yimaado.

Wasaaradda Maaliyaddu waa markii koowaad ee dhawr iyo labaatankaas sanno ee la jiray ay bilowday Qorshaha Wasaaradda Maaliyadda ee sannadkan 2018, waxa aannu doonaynaa in aannu qabanno iyo halka aannu doonayno in aannu u soconno. Qorshahaas oo ilaa iminka socda, oo aannu doonayno haddii Alle yidhaahdo bilaha soo socda inuu dhammaad noqdo.

Waxa sidoo kale, isagana aannu bilownay oo gacanta aannu ku hayno oo dhammaad ah oo aan hore u jirin, inay Wasaaradda Maaliyaddu yeellato Xeerka Anshaxa (Code of Conduct), sida Wasaaradaha kale ee dunida (Ministry of Finance Development Code of Conduct).
Waxa ilaa iminka aannu ku hawlan nahay oo aannu wadnaa diyaarinta miisaaniyadda 2018, taas oo miisaaniyaddii hore qaabka loo sameynayaa uu ka duwan yahay, oo miisaaniyaddani tahay qaabka waxqabadka iyo horumarka miisaaniyad ku salleysan, halka miisaaniyadihii hore ahaan jireen, miisaaniyado ah kharash iyo dakhli qudha.”

 

Miisaaniyadihii hore ee aynu sameyn jirtay, inta badan waxay 94% ku bixi jireen hawl-socodsiinta maamulka dawladnimo (running cost), laakiin miisaaniyaddan (2018) waxa aannu doonaynaa in aannu dhinno kharashka hawl-socodsiinta oo aannu ku beddelno horumar, oo ugu yaraan 60% kharashka hawl-socodsiinta ku soo celino ilaa 55%.”
Wasiirka Maaliyadda, ayaa sidoo kale sheegay in hab casri ah oo lagu wada ogaan karo qaabka loo isticmaalayo miisaaniyad-sannadeedka, waxaannu yidhi; “Miisaaniyaddan waxa aannu doonaynaa in aannu adeegsanno barnaamij ama software casri ah oo World Bank (Baanka Adduunka) uu innaga caawiyey oo iminka aannu hirgelinayo oo ah; Somaliland Financial Management Information System, oo innaga caawinaya in nidaamkeennu uu noqdo nidaam daah-furan, isla markaana leh la xisaabtan sugan, kaasoo aannu iminka doonayno in aannu ku tababarno Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee qaranka oo toddobaadkan gudihiisaba aannu bilaabayno, Wasaaradda Maaliyadduna ay hore ugu tababaratay, isla markaana u tijaabisay, iminkana isticmaal dhab ah ku sameysayso.”
Waxa kaloo Wasiirku intaas ku daray; “Miisaaniyadda 2018, waxa aannu xoogga saaraynaa Garsoorka in aannu horumarkiisa ka shaqeyno, si caddaalad sugan aynu u helo, isla markaana waxa aannu doonaynaa in aynu horumarinno arrimaha amniga. Sidoo kale, miisaaniyaddan waxa aannu xoogga saaraynaa wax-soo-saarka oo ay ugu horreyso, beeraha, xoolaha nool, kalluunka, macdanta iyo tamarta iyo isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda. Kaabayaasha dhaqaalaha oo kale, miisaaniyaddan in aannu xoogga saarno, si dhaqaale sugan aynu u helno oo ay kaw ka tahay aynu si fiican oo sugan oo joogto ah u bilawno waddada Ceerigaabo oo dalka intiisa badan isku xidhaysa.
Miisaaniyaddan waxa aannu xoogga saaraynaa oo kale arrimaha bulshada, caafimaadka iyo waxbarashada, waayo qof caafimaad-qaba oo wax bartay ayaa ummaddiisa wax ku soo kordhiya.”
Waxaannu intaas ku daray; “Gurmadka abaaraha ayaa isaguna muhiim ah, maadaama dalkeenu yahay dalalka loo yaqaanno saxare-u-ekaha (semi desert), inaynu isagana ka gaashaamanno arrintaas oo aynu ka sameysanno keyd qaran, dawooyin iyo caafimaad, taandhooyin iyo agabka kale loo baahan haddii ay lacag tahayba inaynu ku talogalno.”
Wasiirka Maaliyadda, ayaa iftiimiyey inay miisaaniyadda door weyn ka siin doonaan ilaalinta degaanka iyo isbeddelka cimilada, waxaannu yidhi; “Sidoo kale, miisaaniyaddan waxa aannu doonaynaa in aannu xoogga saarno, in aannu arrimaha deegaanka dib-u-eegno, maadaama ay tahay masiibo adduunyada oo dhan ka jirta, isbeddelka cimilladuna ku hayso adduunyadana dhibaato badan, innagana dalkeena uu jiro xaaluf, isla markaana biyuhu toos u dhaafayaan, dhir badanna la gubay, iyana Wasaaradaha iyo hay’adaha inoo qaabilsan mid walba miisaaniyadooda innaga oo saami (Percent) go’an u qoondaynayna aynu kobcinno, oo miisaaniyadda xoogga ku saarno.”
Waxa aannu miisaaniyaddaas doonaynaa in aannu kala shaqeyno Baarlamaanka ama Qeybta Xeer-dajinta, inay helaan la-taliyeyaal leh xirfadda iyo aqoonta sida loo curiyo (drafting) shuruucda, dad ku xeel-dheer dhaqaalaha, si aynu u soo saarno xeerarka ka dheegmaya dastuurka Somaliland ee ay Baarlamaan u qabtaan, isla markaana ay soo curriyaan Waaxda Fulintu ay si fiican oo tayanna leh iyaga ay u eegaan.”
Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in qayb ka mid ah miisaaniyad-sannadeedka 2018 loo qoondaynayo dhismaha maamul-wanaagga dawladnimo ee Somaliland, waxaannu yidhi; “Qodobka ugu dambeeya ee aan doonayno in aannu miisaaniyadda xoogga ku saarno, waa maamul-wanaagga dawladnimo, oo in aynu maamul-wanaagsan oo hufan, oo aan lahayn musuqmaasuq inaynu qaabkeena dawladnimo ku aasaasno, gundhigna uga dhigno.”
“Waxa dhammaantay oo aannu doonaynaa dib-u-eegistii ugu dembeysay aannu ku sameyn doonaa haddii Alle yidhaahdo, qorshaha siyaasadda cashuurta ee qaranku leeyahay, Somaliland National Text Policy Strategy, taas oo kala sheegaysa Dawladda Dhexe iyo Dawladaha Hoose tahay xayn-daabka u kala dhexeeya markay tahay qaabka cashuur qaadista iyo arrimahaas oo dhan,” ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa kaloo uu caddeeyey inay bilaabeen diyaarinta siyaasadda maamulka cashuuraha iyo kharashaadka, waxaannu yidhi; “Sidoo kale, waa markii koowaad ee aannu bilownay siyaasadda la xidhiidha cashuuraha iyo kharashaadka ee loo yaqaanno Fiscal Policy-ga, iyana way socotaa, annaga oo sameynay Tax Policy Unit iyo Fiscal Policy Unit.
Waxa aannu tijaabinay oo dhammaan Agaasime-waaxeedyada, Agaasimaha Guud iyo madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadduba aannu eegnay mishiinnada loo adeegsado ururinta cashuuraha (E-tax collection machines), waana mishiinnada lagu qaado cashuurta loo yaqaanno ta-qiimo-ku-darista ah ee loo yaqaan VAT (value add-tax) ayaannu eegnay oo aannu tijaabinay, iminka marxaladdii ugu dambeysay sidii aannu u hirgelin lahayn, ayaa iyaduna ku jirta.
Waxa aannu aad u dardargelinay barnaamijkii hore u socday ee Barnaamijka Dib-u-habeynta Maamulka Maaliyadda ee loo yaqaan PFM, kaas oo laba qeybood u qeybsama, qeybi dakhliga ayey khuseysaa, qeybina waxay khuseysaa kharashka iyo khasnadda iyo xisaabaadka. Qeybahaas dambe qolooyinkii ku shuqulka lahaa ee innaga caawinayey oo Bangiga Adduunka ah (World Bank) ayaannu Addis Ababa kula kulanay, is-faham fiicanna waannu soo qaadanay.
Sidoo kale, waxa xidhiidho na dhexmareen Midawga Yurub (EU-da), dawladda Ingiriiska iyo hay’adda u qaabilsan deeqaha dalalka soo koraaya ee la yidhaahdoo DFID, Baanka Adduunka (World Bank), dalal Afrikaan ahna xidhiidho badan ayaannu la sameynay, sida Ghana iyo Rwanda.
Wasaaradda Maaliyadda intii aannu joognay waxa aannu ku soo kordhinay laba waaxood oo muhiim ah, labadaas waaxood oo qeyb ka ah Barnaamijka Dib-u-habeynta Tayeynta Shaqaalaha (Civil Service Refrom), Waaxda Horumarinta Shaqaalaha iyo Cilmi-baadhista ayaannu soo kordhinay iyo waxa kaloo aannu soo kordhinay Waaxda Arrimaha Shuruucda.
Wasaaradda Maaliyaddu waa hormuudka hoggaamiya ama waa hoggaanka hay’adaha maaliyadda qaabilsan (financial institutions) ee uu qaranku leeyahay, sidaa darteed shuruuc fara badan ayey isticmaashaa, shuruucdaas waaxda inoo qaabilsanni heshiisyada dib u eegaysay, isla markaana xeer-nidaamiyeyaasha ka sameynaysay, iyada oo mid walba waaxda ay la xidhiidho kala tashanaysa,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.