Araweelo News Network

muuqaalkacaruurtaWashington(ANN)Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Mr. Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa guddi xaqiiqo-raadis ah u saaray eedaymo loo jeediyey Hay’adda Nabad-sugidda maamulkiisa oo la xidhiidhay inay carruur yaryar u adeegsadaan hawlaha basaasnimada ee ka dhan ah Al-shabaab.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisal-wasaaraha shalay, waxa uu guddi wasiirro ah oo uu ku jiro Taliyaha Ciidanka Asluubta u xilsaaray inay baadhitaan ku sameeyaan eedaymaha lagu soo bandhigay wargeyska The Washington Post oo ka soo baxa dalka Maraykanka, kaasoo lagu xusay in Nabad-sugidda Soomaaliya hawlaha basaasnimo u adeegsadaan carruurta ka soo goostay dagaalyahannada Al-shabaab, kuwaasoo dhaqaalaha Maraykanku ku taageero u isticmaala inay carruurta yaryar u adeegsadaan basaasnimo, arrintaasoo ka soo horjeeda shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.
Wargeyska Washington Post, ayaa daaha ka fayday in dhaqaalaha Washington siiso dawladda taagta daran ee Soomaaliya loo adeegsado in carruurta ay basaas u noqdaan hay’adaha Amniga iyo Nabad-sugidda Qaranka ee (NISA).
Warbixin dheer oo wargeysku ka qoray qaabka loo isticmaalo dhaqaalaha dawladda Maraykanku ku caawiso maamulka Muqdisho oo ah in qasab lagu askareeyo carruur badan oo hore kooxda Al-shabaab tababarro u siiyeen.
Wargeysku waxa uu warbixintiisa ku xusay in sannooyin badan carruurta hay’adaha ammaanka Soomaaliya basaasiinta ka dhigteen ahaayeen qaar ay hub iyo tababar siiyeen Al-shabaab, isla markaana loo soo diri jirey jiidaha hore ee dagaallada, kuwaas oo warbixintu tilmaantay in hore looga qafaashay dugsiyada waxbarashada, laguna qasbi jiray inay dagaallamaan.
“Qarammada Midoobay ayaa xilligaas ku baaqday in carruurta yaryar laga saaro goobaha dagaalka, iyadoo xukuumadda Washington shaacisay in Al-shabaab ubadkaas u adeegsadaan inay aasaan miinooyinka iyo inay fuliyaan dilalka gaarka ah,” ayaa lagu yidhi warbixinta wargeyska The Washinton Post daabacay maalintii Axadda.
Waxa kaloo Wargeysku qoray in hay’adaha Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee maamulka Muqdisho ay dhowrkii sannadood ee u dambeeyey u adeegsanayeen carruurtaas yaryar inay u noqdaan basaasiin la shaqeeya NISA, sida lagu muujiyey wareysiyo lala yeeshay qaar ka mid ah ubadka qasabka lagu askareeyey iyo saraakiil ka kala tirsan dawladda Soomaaliya iyo Qarammada Midoobay oo wargeysku soo xigtay.
“Carruurtaaasi waxay ciidanka NISA u raacaan goobaha Al-shabaab ku dhuumaalaystaan iyo inay u tilmaamaan taliyeyaashoodii hore.”
The Washington Post oo carruurta qasabka kula shaqeeya Hay’adda NISA ugu yeedhay Far-muuqayaal, ayaa sheegay inay carruurtaas ku jiraan qaar da’doodu ka hoosayso 10 jir,  in dhowr ka mid ah la dilay iyo inuu mid ka mid ahaa isku dayey inuu is-daldalo mudadii lagu hayey baadhitaanka sida wargeysku daabacay.
Dhinaca kale, Agaasimaha hay’adda NISA Jen. Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare oo isna u warramay wargeyska The Washinton Post, ayaa beeniyay in wiilasha ka soo goostay Al-shabaab lagu khasbo inay basaasiin u noqdaan, balse waxa uu caddeeyey inay jiraan carruur weli lagu hayo baadhitaanno la xidhiidha inay khatar ku yihiin ammaanka.
Hase ahaatee, waxa uu xaqiijiyey in wiilashaasi mararka qaarkood ay iskooda u raacaan hawl-gallada hay’adaha ammaanku fuliyaan, sidoo kalena NISA ka siiyaan warbixinno muhiim ah, si looga hortago weeraro mustaqbalka dhaca.
“Haddii qof carruur ah ku biiray Alshabaab markii uu 9 jirka ahaa, haatan da’diisa waa 16 jir, waana qof libaax ah,” ayuu yidhi Jeneral Tuur-yare.
Geesta kale, Afhayeenka Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA oo arrintaas wargeysku wax ka weydiiyey, ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo eedeymaha sheegaya in Nabad-sugidda Soomaaliya u adeegsadaan carruurta yaryar dhinaca wardoonka iyo basaasnimada.
Waxa kaloo wargeysku warbixintiisa ku sheegay inay waraysteen qaar ka mid ah carruurta la shaqeeya Hay’adda NISA, kuwaas oo uu xusay inay bixiyeen xogo ku saabsan qaabka loo hawlgeliyo iyo khataraha ay kala kulmi karaan Al-shabaab.
Dawladda Marykanka ayaa hay’adaha maamulka taagta daran ee Soomaaliya ka taageerta hawlgallada lagu dagaallamayo Al-shabaab iyo xarumo dhaqan-celin ah oo lagu ururiyo dhallinyaro iyo carruur yarya yaryar oo la sheegay inay ka soo goosteen Al-shabaab.