Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaa tilmaamay in aannay jirin wax loolan siyaasadeed ah oo waqtigan ka dhex socda siyaasiyiinta xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Md. Cali Xasan Maxamed oo waraysi siiyey telefiishanka HCTV , waxa uu sheegay in xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ka dambeeyo dacaayadaha been-abuurka ah ee la xidhiidha in siyaasiyiinta ka soo jeeda degaannada bariga Burco ku loolamayaan cidda majaraha u qabanaysa xisbiga KULMIYE, marka ay dhammaato muddo-xileedka murrashaxa Muuse Biixi Cabdi.
“Jaraa’idka ayuun baannu ka aragnaa loolan baa jira oo hebel ayaa loolamaya, hebel iyo hebel ayaa isku haysta, markaa waxaasi wax jira maaha, wax loolan ah oo socdaana ma jiro, weliba degaankaas (bariga Burco) siyaasiyiintiisa wax loolan ah oo ka dhex socdaa ma jiro, mana jiro wax ka socda xisbiga dhexdiisa,” ayuu yidhi Wasiirku.
Waxaannu intaas ku daray; “Xisbiga KULMIYE khilaafkiisu waxa uu dhammaaday sannadkii 2015 dabayaaqadiisii, warkana waa war ka socda dhinaca mucaaridka, gaar ahaan xisbiga WADDANI, marka aad eegto siyaasiyiintooda iyo saxaafadda ku xidhan iyo meelaha ay wararka soo mariyaan ayuun baad arkaysaa iyagoo waxaas ka sheekaynaya oo buunbuuniya oo leh khilaaf ayaa jira oo KULMIYE ayaa is haya, dawladda ayaa is haysa oo khilaaf ayaa jira, waxaas oo dhana iyaga (mucaaridka WADDANI) oo had iyo jeer ka hadlaya ayaad arkaysaa, laakiin khilaafkaasi ma jiro. Haddii uu khilaaf jiro sidii berigii hore ayuu soo bixi lahaa, una soo shaac bixi lahaa.”
Wasiirka Hawlaha Guud oo la weydiiyey hankiisa siyaasadeed waxa uu yahay mustaqbalka, waxa uu ku jawaabay; “Siyaasadda waxa loo gala in mustaqbal laga gaadho oo anniga, ragga kale iyo inta kale ee joogtaaba nin walba mustaqbal ayuu hiigsanayaa, laakiin imminka waxa aanu ka shaqaynayno waxa ugu muhiimsan laba arrimood oo ah;
1. sidii loo dhammaystiri lahaa taariikhda iyo guulaha ay samaysay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo
2. iyo sidii looga shaqayn lahaa in xisbiga KULMIYE ugu guulaysan lahaa doorashada soo socota isagoo midaysan oo mid ah.”
Wasiirka Hawlaha Guud, ayaa sidoo kale ka hadlay qorshayaasha uga meel yaal halista ka dhalata dooxyada waddooyinku maraan xilliyada roobka, waxaannu yidhi; “Marka xilli-roobaadku soo dhaw yahay waxa aannu qorshaynaa gaadiid, shaqaale iyo cagafyo goobaha dooxyada ah dushooda ku diyaar ah, meelaha khasaare soo gaadhana gurmad waa loo sameeyaa, wixii degdeg ah ee markaas laga qabanaya waa laga qabtaa, markaa qorshahaas waannu diyaarinay sidii aannu samaynay sannadihii ka horeeyey sannadkan.”
“Dooxyadan imminka jira ee dadka qaada xilliga roobka (Irish crossings) waxa ay dhisnaayeen 40 ilaa 50 sanno ee u dambeeyey ee maah wax soo baxay sannadkii iyo badhkii aan joogay (hayey xilka wasaaradda), markaa waxa ay u baahan yihiin qorshe dheer oo lagaga maarmo dooxyadaas, loona sameeyo biriijyada waaweyn ee waddadu dul maraysay, kaasina waa qorshaha imminka la wado,” ayuu yidhi Wasiirku.
“Heshiisyadan aannu imminka la soo galnay dawladda Imaaraadka Carabta waxa ku jira dhismaha sagaal biriij oo waaweyn oo lagaga maarmi doono dooxyadaas iyo dhibaatooyinkaas, haddii Ilaahay yidhaahna si dhakhso ah u fuli doona, kuwaasoo sidii ku jirtay heshiiskana fuli doona saddexda sanno ee soo socda, Insha Allaah, markaa qorshahaas inta ka horaysa waxa la qabanayaa gurmadka degdega ah,” ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud.
Waxa kaloo uu fariin baaq ah u diray bulshada Somaliland oo uu uga digay halista dooxyada xilliga lagu jiro roobabka, isagoo xusay in la ogyahay in dooxyadu ay sannad walba dhaliyaan khasaare isugu jira nool iyo mood, sidaa darteedna ay muhiim tahay in aan loo dhawaan amma la isku dejin in la maro xilliyada biyaha xoogan socdaan.