Tukaraq(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyada Somaliland Saleeban Yuusuf Cali (Koore) isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland oo maalmihii u danbeeyay safar hawlo shaqo ku marayay gobolada Bariga Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool, ayaa kulan kula yeeshay deegaanka Bohol-waraabe oo dhanka Bari kaga beegan Tukaraq oo kulaalay xadka ay Somaliland la wadaagto Soomaaliya Odayaal iyo wax-garad ka yimi dhanka Garoowe ee xarunta u ah maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

 

Kulanka oo Wasiir Saleebaan Cali Koore wefti uu hoggaaminayay oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo aan la shaacin magacyadooda iyo Odayaal ka mid ah kuwa deegaanka, waxay halkaa kula kulmeen Odayaal iyo wax-garad ka yimi dhanka Garoowe.

Lama ogga waxyaabaha Wasiir Koore iyo Odayaasha ka yimi dhanka Garoowe ka wada hadleen, balse warar xog-hoose oo shebekaddaha Araweelo News Network ka heshay kulankaa, ayaa sheegay in in lagaga hadlay arrimo khuseeya mustaqbalka dadka deegaanka ee ku kala qaybsan siyaasada, kuwaas oo si qota-dheer ay isula faaqideen Wasiir Koore iyo Odayaasha deegaanka u dhashay ee ka yimi dhanka Garoowe, walaw aan najiida iyo waxa ay isla meel dhigeen si dhab ah loo ogayn.

Dhinaca, kale kulanka ka dhacay deegaanka duleedka Tukaraq ee kulaalaya xadka ay Somaliland la wadaagto Soomaaliya, ayaa kusoo beegmay, iyadoo dhowaan Madaxweyne ku xigeenka Maamul goboleedka Soomaaliya ee Garoowe Axmed Karaash oo kasoo jeeda deegaankaa ay isku dhaceen Madaxweynaha Puntland Denni, waxayna arrintaas sababtay in ay si weyn uga cadhoodaan dadka deeganada Sool ee u hanqal-taagayay maamulka Puntland, iyadoo Odayaasha ka yimi dhanka Garoowe ee kulanka la yeeshay Wasiir Saleebaan Cali Koore wefti uu hoggaaminayay ay hoggaaminayaan Odayaal iyo wax-garad aad ugu dhow oo ka mid ahaa dadkii sida weyn uga cadhooday qaabkii loola dhaqamay Axmed Karaash, walaw aan la ogayn in ay wakiil kaga ahaayeen kulankaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash.

Marar badan oo Wasiir Saleebaan Cali Koore ka hadlay kala qaybsanaanta Bulshada deegaankaa ee siyaasada, wuxuu  ku dooday in aannay dadka deegaanka waxba u ool maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, wuxuuna ugu baaqay siyaasiyiinta deegaankaa ee ku sugan Puntland iyo kuwa Xamar jooga in ay fahmaan khariirada iyo deegaankoodu inuu yahay Somaliland, isla markaana loo baahanyahay in wixii tabasho ah lagala hadlo xukuumadda Somaliland, balse aan loo baahnayn in bulshada deegaanka la jaah-wareeriyo, wuxuuna marar badan tusaale usoo qaatay horumarka ay deegaamada ka sameeyeen xukuumaddihii u kala danbeeyay  Somaliland iyo xukuumadda hada uu wasiirka ka yahay ee Madaxweyne Muuse Biixi hoggaamiyo iyo mudadii ay Puntland joogtay deegaankaa sida ay xaaldduu ahayd.

 

Wasiir Saleebaan Cali Koore oo ka mid Siyaasiyiinta Sool ee tan iyo markii ay Somaliland lasoo noqotay madax-banaanideeda shirkii Burco 18 May 1991, kusoo jiray siyaasada, isla markaana xilal kala duwan ilaa wasiir iyo xilal kale kasoo noqday Xukuumaddihii Madaxweyne Cigaal iyo Daahir Rayaale,  wuxuu muddo dheer ahaa Xildhibaan ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, kaddib markii uu ka mid noqday xildhibaanadii ugu horeeyay ee lasoo doorto intii ay Somaliland lasoo noqotay Madax-banaanideeda dabayaaqadii 2005.

 

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi , ayuu noqday Wasiirada ugu tunka weyn ee Madaxweyne Biixi magcaabay, wasiirka horrumarinta Biyaha, balse xilligan Saleeban Yuusuf Cali (Koore) waa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana waa Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, balse kulanka ay Odayaasha ka yimi dhanka Garoowe weftiga  uu hoggaaminayay la yeesheen, ayaan si dhab ah loo ogayn arrimaha lagaga hadlay, wuxuuse kulankaasi u muuqdaa qorshayaal ay xukuumaddu wado oo ahmiyad gaar ah u yeelanaya siyaasada xukuumadda eek u waajahan deegaamada.