xil wareejinta wersheddahaHargeysa(ANN)Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Wershedaha Somaliland Cali Axmed Maxamed (Cali Dhegoole) oo Madaxweyne Siilaanyo xilkaa u magcaabay dhowaan, ayaa xilkii kala wareegay Wasiirkii hore Abiib Diiriye Nuur (Abiib Tmacade) oo isagu iska casilay xilka todobaadkan.
Sidoo kale waxa xilka la kala wareegay Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Wershedaha Mawliid Weris oo xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee Wasaaradda, waxayna masuuliyiintaasi xilalka kula kala wareegeen munaasibad saaka ka dhacday xarunta wasaaradda Wershedaha Somaliland ee Hargeysa.

labada agaasimewershedaha
Wasiir ku xigeenka cusub Cali Axmed oo si ku meel gaadh ah usii hayna xilka Wasaaradda iyo Agaasimaha cusub, ayaa balanqaaday inay wixii ay soo qabteen masuuliyiinta ay xilka kala wareegeen halkaa kasii wadayaan, iyagoo ku amaanay mudadii ay xilka hayeen.

Dhinaca kale Dhanbaal Hambalyo Warbaahinta loo mariyay  Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Warshadaha, ayaa u qornaa sidan:-

 

Calidhegoole“Anagoo ah ururrada dhallinyarada ka soo kala jeeda Gobollada Maroodi-jeex ama Hargeysa, Saaxil, Togdheer iyo Awdal ee kala ah; ururka dhallinyarada WADAJIR Guddoomiyihiisa Cabdiraxmaa Maxamed Cilmi, Guddoomiye-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cali Cismaan, ururka garabka dhallinyarada Dan iyo Duco Guddoomiyihiisa Maxamuud Axmed Xirsi (Figo) iyo Guddoomiye-ku-xigeenkiisa Axmed Maxamed Xaaji Nuur, ururka dhallinyarada SOW ee Awdal Guddoomiyihiisa Cabdiqaadir Yacquub Xasan Diiriye iyo Guddoomiye-ku-xigeenkiisa Mahad Nuur Caateeye iyo dhallinyarada Gobolka Togdheer. Dhammaan waxaannu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Warshadaha Somaliland Mudane Cali Axmed Maxamed (Cali Dhagoole) oo uu dhawaan xilkaasi u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Wasiir-ku-xigeenka cusub Md. Cali Dhagoole waa nin aqoonyahan ah oo xilalkii uu hore u soo qabtay lagu bartay karti, hufnaan, caadanimo, dulqaad iyo khibrad, isla markaana waayo-aragnimo u leh shaqada uu Madaxweynaha Qaranku u doortay, waana wasiir matali kara bulshada iyo gobolka uu ka soo jeedaba.

Waxaannu ugu ducaynaynaa in Alle u fududeeyo xilkaasi culus ee uu qaaday Aamiin.”

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews