cabdulaahi abokorHargeysa(ANN)Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Wasaaradda Daakhiliga Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor oo xabsiga Hargeysa laga sii daayey Axaddii toddobaadkan, ayaa ka warramay qaabkii uu u dhacay hawlgal ciidammada ammaanku ku qabteen, kuna weerareen gurigiisa toddoba bilood ka hor.
Mr. Abokor oo hadal ka jeediyey martiqaad qado ah oo xisbiga mucaaridka ee UCID ugu sameeyey hudheelka Summer Time ee magaalada Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in markii la xidhay uu la joogay Taliyaha Sirdoonka Qaranka, Taliyaha Sirdoonka Madaxtooyada iyo Taliyaha Aagga Galbeed ee Booliska Hargeysa.
“Maanta maan jeclayn inaan ka hadlo dhacdaas intii aan xidhnaa waxaan qorayey buug aan ku sawirayo taariikhda iyo dhacdadaas, haddii Ilaahay yidhaa bulshada Somaliland waan u soo bandhi doonaa. Runtii waxay ahayd dhacdo xannuun kulul. Waxaan ka xasuustaa habeenkii ay arrintaasi dhacaysay ee la isoo weeraaye, waxaannu wada joognay Taliyaha Sirdoonka Qaranka, Taliyaha Sirdoonka Madaxtooyada iyo Taliyaha Qaybta Galbeed ee Maroodi-jeex. Hadday iodhan lahaayeen waa lagu soo weerarayaa wuxuun bay noqon lahayd oo saraakiishii baa ila joogay. Waxay ahayd dhacdo qorshaheeda aydaan iminkaa waxbadan ka fahmay, iyadoo faahfaahsana waydnu heli doontaan,” ayuu yidhi Cabdillaahi Abokor.
Waxa kaloo u mahadceliyey xisbiga UCID oo uu sheegay inuu kaalin weyn ka qaatay in xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo kadib toddoba bilood oo uu xabsiga Hargeysa ku jiray.
Murrashaxa Madaxweynaha ee UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa xusay in aan taariikhda Somaliland lagu hayn masuul sida argagixisada loo xidho oo gurigiisa lagu weeraro, ubadkiisa yaryar oo joogana rasaas nool nool lala dhaco.
“Sharaf bay noo tahay inaannu qado-sharaf u samaynno Wasiir-ku-xigeenkii hore ee amniga oo naloo diiday in aannu jeelka ku booqanno oo ku maamuusno. Waxa Cabdillaahi Abokor ku dhacay wax qof reer Somaliland ah ku dhaca maaha, taariikhadana laguma hayo oo tallaabo argagixiso ayey ahayd. Xukuumaddu way samayn karaysay inay waaran u yeedhis ah u geyso Cabdillaahi Abokor, laakiin in guriga iyo carruurta xabbad lala dhaco oo waliba laga been farriimo oo la yidhaa hub aannu isticmaalin wuu isticmaalay waa wax lag xishoodo, waana in aynnu cashar ku qaadanno halkaas waxa ka dhacay,” ayuu yidhi Mr. Jamaal.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com