Araweelo News Network.

“Waa In La Furaa Axsaabta, Annigu Weli UDUB, ayaan Daydayaa oo uma arko xisbiyo hagaagsan” Siciid Sulub Wasiirka Xannaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga Somaliland.

Siciid Sulub Image file Araweelo News Network

Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga Somaliland, Siciid Sulub Image file Araweelo News Network 19 December 2020.

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa ka hadlay baahida loo qabo in Xisbiyada dib loo furo marka la gaadho xilligoodii oo aan waxba inaga xigin.

Siciid Sulub oo ka mid ahaa kaadiriintii xisbigii siqiiray ee UDUB, isla markaana muddo dheer ka mid ahaa wasiirada aan dhicin ee Xukuumaddii Daahir Rayaale, balse markii danbe ku biiray Xisbiga Mucaardka ee WADDANI, oo uu ka tirsnaa doorashadii Madaxtooyadda ee tartanka adagi dhexmaray WADDANI iyo KULMIYE, doorashadii Madaxtooyadda ee guushu ku raacday Madaxweyne Biixi 2017, wuxuu Madaxweyne Biixi u magcaabay  xilka Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland.

Siciid Sulub, ayaa xilkaa loo magcaabay, isagoo aan meela ku shaacin inuu ka baxay Xisbiga WADDANI, ee mucaaradka, balse wuxuu xilligan sheegay inaanu ku qanacsanayn xisbiyada siyaasadeed ee ka jira Somaliland dhammaantood.

Wasiir Sulub waxa uu ku dhaliilay xisbiyada dalka ka jira, wuxuuna dhawaaqiisa la xidhiidha dhaliisa axsaabta maanta ka jirta Somaliland noqday mid u markhaati furaya Prof. Ismaaciil Hure Buubaa oo mid ah saraakiisha sare ee Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, balse marar baddan ku celceliyay in qaabka ay u disan yihiin Xisbiyada Somaliland aannay ahayn qaab dumuqraadi ah, isla markaana loo baahan yahay in la furo Xisbiyada si loo helo Xisbiyo ku dhisan qaab dumuqraadi ah oo aan u dhisnayn sida kuwa xilligan jira oo uu ku tilmaamay kuwo aan waxba ka duwayn Xisbiyadii shuuciyada.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga, ayaa dhankiisa isagoo dhaliilaya qaabaka ay u dhisan yihiin Xisbiyada Siyaasada Somaliland, wuxuu ku sifeeyay in ay yihiin kuwo dhiirigelinaya qabyaaladda, halkii ay ahayd in lagaga gudbo, wuxuuna carabka ku adkleeyay in xeerarka iyo dastuurka ee ay ku cadahay in aan qabyaalada lagu dhaqmin la baalmaray oo aan lagu dhaqmin.

“Hadda asxaabtii qaranka ayaa wada inay dadka qabaail u kala saaraan, waxaynu ku jirna in la yidhahdo qofka musharaxa ah ‘reerkiina soo kaxayso, oo cuqaashaadii meeday? Waxaynu ku bilownay qofka inaynu taageerayaashiisa weydiino.” Ayuu yidhi

 

AKHRI: Prof. Buubaa Oo Naqdiyay Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland Axsaabata Mucaadkana Ku Tilmaamay Kuwo Aan Qorshe Cad Lahayn

Siciid Sulub oo hadal ka jeediyay munaasibad loo qabtay Huteel cusub oo laga furay Magaaladda Burco ee xarunta Caasimada Labaad ee Somaliland, wuxuu sheegay in markii u horaysay ee nidaamka doorashooyinka iyo tartanka Ururada loo guuray Somaliland labaatan sanno ka hor uu xafiiskii u horeeyay ee UDUB, ka furo magaalada Burco, wuxuu tilmaamay murrashaxiinta maanta shuuradaha ay Xisbiyadu ku xidhayaan ay tahay Cuqaashii iyo Xaafadiina soo kaxayso oo iyagu u keenayaan Xisbiga, balse xilligaa ay Somaliland nidaamkan bilawday 20 sanandoo ka hor murrashaxiinta lagu xidhay in uu soo kaxaysto 150 taageerayaal ah oo qaadhaanka Xisbiga bixiya, isla markaana kala xaafado ah.

 

“Waxaan  leeyahay bal saddexdeenan xisbi halaga guuro oo tobbanka sannadood wax yar baa ka hadhee xisbiyo cusub oo qaranka isku xidha hala sameeyo.waxaan sidaa u leeyanay annigu maanta KULMIYE ayaan ka mid ahay, shalayna WADDANI baan ahaa, tii ka horraysana waxan ahaa aas aasayaashii xisbigii koowaad ee UDUB, Xisbigaygii markuu iga burburay dee waanigan silcee kolba mid gelaya, umana arko xisbiyo hagaagsan oo weli UDUB baan daydayayaa” ayuu yidhi, Wasiir Siciid Sulub oo si niyad ah uga hadlay mawqifkiisa ku waajahan axsaabta siyaasadeed ee maanta Somaliland ka jirta.

AKHRI: Prof. Ismael Buubaa Oo Ku Taliyay Casriyaynta Iyo Tayaynta Qaab-dhismeedka Xisbiga WADDANI