xaglatoosiyeBuuhoodle(ANN)Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Xagla Toosiye oo ku sugan Magaalada Buuhoodle, ayaa dhexda ku martay Magaalada, kadib markii uu maalintii shalay kaga qaybgalay Munaasibad lagu caleema saarayay Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo ay kala qayb galeen wufuud ka timi Somalia, Puntland iyo Kililka Shanaad ee Ethiopia.
Wasiir Xagala Toosiye oo weli ku sugan Buuhoodle, ayaa casuumad u sameeyay in ku dhow 150 Ergay oo isugu jira Garaado, Salaadiin, Odayaal iyo waxgarad ka kala yimi Gobolka Sanaag, Sool, Togdheer iyo Xaysimo ee xaruntiisu tahay Taleex, kuwaas oo uu doonayo inay ka wada hadlaan sidii dadka deegamadaa loo midayn lahaa ee waxyaabaha ay kala tirsanayaan looga saari lahaa meesha, isla markaana isu lab xaadhan lahaayeen.
Dr. Saleebaan Xagla Toosiye oo higaaminayay Wefdiga dhinac Somaliland ee ka qaybgalay Caleemo saarka Garaadka cusub, ayaa ka hor munaasibada caleemo saarka ku wargeliyay siyaasiyiinta ka yimi Puntland iyo Somalia inay ku laabtaan deegaamadoodii marka ay dhamaato xafladu, isla markaana ay ka fogadaan mudada munaasibadu socoto waxyaabo siyaasad la xidhiidha, balse Gudoomiye xiggeenka Labaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa isugu shalay ka hor intii aanay xafladu dhamaan kasoo baxay Buuhoodle, isagoo dhaleecayn u jeediyay siyaasiyiinta dhinaca Puntland ee ay deegaankaa kasoo wada jeedaan, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay xafladaa oo ahayd mid dhaqan u rogeen siyaasad oo ay Calanka Somalia hordhigeen, taas oo uu ku tilmaamay mid gef ah, balse ka bxitaanka munaasibaddaa ee Guddoomiye ku xigeenka golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Cadde, ayaa loo arkay dhinaca Somaliland mid uu marmarsiiyo uga dhigatay arrimo siyaasadeed oo uu ku qarinayo, isagoo diidaya inuu qaab siyaasi ah u waajaho siyaasyiinta loolanku ka dhexeeyo ee ka yimi Somalia, Puntland iyo Garaadkiisa Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo ka mid ah madaxdhaqameedka kasoo horjeeda Somaliland ee deegaamada ay kasoo wada jeedaan.
Hase yeeshee Wasiir Xagla Toosiye oo isugu weli ka doobinaya Buuhoodle, ayaa u jilib dhigay Siyaasiyiinta ka yimi Somalia iyo kuwa Puntland oo uu higaaminayo Madaxweyne ku Xigeenka Punland Cabdixakiim Camay iyo xubno ka mid ah siyaasiyiinta debed wareega ah ee kooxda Khaatumo, kuwaas oo dhamantood u dhashay deegaankaa, wuxuuna Dr. Saleebaan Xagala Toosyie markii ay dhamaatay munaasibadii caleemo saarka iclaamiyay casuumada in ka baddan 150 Ergay oo ka kala imanaya Sool, Sanaag, Togdheer Xaysimo iyo deegaamo kale oo dhamaantood Somaliland ah.
Dhinaca kale Magaalada Buuhoodle weli waxa ku sugan Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wefdiga uu hogaaminayay iyo siyaasiyiin ka yimi dhinaca Somalia oo u dhashay deegaankaa, waxayna joogitaanka siyaasiyiinta kala duwan ee kala mabaadiida iyo ujeedada ah ay culays ku noqotay xaalada magaaladaa oo ah mid xaasaasi ah.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com