Araweelo News Network


Hargeys(ANN)-Wasiirka Arrimaha Debaadda & Ikaashiga Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa isugu yeedhay kulan is xog waraysi iyo wadatashi xubnaha Gudida Ictiraaf Raadinta heer Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta isniin 10-ka April, 2017 Hudheelka Maansoor ee Caasimadda Hargeysa.

Kulankan oo Gudidu ku wada qaateen hadhimo hawleed (Working lunch) Hudheelka Maansoor ayaa ugu horrayn Wasiirka Arrimaha Arrimaha Debadda, ahna Guddoomiyaha Gudida Ictiraaf Raadinta heer Qaran, Dr. Sacad Cali Shire uu warbixin kooban ka siyay xubnaha gudida hawlaha u qabsoomay Wasaaradda iyo wadanka illaa aakhirkii sannadkii hore iyo sannadkan 2017, tallaabooyinka hore loo qaaday xagga xidhiidhka Afrika iyo caalamkaba, siyaasadda debadda iyo diblomaasiyadda iyo dadaallada socdaba, waxanu hoosta ka xarriiqay sida loogu baahanyahay guddi ahaan iyo qaran ahaanba in la dardargeliyo shaqada ictiraaf u raadinta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Wasirku wuxu uga warramay gudida hawlaha uga soo qabsoomay Wasaaradda iyo wadankaba shirarkii kala duwanaa ee Wasaaraddu kaga qaybgashay debadda, waxanu sidoo kale xusay inay waxqabadada muhiimka ah ka midyihiin in diblomaasiyiin ruug caddaa daacad u ah shaqada danjirenimo ee ay muddo dheer Somaliland ku metelayeen wadamo kala duwan kuwaasoo uu ka midyahay Danjire Iqbal Jhazbay oo sannado badan Somaliland uga ahaa dalka Koonfur Afrika kadib markii uu Madaxweynihii hore ee JSL Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u magacaabay xilkaas sannadkii 2001.

DR. Sacad Cali Shire wuxu ku tilmaamay guulo siyaasadeed iyo horumar laga gaadhay xagga xidhiidhka debadda iyo maalgashiga caalamiga ah heshiisyadii kala dambeeyay ee Maalgashiga Berbera iyo Saldhigga Millatari ee Berbera ee labada dawladood ee Somaliland iyo Isutagga Imaraatka Carabtu wada gaadheen, iyo faaiidooyinka dhaxalgalka ah ee dhinacyo kala duwan ay uga leeyihiin Somaliland.

Waxa ka hadlay kulanka oo talooyin waaya aragnimo iyo afkaar muhiim ah oo ku tacaluqa siyaasadda arrimaha debadda iyo gaar ahaan dadaalka ictiraaf raadinta, xidhiidhka iyo iskaashiga caalamiga ah soo jeediyay dhammaan xubnihii Gudida Ictiraaf Raadinta heer Qaran ee shirka ka soo qaybgalay oo ay ka mid ahaayeen Eng Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ahna Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha dhulka Soomaalida, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ahna Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Xidhiidhka Ururo-dawladeedyada iyo hay’adaha caalamiga ah, Mufane Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geeljire, Danjire Xuseen Cali Ducaale, ahna Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Afrika ee Gudidan, Barafasoor Saleebaan Axmed Guuled, Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud, iyo Garyaqaan Xuseen Maxamuud Faarax, Hormoodka Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa,

Wasiirka Arrimaha Debaadda & Ikaashiga Caalamiga ah JSL, Dr. Sacad Cali Shire ayaa aad usoo dhaweeyay afkaarta iyo talooyinka ay xubnaha gudidu soo jeediyeen, isla markaana dhiirrigeliyay dardargelinta shaqada iyo joogtaynta kulan hawleedada Gudida Ictiraaf Raadinta heer Qaran.

Dhammaan xubnaha gudida ee hadlay ayaa iska daba maray ahmiyadda iyo kaalinta saxaafadda madaxabannaan ee dalku ka qaadan karto dadaalka ictiraaf raadinta, waxana aad loo bogaadiyay shirkii Wasiirka Arrimaha Debaddu kula hadlay saxaafad tiro badan illaa konton laamood ka socday maalintii shalay isla Hudheelka Maansoor iyo sidoo kale shir la mid ah oo Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe la qaatay afar tameeyo suxufi.

Gebogebadii, waxay gudidu isla qaateen qodobo muhiim u ah kor u qaadida heerka hawlqabasho ee Gudida Ictiraaf Raadinta heer Qaranl, qorshayaasha mudnaanta u leh xillga dhaw, wakhtiga shirka gudida ee kan xigaya, u diyaar garawga 18 May 2017 iyo qodobo kale.

Source:
The Committee Secretariat Office
Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation
Hargeisa, Republic of Somaliland
sldiasporaagency@gmail.com
info@slforeign.com
www.slforeign.com