Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Naxamed Bixii Yoonis oo si weyn loogu soo dhoweeyay madaarka Hargeysa

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Naxamed Bixii Yoonis oo si weyn loogu soo dhoweeyay madaarka Hargeysa

Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa si ballaadhan loogu soo dhoweeyay maanta Magaalada Hargeysa, isagoo kasoo laabtay safar uu dalka Ireland Madaxweyne Siilaanyo ku tegey, isla markaana Wasiir Biixi Xubin ka ahaa Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

1BiixiYoonismadaarkasoodhowayntii

Muuqaalka soo dhowayntii Wasiirka Arrimaha Dibadda Naxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah Murashixiinta golaha dhexe ee KULMIYE uga qaybgelay Tartanka Doorashada Madaxweynaha

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka mid ah murashixiinta Xisbiga KULMIYE, waxa Madaarka Cigaal ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka Tirsan Golayaasha Qaranka,Salaadiin, waxgarad qaybaha bulshada ee kala duwan iyo dadweyne kale, wuxuuna Warbaahinta kula hadlay qolka Nasashada ee Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimada Hargaysa, isagoo ka hadlay safarkooda waxyaabihii ay kala kulmeen iyo hankiisa murashaxnimo ee Madaxweyne marka la gaadho shirka golaha dhexe ee 10 November 2015, kaas oo la filayo in xisbiga Kulmiye ku doorto murashaxa u tartamaya doorashada madaxtooyadda marka la gaadho 3 April 2017.

Maxamed Biixi Yoonis wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Maxamed Biixi Yoonis wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo ka mid ah Murashixiinta KULMIYE,  soo dhowayntii madaarka Hargeysa 11 Oct 2015

Markii Madaarka lagu soo dhaweeyey Maxamed Biixi Yoonis waxa uu la hadlay qaybaha kala duwan ee soo dhaweeyey, waxaana ka hor hadalkiisa Cod-baahiyaha ku soo dhaweeyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), waxaanu yidhi; “Dadka Maanta halkan isugu yimi waxa weeye KULMIYE ayay ku wada socdaan, Beelo kuma wada socdaan, Qabaa’ilna uma socdaan, Reerana uma socdaan, Xisbiga tallada haya oo Xisbiyadana ugu weyn oo la yidhaahdo KULMIYE ayay ku wada socdaan. Waxaan ku soo dhawaynayaa Mikrifoonka anigoo ku hadlaya dhammaan dadka halkan isugu yimi, gaar ahaan Salaaddiinta oo dhan oo ay metelaan labada Suldaan guud, waxaan ku soo dhawaynayaa Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.”

Maxamed Biixi Yoonis oo ka mahad-celiyey qaabka loo soo dhaweeyey, waxa uu Tacsi u diray Qoysaska, iyo Ehelada Afar Wiil oo dhalinyaro ah oo toddobaadkii hore ku dhintay Badda Berbera. “Marka ugu horreysa waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa dadkiinnan sharafta leh ee sida weyn ee qiimaha leh ee qaddarinta leh maanta iigu soo dhaweeyey Madaarka Hargeysa anigoo ah Musharrax u diyaar ah inuu hawsha Xisbiga ka soo baxo, Waxaan ILLAAHAY ka baryayaa inuu ila qabto, hadduu Khay ku jiro ila qabto iguna hago.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

5soodhowayntawasiirka

“Somaliland wax badan bay soo qabsatay 24-kaa sano, Maanta waxay maraysaa meel ay u baahan tahay hawshaa culus ee ay dawladihii hore qabteen ee dawladdan maanta jirta oo hawl fara badan qabatay ee uu Masuulka ka yahay Madaxweyneheenna Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aannu ugu mahadnaqayno hawsha qiimaha weyn ee ballaadhan ee uu dalka u qabtay inuu maanta u baahan yahay hawshaas uu qabtay iyo magaca uu ka tegayo qof aqoonteedii, cilmigeedii, waayo-aragnimadeedii iyo khibraddeedii leh oo halkaas ka sii qaada oo dadka Somaliland mideeya, Somaliland waa mid maanta waxaad arkaysaan halkaa in Bari illaa Galbeed Somaliland ku dhan tahay.”

SuldaanMaxamed Cabduqaadir oo gelbinaya wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland Madaarka Hargeysa 11 Oct, 2015

SuldaanMaxamed Cabduqaadir oo gelbinaya wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis Madaarka Hargeysa 11 Oct, 2015

“Tartanka ka dhici doona (Xisbiga KULMIYE dhexdiisa) ama ha noqdo jago Madaxweyne ama Madaxweyne Ku-xigeen ee waxa uu noqon doonaa tartan dadka Somaliland oo dhan u dhex ah oo qof kasta oo reer Somaliland oo ama Bari ha joogo ama Galbeed ha joogo uu xaq u leeyahay. Waxaynu u baahannahay maanta qof isku mideeya oo dadka isku soo dhaweeya oo aan dadka kala fogeyn, waxaan ahay ninka caynkaas ah ee aamminsan inaan wax qabadkeeda wax ka qaban karo. Waxaan idin leeyahay waad mahad-san tihiin, waanaynu guulaysan doonnaa Insha Allaah, Taageeradiinnaan u baahanahay, waxaan u baahanahay inaad I barbar-istaagtaan, waxaan aamminsanahay inaan ahay nin aad ku aammini kartaan, dalka iyo dadka maamulkooda.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Maxamed Biixi.

5soodhowayntawasiirka

Musharrax Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu ka warramay Safarka Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga uu hoggaaminayaa ku marayeen maalmihii u dambeeyey waddamada Imaaraadka Carabta, Ireland iyo Ingiriiska oo uu Wasiir ahaan Xubin ka ahaa, waxaanu sheegay inuu yahay safar taariikhi ah oo guul weyn u ah Jamhuuriyadda Somaliland, maaddaama oo aan Ireland Somaliland hore u tegin.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi, waxa uu sheegay inuu Macallin ahaa, isla markaana meelo badan oo kala duwan oo dalka Somaliland ah uu Macallin Dugsi ka soo noqday, isla markaana ka soo baxay Jaamacadda Hardvord ee waddanka Maraykanka, leeyahayna aqoon iyo karti uu dalka Somaliland ku hoggaamin karo, meel fiican iyo aqoonsina uu gaadhsiin karo.

Wasiir Biixi oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Dalka si fiican baan u kala aqaannaa dad badan baa u haysta malaha inaan Qurbo-joog uun ahaaye, dalka meelo badan baan macallin ka ahaa, Bulla-xaar baan Macalin ka ahaa, Sallaxlay baan ka ahaa, Berbera ayaan ka ahaa, Balli-gubadlaan ka ahaa, Sheekh Baan ka ahaa oo Burco ayaan ka ahaa. Jaamacadda adduunka ugu weyn baan ka baxay ee Hardvord, Jaamacado badan baan ka baxay.”

“Waxaan leeyahay waxaad gaadhsiinaysaa dalka iyo dadka aqoon qalinku shaqeeyo, waxaan ahay qof dalka kala yaqaanna oo meelo badan Macallin ka soo noqday. Golaha dhexe ee Kulmiye Waxaan leeyahay  qofkaad dooranaysaan waxaad ku doorataan Aqoon, waayo-aragnimo, Karti, Xajiin la’aan iyo Taariikh qaali ah oo uu qofku leeyahay.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu mar la weydiiyey inuu jagada Wasiirnimo bannaynayo maaddaama oo uu Madaxweyne isu sharraxayo, waxa uu sheegay inaan sharcigu diidaynin ee uu isaga oo xilka haya jagada Madaxweynaha KULMIYE Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE ku tartami doono tobanka bisha soo socota ee November 2015.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo arrimahaa ka hadlaya iyo sidii loo soo dhoweeyay halkan ka daawo.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380