wefdigaEUand Uk3Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay maanta wefti balaadhan oo isugu jira Safaarada Ingiriisku ku leeyahay Dalka Ethiopia iyo xubno ka socday Midawga Yurub European Union.

wefdigaEU and Uk

Kulanka Madaxweynaha iyo Wefdiga oo ahaa mid albaabada loo xidhay, waxa goob joog ka ahaa wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Arrimaha gudaha, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

wefdigaEU and Uk Wefdiga EUandUK2

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo kulankaa ka dib la hadlay, warbaahinta ayaa sheegay in wefdigu Somaliland joogeen muddo laba maalmood ah, isla markaana kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha ay waxyaabo baddan kaga wada hadleen.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews