Hargeysa(ANN)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, isla markaana ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si cadho leh uga jawaabay su’aalo laga weydiiyey kulan ay Nairobi kula yeesheen Guddoomiyaha Xisbiga Wada-jir ee Soomaaliya ka dhisan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Masuuliyiin ka socda Xisbiyada UCID iyo Kulmiye iyo Xukuumadda Somaliland oo ay labadaa Masuul wada hoggaaminayeen, ayaa intii ay Noirobi ku sugnaayeen la kulmo la qaatay qaadhaan-bixiyeyaasha Midawga Yurub ee ku sugan Nairobi, Maraykanka iyo Hay’addo kale oo ay kala hadleen arrimaha doorashooyinka Somaliland ee dib u dhacay.

Hase yeeshee markii ay Hargeysa kusoo laabteen waxay saxaafadu wax ka weydiisay kulan ay isla Nairobi kula yeesheen Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaas oo doodo iyo su’aalo ka dhex abuuray nayalcaamka bulshadda.

Su’aalaha la weydiiyey iyo jawaabaha ay ka bixiyeen arintaa Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin iyo Faysal Cali Waraabe, Muuqaalkan hoose ee daawo.