warancadeHargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa ku hanjabay inay xukuumad ahaan xidhayaan Ninka ugu magcaaban maamul goboleedka Somalia ee Puntland wasiirka Amniga Xasan Cismaan Aloore, kaas oo markii labaad shalay ku celiyay eedaymo uu Somaliland kula xidhidhiyay inay taageero siiyaan dagaalyahanka Buuralayda Gal-gala ee ay dagaalka kula jiraan oo weeraro khasaare dhaliyay oo soo noq noqday ka fuliyay gudaha magaalada Boosaaso labadii todobaad ee u danbeeyay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali warancade oo ka jawaabaya, eedaymahaa, ayaa dhawaaqa masuulkaa ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn, wuxuuna ku hanjabay inay tallaabo ka qaadayaan marka ay fursad u helaan Ninkaa, isagoo ku amray Diyaaradaha soo mara hawada Somaliland in aanay soo qaadin Ninkaa iyo kuwa la midka ah oo ay tallaabo ka qaadayaan.
Warancade, wuxuu sheegay in maamul goboleedka Puntland wadashaqayn fiican oo dhinaca arrimaha amiga ah uu ka dhexeeyo, balse aanay garanayn halka uu Aloore ka keenay eedahaa oo uu ku tilmaamay in aanay ahayn wax qof masuul ah uu ku hadlo, isla markaana wuxuu sheegay inuu yahay Nin shaqadiisa kasoo bixi waayay oo doonaya inuu cid kale kula gal-gasho, ama ay suurta gal tahay inuu dhaqaale kaga doonayo dalalka reer galbeedka, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Maaha wax qof masuul ah uu ku hadlo waxa ninkaasi yidhi, waxaana u arkaa nin shaqadiisa kasoo bixi waayay oo cid kale kula gal-galanaya, hadday cid la shaqayso nimanka uu sheegayano isaga ayaa malaha la shaqeeya, waxaanse filayaa inuu is leeyahay dhaqaale kaga rux –ruxo dalalka reer galbeedka, waxaanse u sheegayaa reer galbeedku halkan way nala joogaan, waana la yaqaan Somaliland, arrintaana maamulka Punland ayaan toos ugala hadlaynaa” ayuu yidhi Cali warancade wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo Idaacada BBC-da laanteeda Afsoomaliga u waramay galabta.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com