Araweelo News Network


Hargaysa(ANN)-Waasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL mudane  Maxamed Kaahin Axmed, ayaa  Xasiifkiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminayo Mr. Peter De Clarcq oo ah ku xigeenka kaaliyaha ergayga Khaaska ah ee Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoomay u qaabilsan Isku xidhka gargaarka ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Kulankaa oo maanta galinkii danbe ka qabsoomay xarunta wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland waxaa wasiirka ku weheliyay Wasiir-ku-  Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye  Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, Agaasime waaxeedka Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka Iyo xubno kamida la taliyayaasha wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

 

Shirkan ayaa ujeedadiisu ahayd tayeynta  iyo  kor u qaadida  tayada ciidamada Booliska iyo balaadhinta Mashruuca GPLG,  kaas oo  ladoonayo in la gaadhsiiyo dhamaan  gobolada dalka oo dhan, balse xiligan ku eeg gobolada galbeedka.

 

Dhinaca, kale waxaa dhankooda mahadnaq halkaa kasoo  jeediyey Mr. Peter De Clarcq oo ah ku xigeenka khaaska ah ee Ergayga wakiilka u qaybsamaha xafiiska xoghayaha guud ee qaramada midoomay ee Somaliland iyo Soomaaliya isaga oo ka mahad sheegtay ciidanka SPU ee sida gaarka u ilaaliya Hay’addaha qaramada midoobay ee dalka ku sugan.