warancade1Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa ka hadlay eedaymaha mucaaradka ee dhinaca dib u dhaca doorashada iyo muddo kordhinta ay marar baddan xukuumadda ku eedeeyeen inay qiil u raadinayso.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha Diiwaangelinta Medeniga ah, diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo xaalada dalka.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warancade, wuxuu arrimahaa kaga hadlay Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa, kaas oo kusoo beegmay xili saacadihii u danbeeyay hoggamiyayaasha mucaardka Somaliland xukuumadda Madaxweyne ku dhaleecaynayaan inay dib u dhac ku yimaada doorashada sabab u tahay, iyagoo ugu baaqay in marka la gaadho dhamaadka mudada xukuumadda haddii aan doorashooyin ka dhicin dalka la kala diro xukuumadda iyo golayasha, isla markaana lasoo dhiso dawlad dalka gaadhsiisa doorashooyin xor ah.
Warka wasiirka Arrimaha Guddaha Warancade oo dhmaystiran Riix Halkan

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews