warancade

 

 

 

 

 

 

Hargeysa(ANN)Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa jawaab ka bixiyay asbaabaha loo samaynayo Ciidanka Ilaalinta Shidaalka baadhista ee OPU (Oil Protection Unit). Kuwaas oo doodo ka taagan yihiin aasaaskodoa, wuxuuna sheegay in aanay samaynta Ciidankaasi xasilooni-darro ku keenayn Mandaqada Geeska Afrika.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Waran-cadde, wuxuu sidaa ka sheegay Khubad ka jeediyay Kulan lagaga hadlayay sidii loo soo-saari lahaa Khayraadka Dallka oo lagu qabtay Magaaladda Hargeysa

Wasiirka oo sharaxaya sababaha loo aasaasay Ciiddankan, wuxuu yidhi, “Ciidanka OPU (Oil Protection Unit) waxay hoos-yimaddaan Wasaaradda Arrimaha guddaha, waxaany ka tirsan-yihiin Ciidanka Booliska, Ciidammadda hoos-yimadda Wasaaradda aan Madaxda ka ahay waxa ka mid ah Ciidankan OPU oo aan hadda ka hadlayo, STU, SPU, CID, RRU, Laanta Socdaalka iyo Ciiddanka Ilaalada Xeebaha. Waxa Ciiddamaddan ka baxsan Ciiddanka Qaranka ee balaadhan”

“Ciiddankan waxa laga soo xulay Booliska Somaliland iyo Ciiddanka Qaranka, loona tababaray si Carsi ah oo ah Qofkii Ajnabiga ah ee inoo yimaada ama Dadka ka socda Shirkaddaha Shidaalka qodaya Naftooadda inuu bad-baadin karo haddii meelaha qaarkood la isku taago” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudduhu.

Aasaaska Ciidankaa, ayaa doodo ka dhasheen markii wararkoodu soo baxeen, waxaana walaac ka muujiyay Ha’yaddo shisheeye iyo muwaadiniin sharci yaqaano ah oo saluugay sida loo maamulayo.
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com