warancadeHargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha Somaliland Cali maxamed Warancadde iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Gobolka Sool, halkaas oo wasiirka iyo wefdiga la socdaa ku biirayaan wadahadalada xalinta xiisad dhowaan ka dhacday Degmada Guumays oo u dhaxaysay dadka deegaanka qaarkood.
Dhinaca kale Wadooyinka Magaalada Hargeysa ayaa wax laga bedelay qaabka gaadiidku u marayaan, iyadoo labada wado ee ugu muhuumsan ee halbawaha Caasimada oo kala ah Wadada Madaxtooyadda hor marta oo dhowaan laga dhigay haad keliya oo dhinaca galbeedka keliya loo marayo laga bilaabo Kaalinta Ina-Galan ee dhinaca Bariga oo wax yar u jirta Saldhiga New Hargeysa ilaa laga gaadhayo goolada Guuleed Huteel ee dhanka galbeedka, balse qorshaha cusub ayaa ka dhigaya in wadada Madaxtooyada hormarta ay marayaan keliya gaadiidka u socda dhinaca Bari.
Halka wadada Cusbitaalka guud ka marta dhinaca jihada Woqooyi ee xagga danbe oo iyadana hore looga dhigay haad keliya oo ay marayaan gaadiidka u socda dhinaca Bariga laga bilaabo Kaalinta Ina-Galan ee dhinaca Bariga oo wax yar u jirta Saldhiga New Hargeysa ilaa laga gaadhayo Isgoyska Guuleed Huteel ee dhanka galbeedka, balse qorshaha cusub ayaa ka dhigaya in wadada hada ay marayaan oo keliya gaadiidka u socda dhanka galbeedka.
Qorshaha wadooyinka Caasimada hore wax looga bedelay ayaa sababay muran waqtigaa sababay muran dhinaca sharciga ah oo dhexmaray golaha deegaanka Hargeysa ee Caasimada iyo Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Cali Warancade, balse qorshahan cusub waxaa ku dhawaaqay Maayar ku xigeenka Caasimada Cabdicasiis Caga-weyne iyo Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa, waxayna sheegeen in qorshihii hore ee hanaankii waddooyinka wax lagaga bedelay ahaa tijaabo,balse qorshaha ay hadda ku dhawaaqeen yahay mid rasmi ah oo si fiican u shaqaynaya, isla markaana ay rumaysan yihiin inuu wax ka tarayo culuska saxmada gaadiidka Caasimada Hargeysa oo sanadii u danbeeyay dadweynuhu aad uga cabanayeen, iyadoo xiliyada qaar ay wadooyinkaa ku qaadato qofka inuu saacado ku xanibmo sababaha gaadiidka iyo wadooyin ka oo cidhiidh noqda awgood.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.