Araweelo News Network


Hargeysa (ANN) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Muumin Seed, ayaa Maanta Xilka u kala wareejiyey Agaasimihii hore ee Wasaaradda Beeraha Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaraddaasi Mr. Axmed Cali Maax

Munaasibadda Xil-wareejinta oo ka qabsoontay Hoolka Shirarka ee Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL, waxa ka qayb-galay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Xildhibaanno, Masuuliyiin hore Xilal uga soo qabtay Dalka, Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee la shaqeeya Wasaaradda Beeraha, Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Isku-duwayaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha.

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) oo loo Magacaabay Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey Xafladda uu Xilka ku wareejiyey, ayaa yidhi “Wasaaraddan waxaan joogay Afarta Bilood ee xukuumaddani jirto. Madaxweynaha waxaan ugu Mahad-naqayaa inuu haddana Xil kale ii Magacaabo weliba isagoo iga talo-geliyey, wallow aan Anigu jeclaa inaan Agaasime Guud ka dallaco ama ka dhaco, haddana waa ILLAAHAY Mahaddii kol hadday noqotay in loo baahan yahay in la sii shaqeeyo. Wasaaradda Shaqada iyo Qoyska oo ah Wasaarad ballaadhan oo aan khibraddeedana leeyahay inaan ka shaqeeyo waan ku faraxsanahay..”

Agaasime Maxamed Ilka-casse wuxuu u Mahad-naqay Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL, waxaanu yidhi “Aad baan ugu Mahad-naqayaa Wasiirka iyo Shaqaalaha Wasaaradda, Hay’adihii aanu wada shaqayneynay iyo Beeralaydaba…”ayuu yidhi.

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mr. Maax oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Sharaf bay ii tahay in la ii soo Magacaabo Wasaarad takhasuskayga ah, waxaan u Mahad-celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ii igmaday Xilkaa ballaadhan ee Takhasuskayga ah.”

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Beeruhu wuxuu si gaar ah ula hadlay Shaqaalaha Wasaaradda “Waxaan idiin ballan-qaadayaa in Waax kasta oo Wasaaradda ahi sideeda u shaqayn doonto oo Waax fadhida aan la arki doono. Aad baan ugu kalsoonahay Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ahba waan u Mahad-celinayaa, waxaan idin leeyahay niyadiina khayr u sheega, waxaan leeyahay Shaqo waa halkeeda oo waynu wada shaqaynaynaa, is-qabqabsiguna wuu iska imanayaa, laakiin hawl aan la isku qabqabsan waxba ma noqoto, markaa ceeb la idinkama sheegayn, markaa wax badan ayaynu isla garan doonaa maaddaama oo Takhasuskaygu Beeraha yahay, midna waan idiin sheegayaaye waxaynu ku wada shaqayn doonaa Sharciga Somaliland u yaalla, Sharciga Somaliland sharci ka baxsan ku wada shaqayn mayno.”

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Xafladda uu xilka ugu kala wareejiyey, ayaa Mahad-naqa ka qayb-galayaasha Xafaldda ka dib, wuxuu amaanay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) oo uu sheegay in Maaddaama oo uu Wasaaradda kaga soo horreeyay uu kala baray Wasaaradda “Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) waa Agaasimihii igaga soo horreeyay Wasaaradda, Muddada kooban ee aan joogayna si aad iyo aad u xawli ah iila soo shaqeeyay oo Garabkayga taagnaa. Maalintii Xilka la igu wareejiyey Wasiirku markiiba wuu iga tagay, laakiin Ninka Wasaaradda I kala baray ee Shaqada i kala tusay ee inta badan i garab taagnaa wuxuu ahaa Agaasimaha, waana Nin Hawl-kar ah runtii, weliba hawl-karnimadaa ku darsaday waa Nin calooshiisu saafi tahay oo daacad ah oo wuxuu ogyahay si cad kuugu sheegaya.”

Wasiir Seed wuxuu soo dhaweeyay Agaasimaha cusub “Waxa illaahay Mahaddii ah in Dr. Axmed Cali Maax oo takhasuskiisu yahay qaybta Beeraha oo isagu beddelaya Agaasime Ilka-casse. Agaasime Maax wuxuu nasiib badan yahay, waayo? Wuxuu yimid Wasaaradda oo hawl ka socoto..” ayuu yidhi