Araweelo News Network
xaglatoosiye
Hargeysa(ANN) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa ugu baaqay dadweynaha reer Buuhoodle inay tashadaan oo ay isku racaan halka dantu ugu jirto.
Wasiir Xaglo-toosiye oo socdaal ku tagay Gobolka Buuhoodle shalay, iyadoo soo dhawayn ballaadhan ay ku qaabileen dadweynaha magaalada Buuhoodle oo socod galbis ah ku mariyey waddooyinka dhexmara, ayaa hadal uu goob fagaare ah uga jeediyey shacabka waxa uu ku wargeliyey inay tashi iyo wadahadal ka yeeshaan siyaasadda kala guurka ah ee socota.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxaan u socdaa in safar shaqo oo la xidhiidha haddaynu reer Buuhoodle nahay in aynu tashanno, waad ogtihiin oo siyaasado kala guur ah oo isu-guur ah ayaa socda, in aynu meel ka galno waa muhiim, dhaqankeennu wuxuu ka soo jeedaa oo aynu nahay reer Miyi, ninka reer Miyiga ahi marka deegaankiisu daaqu ka xumaado ama abaari ku dhacdo ama ay dulin yeelato wuu ka guuraa oo wuxuu u guuraa guri wacan, markaa ninka reer Miyiga ah ayeynu ka liidanaa. Waxa socda siyaasado kala guur ah oo noqon doona maanta ninkii Ilaahay haleelsiiyo kuwa hagi doona ummadda berri, ummaddu waa isku dan waana kala dan, reer Buuhoodle waxa laga rabaa inay tashadaan, in aynu isu nimaadno oo meeshii aynu aragno in danteenu ku jirto ee dal-san ah in aynu isku raacno.”
Dr. Xaglo-toosiye waxa kaloo uu ku hambalyeeyey Madaxweyne Siilaanyo isku shaandhaynta uu ku sameeyey xukuummadda ee uu saamiga buuran ka siiyey beesha Gobolka Sool, waxaannu ugu duur-xulay reer Buuhoodle in looga baahan yahay xeelad la mid ah ta reer Sool ku heleen xilka Wasiirka Daakhiliga.
“Waxaan rabaa in aan halkan uga mahadceliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isku-shaandhayntii uu sameeyey maalintii dhawayd oo uu sad aan hore loo arag siiyey beesha ka soo jeeda Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, waxaan u hambalyo u dirayaa Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Yaasiin Faratoon, hadda reer Buuhoodlow midna ogaada oo xilkaasi iskama iman, bilaashna kuma iman ee talo ay tashadeen reer Sool ayuu ku yimi, taladaas mid la mid ah ayaa la idiinka baahan yahay,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye.