xaglatosye oo ka hadlay dilkii2Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye, ayaa faahfaahin ka bixiyay dilka toogashada ahaa ee shalay 22 March Askari ka tirsan Ciidanka Boolisku ku fuliyay Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere) oo ka mid ahaa ganacsatada xoolaha ee Somaliland.
Dr. Xaglo Toosiye maanta xilkii u kala wareejiyey Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame oo ka mid ahaa masuuliyiin Madaxweyne Siilaanyo dhowaan xilalkii ay hayeen ka qaaday iyo Agaasimaha Guud ee cusub Dr. Yuusuf Axmed Cali oo loo magcaabay xilkaa, ayaa sheegay in marxuumka gacan ka xaqdarani dishay, wuxuuna cadeeyay inuu ka mid ahaa wefdi uu hoggaaminayay oo goobo caafimaad ku dhagax dhigayeen deegaanka dilku ka dhacay.
“waxaan tacsi u dirayaa shacbiga Somaliland iyo qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere) oo ahaa ganacsade caan ah, wuxuu ka mid aha wefdigayga, waxa dishay gacan ka xaqdaran deegaanka Qoddon, isaga ayaa nagu qalqaaliyay safarka, wuxuuna geeriyooday isagoo doonaya inuu deegaanka uu kasoo jeedo u helo adeegyo Caafimaad, isagaa nagu qalqaaliyay oo nagala shaqeeyay, wuuxuna diyaar u ahaa inuu gacan ka geysto, waxaana Illaahay uga baryayaa inuu naxariistii janada ka waraabiyo.” Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Marxuumku geeriyooday markii ay kasoo laabteen laba goobood oo caafimaad, kuwaas oo ay waqtigaa soo dhagax dhigeen, wuxuuna amaan usoo jeediyay Laba Askari oo uu sheegay inay yihiin Ilaaladiisa, kuwaas oo sida uu xusay markii dilku dhacay gacanta ku dhigay Askarigii dilka geystay iyo qorigiisa.
Halkan Ka Daawo weedhaha wasiirka iyo Munaasibada Xil wareejinta wasaarada caafimaadka ee labada Agaasime oo dhamaystiran Riix.

 

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews