Hargeysa(ANN)- Wasiirka wasaaradda Horrumarinta Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi Bade, ayaa sheegay in Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO, soo gaadhsiisay Mishiin wax weyn ka taraya baadhitaanka xannuunka COVID-19.

 

Wasiir Cumar oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Hay’adda WHO, oo hore ugu keentay mishiinka Sheybaadhka Coronavirus ee P-T PCR, (Real-Time Polymerase Chain Reaction), ay maanta soo gaadhsiisay mishiinka shaybaadhka ee (RNA instruction Machine).

 

Wasiirka wasaaradda Horrumarinta Caafimaadka Somaliland, Cumar, wuxuu sheegay in Mishiinka la keenay uu wax weyn ka tarayo baadhitaanada xannuunka Coronavirus, isla markaana marka laga tago xaaladda xilligan ee xannuunka uu yahay qalab mar walba loo baahanyahay oo baahi weyn loo qabay.

 

Waxa kale oo uu sheegay in Mishiinka sheybaadhka ee RNA, fududaynayo hawlaha baadhista, isagoo yidhi, “Waxay keeneen mishiin kale oo taageeraya hawshana u fududaynaya shaqaalaha, waqtiga lagu soo saarayay jawaabaha oo deg-deg noqonaya iyo, isagoo jawaabaha soo baxaya ee sheybaadhka  ka dhigaya in ay noqdaan kuwo 100%  lagu kalsoonaan karo.” Ayuu yidhi.

 

Sidoo kale, wuxuu xusay in Mishiinka hada loo keenay wax weyn ka tarayo kala saarista DNA iyo RNA, isagoo yidhi, “Fayriska aynu hada la dagaalamaynaa wuxuu leeyahay RNA, marka qofka laga soo qaadona, waxa ku dhexqasan Unugyadii jidhka ee kale DNA, kadibna mishiinka PCR, sheego nooca Fayriska oo gaar ula soo  baxo. Waxaan aaminsanahay inuu kor u qaadayo baadhitaanka, isla markaana uu shaqaalaha shaybaadhka culays badan ka dejinayo.”

 

Wasiirku, wuxuu sheegay in dalka ay ku yaalaan 400 xarumaha MCH iyo ku dhowaad 20 Cusbitaal, sidaa awgeed aannay arrinta culus ee ay hayso Wasaaradda Caafimaadku,  isla markaana lagu hanbalyeeyo shaqada culus oo aan ahayn xannnuunka ay la tacaalayso. Sidaa darteed wuxuu sheegay in la ixtiiraamo  shaqaalaha Caafimaadka.

 

Dr. Gaboobe oo ka mid ah Dhakhaatiirta Somaliland, ayaa dhowaan sheegay in Mishiinkii baadhitaanka Coronavirus ee P-T PCR, (Real-Time Polymerase Chain Reaction), aannu ahayn mid si dhab ah loogu oggaanayo marka lagu baadho dheecaanada laga qaado qofka inuu qabo COVID-19 iyo inuu ka fayawyahay xannuunkaa. Sidaa awgeed aan laysku halayn karin, wuxuuna soo jeediyay in mishiinka Sheybaadhka oo aan waxba ka duwanayn baadhtinaadii hore loogu samayn jiray sheybaadhada Somaliland ee natiijada khaldan soo soo saari jiray waxba ka duwayn.

 

Hase yeeshee Wasaaradda Caafimaadka, ayaa si weyn uga cadhootay, waxayna maalin kadib sheegtay in ay ruqsadii kala noqotay Dr. Gaboobe oo xarun lagu iibiyo dawooyin ku lahaa Somaliland, isla markaana horre wasaaradda uga haystay  Liisanka sharciga.

AKHRI:: Somaliland Dhakhtar Daadafeeyay Mishiinka Sheybaadhka Coronavirus Uguna Baaqay Xukuumadda In Ay Mishiinka Laftiisa Shaybaadh Ku Samayso