Araweelo News Network

wasiirkaarrimahagudahafaratoonHargeysa (ANN)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.
Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa iftiimiyey waxyaabaha u bannaan dadka mucaaradka ah iyo waxyaabaha aan u habboonayn.
Wasiir Faratoon oo daba socday eedaymo siyaasiyiin mucaarad ahi u soo jeediyeen dawladda oo ay ku sheegeen in dalka la iibinayo, waxa uu xusay in aanay mucaaradnimadu ahayn qalalaase la galiyo dalka, “Mucaaradnimadu maaha qas, nabadgalyo xumo iyo xasillooni la’aan in la abuuro, mucaaradnimadu waa in si wax dhisaysa oo miisaan leh oo aad ra’yigaaga ku gudbin karto oo wixii khaladaad ah ee aad arkayso ee dawladda ku dhaliilayso aad u sheegto, maaha macnaheedu in aad dalkaagii iyo dawladnimadaadii xasillooni-darro iyo dhibaato ku riddo, waa nasiib-darro, waa xilkasnimo la’aan, mucaaradnimana maaha ee waa wax macno ay leedahay aanay jirin oo siyaasadna aan ahayn,” ayuu yidhi Md. Yaasiin Faratoon oo u warramayey telefishanka Star shalay.
Waxa kaloo uu ka hadlay xaaladda nabadgalyada dalka iyo colaado isku dhacyo beeleed ah oo uu xilkiisu la kowsaday markii la magacaabay, waxaannu yidhi, “Dhammaantood arrimihii dhacay waanu ka wada hawlgalnay, meel wanaagsana way wada marayaan oo qaar dhammaaday way jiraan, qaar lagu dhex jiro oo meel wanaagsan marayaana way jiraan.”
“Somaliland waxaynu ku caano-maalnay waa nabadgalyo, xasilooni iyo deganaansho, taas ayuun baanaynu horumar ku gaadhi karaynaa, waxaannan u soo jeedinayaa dadka in nabadgalyada, ganacsi furan, isu-socodka iyo isu-soo dhawaanta lagu dhaqmo oo lagu dheganaado,” ayuu hadalkiisa raaciyey.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu sheegay in diiwaangelintii ugu ballaadhnayd ee dalka laga qabtaa ay si nabadgalyo ah ku soo gabogabowday, isla markaana la filayo in natiijadeedu noqoto tiro aad u badan.
“Diiwaangelintii u ballaadhnayd ayaa dalka ka dhacday, tiradii u badnayd ee dad ahna waa la diiwaangeliyey sannadkan, waxaanaynu filaynaa inay ka soo bixi doonto tiro aad u sarraysa dadkii is-diiwaangeliyey, way jirtay gobollada qaarkood in aan waqti ku filan la siin wacyigelintii iyo abaabulkii dadka duruufo jira dartood, way jirtay in gobollada qaarkood diiwaangelintu ku beegantay waqtiyo aad u adag oo abaaro jireen, iyadoo dhibaatooyinkaas oo dhami jireen ayaa haddana waxa la filayaa in tiro aad iyo aad uga badan dadkii hore isu-diiwaangelin jiray ay is-diiwaangeliyeen,” ayuu yidhi Wasiir Faratoon.