Hargeysa(ANN)-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdiulaahi Axmed, ayaa Tabobbar u furay Xubno ka tirsan Shaqaalaha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, kaas oo ku saabsan Maamulka iyo Maaraynta Shaqada Xafiisyada, isla markaana kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha.

Tobabbarkan oo socon doona muddo afar maalmood ah, ayaa ka furmay xarunta wasaaradda ee magaalada Hargeysa, waxaanu noqonaya midkii koowaad ee sannadkan bilawga ah ee 2020-ka lagu ballaysimo tayeynta shaqaalaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, iyadoo sannadkii dhammaaday ee 2019-kii afar tabobbar oo kala duwan la siiyey shaqaalaha Waaxyaha Wasaaradda ka hawlgala, kuwaas oo shaqaalo badani ka faa’iidaysteen, aqoontii ay barteenna ku dabbaqeen shaqooyinka ay wasaaradda u hayaan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdiulaahi Axmed iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdullaahi Cabdalla , 5 Jan, 2020. Araweelo News Network.

Furitaankii aqoon-korodhsigan waxaa ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdullaahi Cabdalla oo faahfaahiyey ujeeddada Tabobbarkan, waxaanu tilmaamay inay masuuliyiin ahaan masuuliyadi ka saarantay kor u qaadista aqoonta shaqaalaha, si shaqada ay Qaranka u qabanayaan u noqoto mid tayo leh oo aqoon lagu hago.

Shaqaalaha Tobabbarka ka qaybqaadanaya ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Xarunta Wasaaradda,  5 Jan, 2020. Araweelo News Network.
Shaqaalaha Tobabbarka ka qaybqaadanaya ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Xarunta Wasaaradda, 5 Jan, 2020. Araweelo News Network.

“Tabobbarkan oo ah mid aad iyo aad u muhiim ah oo lagaga hadlay habsami u socodka iyo qiimaha shaqada. Waynu ognahay oo Qofkastaa Jaamacad buu ka baxay, laakiin tabobbarka shaqada dhexdeeda lagu qaataa aad buu uga wanaagsan yahay aqoonta caadiga ah, markaa waan bogaadinayaa Kooxda nasiibka u yeelatay Shaqaalaha inay tabobbarkan qaataan. in Xafiiskeenna Burco tabobbarkan oo kale shaqaalaha gobollada Bariga loogu qabto, Galbeedkana Hargeysa, ayaa qorshaha noogu jirta.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Shaqaalaha Tobabbarka ka qaybqaadanaya ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Xarunta Wasaaradda,  5  Jan, 2020. Araweelo News Network.
Shaqaalaha Tobabbarka ka qaybqaadanaya ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Xarunta Wasaaradda, 5 Jan, 2020. Araweelo News Network.

Agaasime Aadan oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray; “Ujeeddada ugu weyn ee aynu ka leenahay tabobbarradan waxa weeye inaynu hagaajinno shaqada aynu Qaranka iyo dalka u hayno oo ay noqoto shaqo dhaxal-gal ah, maaddaama oo aynu u shaqaynayno Mushtamaca oo masuul aynu ka nahay guud ahaan arrimaha la xidhiidha Diinteenna suubban.”

Macallinka Tabobbarkan bixinaya Maxamed Sulub, ayaa shaqaalaha uu tabobbarka siinayo ku ammaanay firfircooni iyo in doonis iyo dedaal badani ka muuqdo, isla markaana deegaan ahaan iyo dad ahaanba ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ka duwan tahay Wasaarado kale oo uu sidan oo kale tabobborro u siiyey.

“Wasaaradaha waan tagaa oo inta badan tabobbarro ayaan siiyaa, haba u badnaadeen kuwo la xidhiidha maamulka Xafiisyada, markii koowaad ee aan soo galay xarunta wasaaradda iyo dhaqanka shaqaalaha waxaan ka arkay shaqaalaha iyo wasaaraddu deegaan ahaan inay ka duwan yihiin wasaaradaha kale,” ayuu yidhi Maxamed Sulub.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa gebogabadii halkaas ka hadlay, waxaanu ka warramay muhiimadda barashada Cilmigu hadduu Diini yahay iyo hadduu Maaddi yahayba u leeyahay horumarka Aadamaha ee Aakhiro iyo Adduunba, Shaqaalaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftana ay muhiimad gaar ah u leedahay inay dhisaan aqoontooda, maaddaama oo ay Wasaaraddu Qaranka Somaliland masuul uga tahay Diinta Islaamka.

Shaqaalaha Tobabbarka ka qaybqaadanaya ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Xarunta Wasaaradda,  5  Jan, 2020. Araweelo News Network.
Shaqaalaha Tobabbarka ka qaybqaadanaya ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Xarunta Wasaaradda, 5 Jan, 2020. Araweelo News Network.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo sharraxaya muhiimadda Cilmigu u leeyahay Aadamaha, waxa uu yidhi; “Islaamku wuxuu horumariyey qofba qofka uu ka sarreeyo oo ah culuunta shareecada. Culuunta kale ee aynu u baahannahay ee Sayniska Islaamku wuu oggolyahay inaynu cid kasta ka qaadanno, markaa waynu ka qaadanaynaa Muslim iyo Gaalba, waayo ugaadha aynu u baahannahay inaynu ugaadhsanno waa Cilmiga, sababtu waxa weeye waxaynu noqonaynaa ummad ku kala dambaysa, ku horumarisa noloshooda Adduunyo iyo ta Aakhiro-ba.”

Waxa uu Wasiir Khaliil shaqaalaha kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan oo ay weeleeyaan aqoonta lagu tabobbarayo, oo looga baahan yahay inay Qaranka ugu adeegaan, kuna dabbaqaan shaqada muhiimadda badan dalka iyo Dadka Somaliland u leh ee ay ka hayaan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. “Waxaan Illaahay idiinka baryahayaa inuu idiinka dhigo aqoontan aad baranaysaan mid idin anfacda, dadkiinna iyo dalkiinnana ugu shaqaysaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Diintu.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda, ayaa labadii sannadood ee ugu dambeeyey muujisay dedaal badan oo ay ugu jirto horumarinta Diinta Islaamka, diiwaangelinta Maddarasadaha iyo Macallimiintooda, kor u qaadista aqoontooda, samaynta hal Manhaj oo mideeya waxbarashada Diiniga ah, isku-xidhka Culimada dalka, wacyigelinta Bulshada iyo wax ka qabashada wax kasta oo dhaawici kara Diinta Islaamka, Dhaqanka Suubban iyo Suulinta Caadooyinka soo jireenka ahaa ee aan Diinta waafaqsanayn.

Waxa kale, ay Madaxda Wasaaraddu ku dedaaleen dhisidda aqoonta Shaqaalaha Wasaaradda, Culimada oo Tabobbarro loogu sameeyey inta badan gobollada dalka, xoojinta xidhiidhka ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu la leedahay Dalalka Islaamka, sida Turkiga, Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Jabuuti iyo dalal kale oo Muslimiin ah.