Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka mamnuucday madaarrada dalkeeda inay cago-dhigtaan diyaaradaha aan oggolaansho rasmi ah ka haysan.
Sidaa waxa ku dhawaaqay Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Farxaan Aadan Haybe oo shir-jaraa’id xafiiskiisa magaalada Hargeysa ku qabtay , waxaannu sheegay in diyaarad aan ruqsad ka haysan wasaaraddiisa aanay ku degi karin madaarrada Somaliland.
“Waxaan doonayaa inaan ku wargeliyo dhammaan shirkadaha diyaaradaha ama Nayroobi (Nairobi) ha joogaan, ama halkan [Somaliland] ha joogaan diyaarad aan ruqsad naga haysan in aan loo oggolaan doonin inay ka degto garoon ka mid ah madaarrada Jamahuuriyadda Somaliland. Waxaan u sheegayaa shirkadaha in aanaan dammaanad qaadayn amnigooda iyo bed-qabka diyaaradoodaba haddii shirkadaha qaar isku dayaan inay ka soo degaan garoon ka mida garoonnada Somaliland oggolaansho la’aan, waanay u madaxnannaan tahay Somaliland xadkeeda hawo, bad iyo berriba,” ayuu yidhi Wasiir Haybe.
Waxa kaloo uu ka hadlay halka ay marayaan wadahadallada dhinaca Hawada ee u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, waxaannu yidhi; “Hawshii maamulka hawada annaga xaggayaga meel fiican bay maraysaa, laakiin qolada Soomaaliya iyagu isku day ayey wadaan, isku daygaasina wax suurtogelaya ma aha. Sifo kasta ha ahaatee innagu [Somaliland] qalabkeenna iyo waxa aynu hawadeenna ku maamulanaynaa waa inoo diyaar, iyagana [Soomaaliya] haddii ay hawadooda maamulanayaan waxba kama qabno, balse wax kasta oo isku khaldaya labada hawo oo aan wadahadal laga gelin maya.”
Waxaannu intaas ku daray; “Runtii rajo wanaagsan waan ka qabnaa in wadahadal wanaagsan oo la isku afgartaa ay bilaabmaan. Haddii ay bilaabmi waayaan oo taasi dhici waydo waxa khasab ah haddii uu dhammaado muddada kala-wareegga ee ICAO loo diyaariyay inay mashruuca ku fuliso ee dhammaystirka sannadka 2018-ka in Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay oo ay ICAO uga wakiil tahay uu go’aan ka gaadho maamulka hawada Somaliland iyo Soomaaliya, taasina waxay keeni karaysaa in cid kale lagu wareejiyo hawadeenna; ha noqoto waddamada jaarka ama waddamada kale ee loo arko inay muhiim u yihiin, taasina waxay dhalin doontaa inay muddo dheer ka maqnaato gacanta Soomaalida, markaa waxaannu rajo wayn ka qabnaa in la isku yimaad, la wada hadlo oo laysla eego in la wada maamulan karayo, haddii se taasi suurtogeli waydo dawlad walba waa u madaxbannaan tahay qorshaheeda iyo nidaamkeeda.”
Wasiirka Duulista oo la weydiiyey su’aal ku saabsan diyaaradaha millatariga ee fadhiista madaarrada Somaliland ama soo gala hawada waddanka, waxa uu ku jawaabay, “Runtii annagu ma nihin Wasaaradda Gaashaandhigga oo millateriga arrimihiisa ma farogelinno. Diyaaradaha millateriga ee inoo yimaad waxa weeye qaar oggolaanshiiyahayaga ku yimaadda, laakiin waxaannu uga digaynaa kuwa aan haysan oggolaanshaha inay iska soo galaan mid millateri iyo mid shacab-ba. Kuwa inoo yimaad ee rakaabka sida dhammaantood oggolaanshiiyo ayey naga haystaan. Taawerkeenna ayey la soo hadlaan oo way wargeliyaan. Qaar baa halkan shidaal ka qaata, dadwaynaha Somaliland-na waxaan leeyahay ha umalaynina in aanaan la socon.”
Waxa kaloo uu ka xog-warramay waxyaabaha u qabsoomay wasaaraddiisa muddada uu wasiirka ka ahaa, “Runtii dedaalka aannu samaynaynaa waa wixii madaxwaynuhu noo igmaday. Imminka VIP cusub ayaa ka socota Madaarka Hargeysa oo loogu talogalay inay sida caalamka noqoto si dadku adeeg wanaagsan uga helaan madaarka. Wax kaloo noo socda wadahadal ku saabsan sidii loo dhisi lahaa terminal cusub oo aannu rabno inaannu degdeg hawsha ugu dardargelinno. Kolley qalab cusub waannu ku soo kordhinaynaa Madaarka. Xagga hore ee Madaarka waxaannu ku soo kordhinnay mishiinka (exray) baabuurta xagga hoose ka sawira si loola socdo in wax lagu rakibay.”
“Shaqaalaha qaybtii ugu horreysay ayaannu u diri doonnaa mac-hadka lagu barto maamulka hawada ee Itoobiya oo ah kuwa ugu horumarsan adduunka ama Afrikaba. 10 shaqaale ah ayaa tegaya oo hore tababar u soo qaatay. Tababarkii hore waxa uu ahaa inay diyaaradaha soo dejin karaan, imminkana waxay soo baranayaan inay diyaaradaha ina dulmara soo hagi karaan. Madaarka Burco wuu socdaa oo dhismihiisu saddex sannadood ayuu soconayaa. Madaarka Berbera dhulkii ayaa imminka loo qorsheeyay, degdegna waa loo bilaabayaa dhismihiisa, shaqo-abuuris badanna waa laga helayaa,” ayuu yidhi Wasiir Haybe.
Wasiirka oo ka hadlayey xujaajta reer Somaliland ee waajibaadka xajka soo gudanaya sannadkan iyo adeegyada ay u diyaariyeen waxa uu yidhi; “Waxa kaloon idiin sheegayaa waxaynu ku jirnaa moosinkii xajka ee sannadkan, dufcaddii ugu horreysay ee xujaaj ah berri (Isniinta maanta) ayey ka ambabixi doonaan Madaarka Hargeysa, waana ku dhowaad 130 xaaji. Wasaarad ahaan adeeg hufan ayaannu u diyaarinnay, waxaanan leeyahay xujaajtuna ha ixtiraamaan nidaamka iyo habka shaqada loo sugay. Waxaan aad uga mahad-celinayaa shirkadaha adeegyada xajkaas fulinaya ee Jubba iyo Daallo.”
Dhinaca kale, Wasiirka Duulista waxa uu ishaaray in xisbul-xaakimka uu ka tirsan yahay ee KULMIYE ku guulaysan doono doorashada Madaxtooyada Somaliland ee u muddaysan dabayaaqada sannadkan 2017, haddii Ilaahay yidhaah.
“Dhinaca doorashada dadku kaadhkii codbixinta doorashada si fiican bay u qaateen. Labada gobol ee hadhay (Sanaag iyo Sool) markay soo gebageboobaan waxaan u diyaargarownaa waa doorashadii oo dhacda bisha November ee soo socota. Kolley xisbiga aan ka tirsanahay ee KULMIYE rajo wanaagsan baannu qabnaa, guulo badan ayuuna dalkan gaadhsiiyey, guulaha wixii qabyo ahna hoggaan cusub ayaa imanaya dhammaystirkeeda iyo kobcinteeda iyo kuwii hore wixii u baahan in la tayeeyo tayayntoodaba. Waxaan aaminsanahay Muuse Biixi inuu yahay qof waayo-arag ah oo dalkan xaq badan ku leh, guulo badan oo halgan ka soo qaybqaatay, muddo badan dhex joogay oo rag badan oo kale ka maqnaayeen, maantana u diyaara inuu waqtigiisa u huro inta cimrigiisa ka hadhay.”
Ugu dambayn, Wasiirka Duulista iyo Hawada waxa uu hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee loo doortay Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax oo uu ka rajeeyey inuu wax badan ka beddelo shuruuc badan oo golaha horyaal.
“Waxa aan u mahadcelinayaa xildhibaanada Golaha Wakiillada, waxaan hambalyo wayn oo mug iyo qiimo leh halkan ugu dirayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax oo maanta (shalay) cod aqlabiyad ah ku guulaystay inuu noqdo shir-guddoonka cusub ee Golaha Wakiillad. Waxaan aaminsanahay inuu wax badan ka beddeli doono shuruuc badan oo barlamaanka hor taal oo waxtar u yeesha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Md. Farxaan Aadan Haybe.