Burco (ANN)-Wasiirka Gaadiidka iyio Horrumarinta Wadooyinka Somaliland Cabdullaahi Abokor Cismaan,  ayaa ka hadlay xaalada gobolka Sanaag, malayshiyada Col. Caare ee ku sugan Buuralayda Woqooyiga Magaalada Ceergabo iyo qorshaha xukuumadda ee Biriishka Magaalada Burco ee roobabku waxyeeleen oo weli go’an.

Wasiir Cabdullaahi Abokor oo isaga Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Cali Baqdaadi) safar  ku marrayeen maalmihii lasoo dhaafay gobolada Bari, ayaa xaalada gobolka Sanaag iyo Arrinta Biriishka Burco ka hadlay mar ay maanta warbaahintu wax ka weydiisay, isagoo  ku sugan Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Wasiirka gaadiidka iyo horrumarinta Wadooyinka Somaliland Cabdullaahi Abokor Cismaan oo ugu horrayn ka hadlayay halka ay marayaan arrimaha gobolka Sanaag, ayaa yidhi, “Arintaasi waxa gacanta ku haya Odayaasha dhaqanka oo u tagay markii shaqaaqadu dhacday, markaa hawl kastaa waxay ku dhamaanaysaa  si nabad ah, Caare waa nin Somalilander ah inaguna waxaynu ku soo caano maalnay sodonkaasi sanadkaa sannadood ee Somaliland jirtay  wax kasta oo inaga hor yimaada waxaynu ku xalinaynay  nabadgalyo, xukuumadda goaankeeduna waxa weeyi hawshaasi innay ku dhamaato si nabadgelyo ah markaa cid kasta oo dhankeena iyo dhankooda ka dhimataa waa  dadkeena.”

Wuxuuna xusay inay masuuliyadda arrinataasi saarantahay Xukuumadda oo Illaahay kala xisaabtamayo, sidaa awgeed dawladda ay ku dedaalayso in hawshaasi boqolkiiba boqol ay ku dhamaato si nabadgelyo ah.

Waxa kale oo Wasiirka Horrumarinta Gaadiidka Cabdullaahi Abokor la weydiiyay arrinta Biriishka Burco iyo sababta aannay xukuumaddu waxba uga qaban ilaa hada, wuxuuna  yidhi, “Biriishka Burco waa xaqiiq in waxyeelo kasoo gaadhay roobabkii waaweynaa, waxa la sameeyey daraasadii iyo sidii wax looga qaban lahaa markaa waxa aanu rajaynaynaa todobaadyadan soo socda innay  u iman doonaan Injineeradii, waxaana la sii dayn doonaa kharashkii uu madaxweynuhu u ogolaaday markaa waxbaa laga qabanayaa.” Ayuu Cabdullaahi Abokor.