“Burco Waa Caasimaddii Labaad Ee Dalka, Madaarkan Burco waxa uu ahaa Madaarkii ugu horeeyay ee dhul Soomaaliyeed Madaar laga dhiso 1921kii.” Wasiir Cabdullaahi Abokor

Burco (ANN)-Wasiirka Gaadiidka iyo Horrumarinta Wadooyinka Somaliland, Cabdullaahi Abokor, ayaa shaaciyay xilliga ay Xukuumaddu dhisayso Madaarka Magaaladda Burco.

Wasiirka, ayaa sidaa ka sheegay munaasibad lagu qabtay Magaalada Burco oo ay Wakaaladda  Horumarinta Waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ku abaal marinayso shaqsiyaad ay u aragtay hawl-wadeenadeeda ugu wanaagsanaa sanadkii 2019-ka.

Munaasibada oo lagu qabtay xarunta gobolka Togdheer ee magaalada Burco, waxa ka qaybgaly Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horrumarinta Jidadka, Maareeyaha Wakaaladda Waddooyinka, Badhasaabka Togdheer, Maayarka Burco, Cuqaal, Aqoonyahan, Masuuliyiinn iyo Martisharf kale, waxayna Wakaaladdu ku gudoonsiisay Abaalmarino 5 qof oo ka mid ah Shaqaaleheeda.

 Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Maayarka Magaaladda Burco Maxamed Cabdiraxmaan muraad, Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Axmed Yuusuf Axmed , Cuqaal iyo Masuuliyiin kale oo hadalo ka jeediyay munaasibada, ayaa sheegay ahmiyada ay leedahay in dedaalka shaqaalaha la dhiirigeliyo.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan oo dhankiisa hadal ka jeediyay munaasibada, ayaa sheegay in qaab cadaalad ah lagu soo xulay 5 qof ee halkaa lagu abaal mariyey.

” Biniaadamka marka laga hadlaayo, ma jiro qof  aan waxtar lahayni, laakiin waxay ku kala suntanyihiin dadaal iyo daacadnimo, waxaanu u xilsaarnay guddi farsamo oo soo xula shanta xubnood ee ugu kartida badan mashruucan, anniga oo aaminsan markaan arko duruufta ay ku shaqaynayaan shaqaalaha mashruucaas Wadada Ceergaabo oo ku dhaw 200 oo qof, in mid waliba uu ku noolyahay duruuf gaar ah oo raga qaar aannay arag reerahooda mudo sannad ah, waxay u seexdaan dhaxanta iyo roobabka oo kaga jiraan waa gaadiid yar yar, runtii dhamaantood way mudanyihiin in aynu halkan ka xusno, laakiin waxa gaar loo soo xulay waa 5 xubnood” ayuu yidhi, Cabdullaahi Abokor.

Shan ka mid ah shaqaalaha m Wadada Ceergaabo oo Abaalmarino la gudoonsiiyay, Araweelo News Network.
Shan ka mid ah shaqaalaha m Wadada Ceergaabo oo Abaalmarino la gudoonsiiyay, Araweelo News Network.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sanadkan 2020-ga la bilaabidoono dhismaha Madaarka Magaaladda Burco, waxanu yidhi:-“Waxan jecelahay qodobka ay reer Buco aadka ii weydiiyaan waxa weeye Madaarka Burco, runtii inta aynu meeshaas gacanta ku haynay marnaba maskaxdayada kamay bixin Madaarkaa burco sababtoo ah Burco waa Caasimaddii labaad ee  Dalka, waa degmooyinkii ugu balaadhnaa Madaarkan Burco waxa uu ahaa Madaarkii ugu horeeyay ee dhul Soomaaliyeed Madaar laga dhigo 1921kii, waxaanu u arkanay in ay ayaan daro tahay maanta in ay burco bilaa Madaar noqoto iyadoo ugu mudnayd waxa Afsoomaali ku hadla in Madaarkii ugu horeeyay laga sameeyay, dhibaatada timi waxay noqotay qiimayantii iyo shaqadoo la bilaabay iyadoon dhaqaale loo hayn taasi waxay noqotay mashruuca aanu ku talogalnay Berbera Madaarkii laga dhisaayey maadama Madaarka Berbera la wada isticimaalaayo, in Madaarka Xagan loo soo raro, rarkii wuxuu noqday in qiimihii lagu qiimeeyay mashruucan hore iyo mashruucaa lagu qiimaynaayey ay kala duwanaadaan markaa xooga xaga dhaqaalaha ah ayaa jiray tii waxaanu jecelnahay wanu samaynay saaka waxaanu   kulanay  oo aanu Gobolka Togdheer ku kulanay guddidii gacanta ku haysay Sheikh Cali Mawliid ayaanu kulanay, 10 casho ka hor Madaxweynaha Jamahuuriyadda Soomaaliland waxaanu ka wada hadlaynay mashruucaas Madaarka ee burco, waxaanu rajaynaynaa sanadkan gudahiisa 2020-ga mashruucaasi in uu bilaabmidoono.”

Wasiirku waxa uu sheegay in ay Wasaaraddiisu ka qayb qaadandoonto dhisme wado 7 KM ah oo loo samaynayo Xaafadda 18 may ee magaaladda Burco, waxaanu yidhi:-“Waxaanu halkan ka balan qaadaynaa Wasaaradda iyo maamulka degmada in aanu iska kaashanayno Wadadaas sida ugu dhakhsaha badan leh sidii loogu dhamaystiri lahaa iyada oo la buuxinayo, waxay noqondoontaa 7KM, guddoomiyaha Degmadu wuu nooyimi, runtii waxay wax ka qabatay Hay’addu Gobolladda Degmada Ceergaabo iyo Degmada Sool oo midna 4KM ayaa laga dhisay gacan weyn ayey ku lahayad Hay’addu, Soolna waxa laga dhisay 5KM Hay’adda iyo qalabkeedu iyo shaqaalaheedu waxay ku lahaayen awood badan, Maayarku markii uu nooyimi waxaan garawsanay hadday wadadu tahay 7KM inay ku adagtahay in ay Degmadu hawshaas qabato, sidaa awgeed waaya -ragnimadayada qalabkayaga iyo dhaqaalahayagaba waanu ku taageeraynaa”.

Ugu danbayntii Wasiirku waxa uu sheegay in mashaariicdda sanduuqa Harumarinta ee SDF ay ugu jirto lacag dhan 8 milyan oo doolar wadada isku xidha Berbera iyo Burco oo dayactir lagu samayndoono, hawshaasi wasiirku wax uu sheegay in la rabay in la bilaabo, balse ay dib u yara dhacday oo si dhakhso ah loo bilaabidoono.