Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Hawlaha Guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaa ka jawaabay hadalo lagu marin-habaabinayo taariikhda Somaliland oo ka soo baxay Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
Qoraal uu soo saaray Wasiir Cali-mareexaan, ayuu sidoo kale ku sheegay inuu bogaadinayo Mr. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo isna naqdiyey hadalka ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaannu Wasiirku qoraalkiisa ku bilaabay sidan;
“Cabdi Yuusuf Ducaale Boobe, siyaasi, qoraa, halgamaa iyo taariikhyahan afkaaga caano lagu qabay. Waxaan dhegaystay jawaabtii uu siiyey Farmaajo (Madaxweynaha Soomaaliya) oo runtii ahayd jawaab culus oo cilmi iyo waayo-aragnimo ku dhisan.
Farmaajo laftiisa khudbadiisa waan dhegaystay, waxaana uu calaalinayey hadalka iyo magacyada, waxaanay u muuqatay magacyadii uu akhriyayey in aanu hore maqal ee loo soo qoray, waayo Cali Sugule ugumuu yeedheen Cali Sugul haddii uu hore u maqlay. Bakhad Cas-na waad maqlayseen sidii uu ugu dhawaqayey.
Haddaba, taariikhda uu u saxay aqoonyahay Boobe waxaan ugu darayaa laba arrimood oo uu dhex fadhiistay (Madaxweynaha Soomaaliya). Ta koobaad wuxuu sheegay in dadkii reer Hargaysa ee fagaaraha isugu yimmi 26 June 1960 ay dalbanayeen in la isku keeno walaalahooda Koorfurta. Taasi sax may ahayn, waayo ummaddaasi waxay dalbanaysay shantii Soomaaliyeed, waxaana ay markaa iyo ka horba ku heesi jireen; “shantoo isweheshataa wacnaydaa, calan inay wadaagaan wacnaydaa. Hawdoow haybtaadiyo hayso calankaaga. Wajeereey calanka hoo iyo Jabuutaay ka soo hoyo hororkiyo waraabaha.” Waan hubaa in aannu Farmaajo weligii heesahaa maqlin.
Khaladka labaad ee ummadda Somaliland oo dhan ka yaabiyey wuxuu ahaa markii uu isyidhi xisbiyadii dhaliyey 26 June ee la dagaalamay Ingiriisa ka sheekee ee uu ku sheegay SNL, SYL iyo USP. Haddaba, goorma ayay SYL u dagaalantay xornimadadii Somaliland ee 1960? Miyaanuse weligii maqal SNL, USP iyo NUF.
“Nin ambaday halkuu aaday way ula ekoonaatay.”
Ugu danbayn, waxaa iiga soo baxay hadalkii Madaxwayne Farmaajo in uu ahaa nin taariikhda ku ciil qaba. Waxaan ku soo gebegaybaynayaa; “saw waxaan ilaawaba nin xumi ima ogaysiiyo,” ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan).