Araweelo News Network

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaa wax lala yaabo ku sifeeyey masuuliyiin uu ku eedeeyey in ay caadaysteen cayda waxyaabo ay hore u saxeexeen amma difaacayeen markii ay xilalka qaranka hayeen.
Wasiir Mareexaan oo hadal ka jeediyey xaflad uu xilka kula wareegay Maareeyaha cusub ee Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, waxa uu sheegay xubnaha xilalka wasiirnimada banneeyey ee hadda dhaliilaha u jeediya xukuumadda inay yihiin masuuliyiinta ay saxeexyadoodii meel walba yaallaan.
“Waxa maanta innagu cusub qof meel loo magacaabay, kadibna wuu ka tegayaa (xilka marka laga qaado), markaa wixii uu shalay saxeexay amma difaacayey ayuu caayayaa, waana waxyaabaha layaabka leh. Xafiis kasta waxa yaal waraaqo ay saxeexeen wasiirradii shalay ka tegay xukuumadda, waxaanad arkaysaa iyagoo caayaya wixii ay gacantooda ku saxeexeen, miyaanay wax lala yaabo ahayn? Kuwa ugu qaylada badan waa kuwa ay saxeexyadoodii meel walba yaallaan; hantida dawladda marka ay tahay, markay dhulka tahay, marka ay waddooyinka tahay iyo dhinac kastaba,” ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud.
Waxa uu intaas ku daray, “Markaa bal dadka hadlayaa ha is xasuustaan, ilayn qof kale oo la abuuray maahee, ilayn nin weyn oo gole ka hadlaya ayaad tahay, xasuuso wixii aad shalay tidhi, maanta waxa aad ku hadlaysana xasuusnow.”
Wasiir Cali-marreexaan oo la hadlayey masuuliyiinta uu xilka u kala wareejiyey, waxa uu yidhi; “Waxa aynu sagootiyeynaa Maareeyihii hore Prof. Xasan Cali Cismaan, waxaynuna soo dhaweynaynaa maareeyaha cusub. Xilka qaranka ayaa dabcigiisu yahay meerto, kolba qofkii hanan karana loo dhiibayaa, waana sunnaha dawladnimo. Hay’adda Waddooyinka iyo Wasaaradda Hawlaha Guud waa meel shaqo badan, qarankana meel adag kaga jira.”
Waxa kaloo uu tilmaamay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wax badan ka qabatay horumarinta iyo dhismaha waddooyinka muddada toddobada sanno ah ee ay xilka haysay.
“Somaliand ilaa 1960-kii waddooyinka inoo dhismay waxay ahaayeen 645-km, markii uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo la wareegay talada waddanka (2010), waxa dhismay 550-km, waana wax cad oo aanay cid dafiri karin oo qoran, dhammaantood haddii aad dib u raacdaana waxay ku qoran yihiin barnaamijkii xisbiga KULMIYE doorashada ku galay 2010-kii.”
Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa isna soo dhaweeyey Maareeyaha cusub ee loo magacaabay Hay’adda Waddooyinka Somaliland, isagoo xusay in dhismayaasha jidadku muhiim u yihiin horumarinta qaranka.
Maareeyihii hore ee Hay’adda Waddooyinka Xasan Cali Cismaan, ayaa u mahadceliyey shaqaalaha ka hawlgala hay’addaas oo uu xusay inay si fiican ula shaqeeyeen muddada uu xilka hayey oo ahayd shan sanno, isagoo tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo ardaygiisii oo ah maareeyaha cusub ee xafiiska kala wareegay.
Mr. Maxamuud Daahir Jaamac oo ah Ku-xigeenka Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka, ayaa sheegay in maareeyaha xilka laga qaaday dedaal badan muujiyey muddada uu shaqaynayey, isagoo sidoo kalena soo dhaweeyey masuulka cusub ee xilka loo dhiibay, waxaannu ballanqaaday inay si fiican ula shaqayn doonaan maareeyaha cusub, haddii Ilaahay Alleh idmo.

Maareeyaha cusub ee Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Md. Ibraahim Siciid Cilmi, ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo uga mahad-celiyey xilka uu u magacaabay, waxaannu ballanqaaday inuu si hawlkarnimo ah u gudan doono masuuliyadda loo igmaday, isagoo bulshada ka codsaday in loogu duceeyey in Ilaahay (SWT) ku asturo masuuliyadda culus ee loo dhiibay.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle), waxaannu la dardaarmay Maareeyaha loo magacaabay Hay’adda Waddooyinka oo uu xusay inuu yahay nin dhallinyaro ah oo ku biiray da’yarta xilalka ka haya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.