Araweelo News Network

wasiirkahawlahaguudHargeysa (ANN)-Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa kormeer shaqo ku maray deegaamada Qorilugud, Balli-callanle iyo Wadaamagoo oo ka ka mid ah degmooyinka bariga Somaliland, iyadoo dadka ku dhaqan degaannadaasi ay si diiran u soo dhaweeyeen.
Weftiga Wasiirka Hawlaha Guud horsocdo, kana mid yahay Wasiirul-dawlaha Xannaanada Xoolaha Md. Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmada wadaamo’goo, iyagoo xadhiga ka jaray Saldhiga booliska ee degmadaas oo ah ah mid hadda la dhisay.
Maayirka Degmada Wadaamo-gooo Mr. Aadan Jaamac Saleebaan oo qayb ka ahaa soo dhawaynta weftiga Wasiirka Hawlaha Guud, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin kormeerka masuuliyiinta xukuumaddu ku mareen degmadiisa shalay, isagoo sidoo kale ka hadlay faa’iidada saldhiga booliska ee loo dhisay degmadaas.
Waxa kaloo uu Madaxweynaha Somaliland uga mahadceliyey go’aankii uu ku magacaabay Degmada Waadaama-goo, isagoo sheegay in arrintaasi tahay abaal ay dadweynuhu ugu hayaan Madaxweynaha iyo dawladooda.
Ku-xigeenka Badhasaabka Gobolka Saraar Md. Ibraahim Jaamac Maxamed, ayaa isna sheegay inay aad u soo dhaweynayaan weftiga ka socda Xukuumadda, isagoo Wasiirka Hawlaha Guud uga mahadceliyey baabuur uu ugu deeqay maamulka degmadda cusub ee wadaamo-goo, waxa kaloo uu ballanqaaday inay maamul ahaan keeni doonaan ciidan ka hawlgala degmada cusub ee Waadaama-goo.
Wasiirul-dawlaha Xanaanada Xoolaha Md. Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa ugu horeyn dadweynaha degmadda Wadaamo-goo uga mahadceliyey qaabka quruxda badan ee ay u soo dhaweeyeen weftigan uu hoggaaminayo Wasiir Cali Xasan Maxamed, wuxuuna sheegay in ujeedka ugu weyn ee socdaalkoodu yahay sidii dadweynaha degmadan Waadaamo-goo isku diyaarin lahaayeen diwaangalinta codbixiyaasha oo ka bilaabanaysa dhawaan.
Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed oo ka hadlay kormeerkooda, ayaa sheegay
“Maanta (shalay) halkan waxa aannu xadhiga idiinka jarnay waa saldhigii degmada, idinka ayaana la idiinka baahan yahay inaad ilaashataan oo daryeeshaan, cabashadiina aad soo jeediseen wixii suurtagal ah waxbaa la idinkala qabanayaa, socdaalkayaga ugu ugu weyni waa inaad isdiwaangalisaan oo cududiina aad muujisaan, ayaamo ayaana innaga xiga oo halkan ayey ka bilaabmaysaa diwaangelinta codbixiyeyaasho, In Sha Allaah, waana la tartamayaa gobol gobol iyo Somaliland guud ahaanba, markaa inaad is diwaangalisaan ayaan aad iidinku boorinayaa,” ayuu yidhi Md. Cali-mareexaan.
Dhinaca kale, Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed iyo weftigan uu hoggaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyey degmada Qorilugud ee Gobolka Buuhoodle, iyadoo dadweynaha soo dhawaynta u soo baxay ay isugu tageen fagaaraha magaalada, waxaanna halkaas dadka kula hadlay xubnaha weftiga ah.
Wasiirka Hawlaha Guud, ayaa dadweynaha ku booriyey inay si buuxda uga qaybqaataan diwaangelinta codbixiyeyaasha oo dhawaan ka bilaabmi doonta degaannada Gobolka Sool iyo degmooyinka aanay hore uga dhicin.