Araweelo News Network

Wasiirka Beeraha Somaliland Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda

Hargaysa(ANN)-Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Muumin Seed oo ay weheliyaan  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) iyo Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda qaarkood, ayaa kasoo laabtay safar dheer ay maalmihii u danbeeyay ku marayeen Dhul-beereedyada Gobollada Saaxil, Togdheer iyo Daad-madheedh oo la xidhiidhay sidii Bulshada loogu dhiirigelin lahaa wax soo saarka beeraha.

Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Muumin Seed mudadii ay booqanayeen deegaamadaa ka dhegaystay Beeralayda ku dhaqan deegaamada ay booqdeen baahidooda, iyagoo dhankooda Weftiga u muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin in lagu dhiirigeliyo inay kor u qaadaan Wax Soo-saarkooda.

Weftiga Wasiirka Horumarinta Beeraha oo Safar ku maray Dhul-beereedyada Gobolka Saaxil, sida Laasa-dacawo iyo meelo kale oo badan, ayaa u gudbay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, halkaasi oo ay  ka sii ambo-qaadeen kormeerka ay ku marayaan Dhul-beereedyada, waxayna tageen Dhul-beereedka loo yaqaanno BEER, halkaasi oo laga hirgeliyey Beero badan oo si Casriya looga beeray noocyada kala duwan ee Khudaarta iyo Dooxyo ku yaalla halkaasi oo u baahan in meelo ka mid ah dayactir lagu sameeyo, si biyaha ay Dooxyadaasi soo rogaan aanay u waxyeelayn Beeraha ku teedsan.

Weftiga uu Wasiirka horumarinta Beeruhu hoggaaminayey oo kormeerka ay ku mareen Beeraha ku yaalla deegaannada ay mareen, sidoo kalena Xog-warran la yeelanayey Beeralayda, si ay xog-ogaal ugu noqdaan Xaaladda ay ku shaqeeyaan, si wixii laga caawin karo looga caawiyo, maaddaama oo qorshaha Xukuumadda Madaxweyne Biixi tahay in Dalku gaadho Isku Filaansho dhanka Cuntada ah, ayaa markii ay ka gudbeen deegaanka BEER ee Gobolka Togdheer, waxay uga sii gudbeen Gobolka Daad-madheedh, iyaga oo maray Dhul-beereedyo kala duwan,.

Weftiga uu wasiirku hoggaaminayo ayaa waxa safarkiisa ku wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Maxamed Cilmi Aadan, Badhasaabkii hore ee Gobolka Togdheer hadana ah Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Agaasime-waaxeedyo ka tirsan wasaaradda horumarinta Beeraha JSL, Isku-duwaha Gobolka Togdheer ee Wasaaradda Beeraha iyo masuuliyiin ka socda Hay’adda Waddaniga ah ee ADO, ayaa intii ay goobahaasi marayeen waxa ay xadhigga ka jareen Mashaariic horumarineed oo halkaasi laga hirgaliyey, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Baanka Siidhka oo laga hirgaliyey deegaanka Beer ee Gobolka Togdheer.

 

Isuduwaha Gobolka Togdheer Cabdi Maxamed (Gurey) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay gobolka Togdheer ku yaalaan 550 Beer Biyood iyo 4950 beer roobaad, muhiimada koowaadna siinayaan sidii wax soo saar dhanka cuntada ah loola iman lahaa.

Masuliyiin ka socotay Hay’adda waddaniga ah ee ADO ayaa waxa ay tilmaameen inay dhiirigalisay markii ay arkeen in xukuumaddu muhiimada koowaad siinayso sidii wax soo saar loola iman lahaa, waxaanay balan qadeen inay dhankooda ka dedaali doonaan.

Markaasi ka dib, Weftiga Wasiirka Horumarinta Beeruhu wuxuu u sii gudbay Gobolka Daad-madheedh, waxaana duleedka Magaalada Oodweyne ku soo dhaweeyay Masuuliyiin uu ka mid yahay Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolkaasi, waxaana Qado-sharaf Weftiga Wasiirka loogu sameeyay Magaalada Oodweyne, waxa Wasiirku Xadhigga ka jaray Ballay Biyood weyn oo Hay’adda ADO ka hirgelisay Deegaanka Katiitalay ee Gobolka Daad-madheedh, sidoo kalena waxa uu Dadka deegaankaa ku wareejiyey Cagaf nooca Beeraha ah oo ay bixisay Hay’adda ADO, taasi oo loogu talo-galayn in Dadka deegaankaasi uga faa’ideystaan Kor u qaadidda Wax soo-saarkooda.

Wasiirka oo khudbado ku taxaluqa dhiirigalinta wax soo saarka ka jeediyey deegaanadii uu marayey ayaa waxa uu beeralayda ku dhiirigaliyey inay wax soo saar la yimaaddaan, isla-markaana u guntadaan sidii dadkeenu u gaadhi lahaayeen isku filnaansho dhanka cuntada ah “Safarkayagu waxa uu ku taxaluqaa sidii ayaanu u dhiirigalin lahayn wax soo saar dhanka beeraha ah oo lala yimaado, taasi oo ah muhiimada koowaad ee xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyada oo deegaankan Beer-na noogu jirto muhiimada koowaad meelaha aanu rajaynayno in wax soo saarka u badan ee dalka laga sameeyo” ayuu yidhi wasiirka horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed mar uu ka hadlayey deegaanka Beer oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Wasiirka ayaa sidoo kale khubad uu ka jeediyey deegaanka Katiitalay oo ka tirsan Gobolka Daadmadheed mar uu cagaf beeraha u qodi doonta iyo balay hay’adda ADO u qoday ku wareejinayey waxa uu yidhi “Waxa ALLE mahadii ah in cabashadii xafiiska iigu iman jirtay aan maanta u soo joogo iyada oo aan dadka deegaanka ku wareejinayo Cagaf iyo dhaam wax soo saar lagu samayn doono, ma jirto cid heshay dhaamkii oo la qoday iyo cagaftii beeraha u qodaysay, halkana waxa ay ka mid tahay meelaha saacadaha badan ee beeraha lagu qodayo la keeni doono, waxaanan idiin sheegayaa inama anfacayo raashin badan oo dibada la inooga keenaa ee waa inaynu beeranaa”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Somaliland Mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) ayaa beeralayda ku dhiirigaliyey inay wax soo saar la yimaadaan oo ay ka maarmaan cunto dibada la inooga keeno, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxa muhiima inaynu wax soo saar la nimaadno, dhalinyaradana waa inaynu ku dhiirigalino sida wax loo beerto, wixii aqoon iyo qalab ahna waanu idinla barbar taagan nahay.”