Araweelo News Network

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Yuusuf Macamed Cabdi Raagge

Hargeysa (ANN)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in gebi ahaanba laga guuri doono qaab-miisaaniyadeedkii hore ee dawladda oo ku salaysnaa habka isu-dheellitirka kharashaadka iyo dakhliga, lana abuuri doono qaab-miisaaniyadeed cusub oo ku dhisan horumar iyo waxqabad sannadkan 2018.

Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi, waxa uu sidaa ku sheegay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu ka jeediyey fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland oo isaga iyo xubno kale oo ka mid ah Golaha Wasiirrada xukuumadda cusub lagu asnxiyey.

“Sharaf bay ii tahay in aan idin kala soo qeybgalo kulankan qiimaha leh oo ah mid taariikhi ah, innaga oo dhammaanteen gudanaya waajib qaran oo dastuuri ah, kaas oo aynu u hayno qaranka iyo ummaddeenna Somaliland.

Waqtiga oo kooban dartii, waxaan halkan idinla wadaagi doonaa qorshahayga aan doonayo in aan ku maamulo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay.
Wasiirka Maaliyadda oo sharraxayey isbeddelka cusub ee ay wasaaraddiisu ku samaynayso nidaamkii hore ee miisaaniyadda dawladda, waxa uu yidhi; “Mudane Guddoomiye iyo mudanayaal, sannadkan cusub waxaannu rabnaa in aannu ka guurno qaab-miisaaniyadeedkeennii hore ee ku salaysnaa habka isu-dheellitirka kharashka iyo dakhliga, una guurno qaab miisaaniyadeed ku dhisan horumarka iyo waxqabad, kaas oo aannu u baahannahay in aynu ka wada shaqeyno Golaha Wakiillada, gaar ahaan Guddiga Dhaqaalaha Maaliyadda iyo Ganacsiga.

Annaga oo ay noo qorsheysan tahay in aannu marno gobollada waddanka, si bulsho kastaaba uga qeybgalino sameynta miisaaniyadda qaranka oo aannu sameyno sida uu dhigayo Xeerka Maamulka Maaliyadda Qaranka ee Xeer Lr: 75/2015.”
Isagoo ka warbixinayey qorsheyaasha cusub ee la xidhiidha kobcinta dakhli-soo-saarka qaranka, waxa uu sheegay, “Dib-u-habaynta iyo kobcinta dhakhliga qaranka: waxa aannu dib-u-habayn maamul oo ballaadhan ku sameyn doonaa waaxaha ay ka kooban tahay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, annaga oo kala shaqeynayna qeybaha ay khusayso hawlahaasi, sida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo wadda qorshaha dib-u-habeynta shaqaalaynta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda.

Waxa aannu si gaar ah u xoojin doonnaa waaxaha dakhli ururineed ee kala ah; laamaha kastamada iyo cashuuraha berriga, annaga oo dib-u-habayn iyo dhiirrigelin ku sameyn doona nidaamka shaqo iyo shaqaalaha waaxyahaas, haddii ay tahay siyaasad, shuruuc iyo agabka looga baahan yahay shaqo ahaan.”
Wasiirka Maaliyadda ayaa u sheegay mudanayaasha Golaha Wakiillada inay lixda bilood ee u horaysa sannadkan 2018 ay xoogga saari doonaan dakhliga ka soo xerooda cashuuraha, waxaannu yidhi; “Waxa aan lixda bilood ee hore xoogga saari doonaa, dibna u eegi doonnaa dakhliga innaga soo gala cashuuraha, waxa aynu nahay hal dal leh hal calan, hal lacag, hal af. Sidaas si la mid ah waxaynu u dabaqi doonaa hab-cashuureed ah mid loo wada siman yahay oo isku sina looga wada qaadi doono dhammaan cid kasta oo ay ku waajibtay.
Waxa noo qorsheysan in sida oo kale dib-u-qaabayn ku sameyno dakhliga innaga soo galo ee aan ahayn cashuuraha. Waxa iyana muhiim ah in aannu gacanta dawladda ku soo celin doono ilihii dakhli. Sida oo kale waxa aannu abuuri doonaa, hirgelin doonaa ilo dakhli oo cusub haddii Alle oggolaado.
Waxa aannu dardargelin doonnaa, xooggana saari doonnaa qorshaha dib-u-habaynta maamulka maaliyadda, annaga oo si dhaw ula shaqeyn doona dhammaan dawladaha bangiyada iyo hay’adaha innaga caawiya, sida dawladda Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka.”
Qiimo-dhaca shillinka Somaliland
Mar uu Wasiirku ka hadlayey qiima-dhaca shillinka Somaliland iyo tallaabooyinka xukuumadooda cusub wax kaga qabanayso dhibaatadaas, waxa uu yidhi; “Mudane Guddoomiye iyo mudanayaal, qiimo-dhaca shillinka Somaliland waa aafo qaran oo u baahan in gacmaha la isu wada qabsado, sidii loo xallin lahaa, iyadoo aad la socotaan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo saaray guddi, kuwaas oo ku foogan, kuna hawlan, si qoto dheerna u lafo-guraya oo imminka maraya marxalad gebogebo ah.
Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay bilowday in qorshaheeda ku suntan yahay in jaamacadaha dalka laga sameeyo cilmi-baadhis dhammeystiran oo tilmaamaysa sidii xal waara loogu heli lahaa qiima-dhaca shillinka Somaliland, maadaama astaanta labaad ee qaran leeyahay uu yahay lacagta, waxa waajib qaran ah qofkasta oo Somaliland u dhashay inuu ka shaqeeyo, una taagnaado sidii uu u isticmaali lahaa, korna loogu qaadi lahaa lacagta, waxaanna hormood ka ah arrinta xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweynaha, labada gole iyo shacbi-weynaha Somaliland. Sidaas si la mid ah Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxay hadh iyo habeen u taagan tahay in xal waara loo helo qiima-dhaca shillinka Somaliland, korna loogu qaadi lahaa.”
Dhiirigelinta wax-soo-saarka dalka gudihiisa iyo xakamaynta raashinka laga keeno dalka dibadiisa
Wasiirka cusub ee Maaliyadda oo iftiiminayey aragtiisa ku wajahan wax-ka-qabashada iyo sicir-bararka xadhkaha goosta iyo shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta, iyo weliba qorsheyaasha wasaaraddu ugu talogalay arrimahaas, waxa uu intaa ku sii daray, “Mudane Guddoomiye iyo mudanayaal, maadaama dalkeennu ku tiirsan yahay waxyaabaha dibedda laga keeno, waxa Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda u qorsheysan inay si dhow ula shaqeyso wasaaradaha wax-soo-saarka, iyada oo miisaaniyad ku filan u qoondeyn doonta qeybaha sugidda dhuuniga, xoolaha, kalluumeysiga, macdanta iyo tamarta. Marka aynu aaminno dalkeenna ee aynu isticmaalno dallagiisa, waxa hubaal ah in aynu ka maarmi doonno bariis laga keeno dalalka Thailand iyo dibeddaba.
In la abuuro shirkado iyo warshado yaryar oo ay leedahay dawladdu (Government Enterprise and small Industry), kuwaasoo ka qeybqaadan doona baahiyaha kala duwan iyo shaqo-abuurka, sidoo kale ku dhiirrigeliya gacansatada inay keenaan warshadihii farsameyn lahaa badeecadaha faraha badan ee la innooga soo waarido dalalka shisheeye.
Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxay hirgelinta hawshan kala shaqeyn doontaa wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso.”
Waxa qorshaha noogu jirta in aannu la bilawno, isla markaana kala shaqeyno dawladaha aynu jaarka nahay ee Itoobiya, sidii loo dardargelin lahaa in aynu la wadaagno ganacsi, isla markaana aynu dib u eegno heshiisyadii aynu la galnay ee ahaa transit-ka (isu-gudubka badeecadaha), taas oo suurtogelin karta inaynu ka helo shaqo abuur badan, isla markaana ganacsigeena si aynu suuq faro badan u helo.
Sidoo kale, waxa aannu sameyn doonaa in aannu fudeydino, lana wadaagno ganacsi dawladda Jabuuti.”
La-dagaalanka musuqmaasuqa
Wasiirka Maaliyadda, ayaa sidoo kale ka hadlay qorshayaasha xukuumadda cusub ee lagula dagaalamayo musuqmaasuqa, waxaannu yidhi; “Mudane Guddoomiye iyo mudanayaal, siyaasadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku dhisan tahay sarreynta sharciga, taas oo sida cad aynu ka soo dheeganayno in aynu xididada u jarno, isla markaana xididada u siibno musuqmaasuq nooc kasta uu yahay iyo qaab kasta oo uu u egyahay. Sidaa darteed, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa ka go’an qaab kasta iyo nooc kasta inay la dagaallanto musuqmaasuqa.”
“Gebogebo, waxaan u mahadnaqeyaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ii igmaday xilka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, aniga oo mar walba Ilaahay (SWT) ka baryaaya inuu igu asturo xilkaas, ummadda Jamhuuriyadda Somaliland-na ka codsanaya inay ii soo duceeyaan, iguna garab galaan xilkaas,” ayuu khudbaddiisa ku soo afmeeray wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda.