Araweelo News Network

zamsamabdiaadanHargeysa(ANN)- Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa caddaysay in lacagta cashuurta ah ee ganacsatadu bixiso ay qayb weyn ka tahay dhaqaalaha lagu maamulo adeegyada bulshada ee dalka, laguna bixiyo mushaharooyinka loogu shaqeeyo dawladda.
Marwo Samsam Cabdi Aadan oo saxaafadda kula hadashay magaalada Boorama shalay, kadib markii la soo afjaray khilaaf dhinaca cashuurta ah uu u dhexeeyey dawladda hoose iyo ganacsatada qaadka iibiya, waxa ay tilmaantay in aanay qurux badnayn in dhibaatooyin loo gaysto dadka ganacsatada ah.
“Maaha in la dhibo dadka ganacsatada ah, waayo lacagta ay ganacsatadu bixinayo waa lacagta lagu bixiyo mushaharooyinka, waana dhaqaalaha dawladda hoose looga jaro kabka ah 10%, waana ta waddanka lagu maamulo haddii ay tahay caafimaadka, ciidammada iyo macallimiintaba, waxaas wax lagu qabanayo oo dhan waxa u badan lacagtaas yar ee ganacsatadu bixinayo ee cashuurta ah, markaa in aynu dhibno maaha, laakiin waa in wixii khalad ah iyagana loo sheego, wixii ay gar innagaga leeyihiina in loo tixgeliyo,” ayey tidhi marwo Samsam Cabdi Aadan.
Waxa kale oo ay ka hadashay ujeedada safarka ay ku tegeen magaalada Boorama, waxayna tidhi; “Waxa aannu safarkayaga ka soo bilawnay magaalada Gorayo-cawl oo ah kastamka qaadku ka soo galo Gobolka Awdal, kadibna waxa aannu u soo gudubnay Boorama. Qaadka yimaad meel kasta oo Somaliland ah waxa laga qaadaa cashuur, waxaanna cashuurtaas qaadda Wasaaradda Maaliyadda, dawladaha hoosena waxa ay leeyihiin wax la yidhaah xaqul-xashiis oo laga qaado marka uu qaadku soo galo magaalada gudaheeda ee uu yaal kolayga amma miiska, taas ayaana ku adkaatay dawladda hoose.
“Markaa ismaan-dhaaf soo kala dhexgalay dawladda hoose iyo maaliyadda ayaa jirtay, kadibna waannu is qancinay oo waxa aannu ku qancinay in iyaguna (dawladda hoose) ay magaalada gudaheeda kaga qaataan wixii xaqul-xashiish ah, wixii kaantaroolka ahna maaliyadda ayuun baa xaq u leh inay cashuur ku qaado.”
Waxa kaloo ay tilmaantay in la soo afjaray khilaafka dhinaca cashuurta la xidhiidhay ee u dhexeeyay dawladda hoose ee Boorama iyo dadka ka ganacsada qaadka, waxayna tidhi; “Si wanaagsan oo la is qanciyey ayey noogu dhammaatay, qaadkuna intii uu kootarabaan geli lahaa amma uu dhibaatooyin geli lahaa in sidii hore looga qaado cashuurta oo aan la saarin laba cashuurood…Qaadku marka uu soo galo kaantaroolka weyn waxa laga qaadaa cashuur ay leedahay dawladda dhexe oo Maaliyaddu qaado, marka uu soo gudbo ee uu magaalada soo galana dawladaha hoose ayaa cashuur xaqul-xashiish ah ka qaada, taasoo la mid ah sida ay dawladaha hoose cashuurta uga qaadaan dadka ku ganacsada suuqa, sida khudradlayda oo kale, laakiin haddii ay yidhaahdaan qaadlayaasha iyo kuwa khudaarta keena cashuur ayaannu kaga qaadaynaa kaantaroolka waxay noqonaysaa wax aannu dadku qaadi karin, waana dhib haddii ay dawladda hoose iyo maaliyadduba kaantaroolka ku qaadaan laba cashuurood, laakiin sida ay dawladda hoose uga qaado dadka ku ganacsadaha suuqyada magaalooyinka ayuun bay kuwana (qaadlayaasha) uga qaadayaan.”