Araweelo News Network

Moh Hashi

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad loo sameeyey arday ka qallinjabisay Jaamacadda Hargeysa oo shahaadada labaad (Master Degree) ka qaatay culuunta Dawlad-wanaagga iyo Hoggaaminta iyo Maaraynta Mashaariicda.

Munaasibadda oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Green Plaze xalay, waxa kale oo qaybgalay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire, Warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadaani, Wasiirka Duulista Farxaan Aadan Haybe, Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, masuuliyiin ka socday xisbiga WADDANI, madax kale iyo ardayda ka qallinjabisay jaamacadda Hargeysa, waxaanna khudbado halkaasi laga jeediyey lagaga hadlay muhiimada aqoonta iyo kaalinta aqoonyahankan cusub uga bannaan inay ka qaybqaataan horumarka waddanka.

Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasiabdaasi ka hadlay ayaa hambalyeeyey ardaydaasi waxaanu yidhi “ILAAHAY ayaa mahad leh marka ugu horaysa, marka labaadka waxaan bogaadinayaa aqoonyahankan dhamaystirtay kulliyadaha Governance and Leadership iyo Project Management aqoontaas weyn ee ay takhasuska ku qaateen. Waxaanu leenahay hambalyo, waxa kale oo aannu bogaadinaynaa macalimiintii iyo aqoonyahankii ku tabcay iyo masuuliyiinta jaamacada Hargeysa, waxaanay muujinaysaa maanta heerka ay marayso aqoonteenu iyo koboca ku yimi gaar ahaan Jaamacada Hargeysa iyo isbadalka ay ku talaabsanayso ayaanu ka martkhaati kacaynaa.”

“ Sidoo kale iyagana waxaanu u mahad naqaynaa masuuliyiinta kala duduwan ee madashan fadhida, intaa kadib waxaan si kooban uga hadli doonaa waxqabadkii Xukuumada Xisbiga KULMIYE mudadii ay tallada dalka haysay, marka la qiimaynaayo xukuumad ama Xisbi tallo dal ku guulaysatay waxaynu u baahan nahay inaynu si mug weyn loo qiimeeyo, waxa laga duulaa oo saldhig u ah barnaamijkii xisbigaasi uu ummada u bandhigay ee uu codka kaga doonay ee bulshadu ku taageertay, waxa la qiimeeyaa muxuu barnaamijkii ka fuliyey, muxuu meel mariyay, waxa kale oo la qiimeeyaa muxuu ku guul-daraystay inuu fuliyo ,muxuu ku fashilmay dhinaca kale waxa la qiimeeyaa maxaa mudadaas carqalado iyo mushkilado soo wajahay dawladaa sidee bay uga dabaalatay mushkiladahaas, waxa kale oo la qiimeeyaa maxay Hal-abuur la timi intaa ka baxsan wixii ay balan qaaday ama carqalad ku yimi maxay Hal-abuur iyo isbadal ku talaabsatay .

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena yidhi “ Waxyaalahaas dadka laga doonaayo inay qiimeeyaan waa aqoonyahanada bulshada dhex-dhexaadka ah ayaa laga rabaa inay arrimahaas ka makhraati kacdo hadii aanu annagu imika akhrino oo buugaag badan daliilino waxa laga yaabaa inay dad badani u qaataan rag faanaya ama bulshada indhasarcaadinaya bal’ee waxa laga yaabaa in hada wax badan aanu qabanayba laga murmayo oo ladafirsan yahayba ,waxa jira oo siyaasada Somaliland kusoo kordhay dad xaqaa’iqa dafira, oo xaqiiqo jirta dafira oo sacabka saara oo yidhaahda arintaasi ma jirto, waxa kusoo kordhay dad buuro waaweyn odhan kara halkaasi buuro maahee waa banaan iyo togag, siyaasadeena ayey ku soo korodhay, waa arrimaha aynu u baahan nahay inaynu ka korno, wixii wanaagsan waa inaynu isu qirnaa, wixii qaloocana waa in la sheegaa.” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

Dhinaca kale, gabagabadii munaasibadaasi ayaa aqoonyahanka Jaamacadda Hargeysa waxay halkaasi su’aalo ku waydiiyeen labada Guddoomiye xisbi ee KULMIYE iyo UCID, iyadoo si gaar ah Guddoomiye Muuse Biixi uu jawaabo waafi ah uga bixiyey waydiimo tiro badan oo ay ugu talogaleen dhallinyaradii madasha joogtay, kuwaas oo la xidhiidhay xisbiga KULMIYE, qorshihiisa hoggaamineed, shuruucda dalka iyo waxyaabaha mudan ee uu doonayo inuu wax ka qabto haddii uu ku guulaysto talada waddanka.