Araweelo News Network

Laascaanood(ANN)Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaaminaya Wefti ballaadhan oo ka socdaty Dawladda, oo ku sugan gobolka Sool ayaa sharaxaad ka bixiyey kulan ay la yeesheen guddida nabadgalyada gobolkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in kulankaasi uu ku saabsanaa meel marinta go’aamo ay ka soo sareen Colaada ka socota koonfurka gobolkaasi ee u dhaxaysa beelaha Qayaad iyo Ba’harrarsame. Isaga oo geesta kalena amaanay habdhaqanka Ciidamada qaranka Somaliland ee deegaanadaasi ku sugan.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa arrimahaasi kaga hadlay hadal qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisafa Facebook waxaanu yidhi “ Waxaan saaka shir ballaadhan ugu yeedhnay guddida nabadgalyada gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ka kooban maamulka iyo saraakiisha ciidamada kala duwan. Kulankaas waxaanu uga dan lahayn adkaynta iyo xoojinta nabadgalyada gobolka guud ahaan iyo gaar ahaanba, meel-marinta go’aamadii aanu weftigayagii Xukuumaddu ka soo saarnay xaalada shaqaaqooyinka taagan. Waxaan saraakiisha iyo masuuliyiinta kala duwan kula dardaarnay inay xilkooda iyo waajibaadkooda u gutaan si sharciga waafaqsan oo dadaal iyo daacanimo leh, waxaanu ku kalsoonahay in ay hawlahaa u fulin doonaan sidii loogu tallo galay.”

Wasiirka ayaa sidoo kalena bogaadiyey asluubta ciidamada ku sugan Sool waxaanu yidhi “ Ugu dambayn waxaan ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadinaynaa dadaalkii ay muujiyeen iyo doorkii ay ka qaateen adkaynta nabadgalayada gobolka Sool. Waxa kale oo Xukuumad ahaan sharaf noo ah in ciidamada qaranka la majeertay dhawr-soonaantooda iyo habdhaqanka, anshaxa iyo asluubta wanaagsan ee ay kula dhaqmaan bulshada gobolka, arrintaana ay ka markhaati kaceen waxgaradka iyo waayeelka gobolka Sool oo aanu la kulanay.”

Geesta kalena Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa gurigiisa ku booqday Garaad Cali Buraale Xasan oo ah Garaadka beesha Qayaad oo xanuun u jiiga, Wasiirka oo booqashadaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan saaka maamuus ahaan gurigiisa ku booqday Garaad Cali Buraale Xasan, oo ka mid ah ismimada waaweyn ee gobolka Sool, oo xanuun u jiifa. waxaan garaadka ILAAHAY ugu baryayaa inuu siiyo caafimaad kaamila, cimri dheer iyo camal suuban.”