Araweelo News Network

 

 

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku eedaysay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI inuu yahay xisbi layli ah oo aan waayo-arag ahayn, isla markaana ku adag tahay inuu qaato natiijo qadhaadh, maadaama ay aqbali waayeen doorashadii guddoomiyaha  cusub ee Golaha Wakiillada iyo go’aankii Maxkamadda Sare ka soo baxay.

 

Sidaana waxa yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadal ka jeediyey degaanka Dayaxa ee Gobolka Sanaag , isagoo sheegay in xisbiga WADDANI iska lumiyey guul siyaasadeed oo uu helay markii xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle aqbalay natiijada doorashadii Guddoomiyaha Wakiilladda Md. Baashe Maxamed Faarax.

 

“Anigu waxaa qabaa xisbiga WADDANI inay guul weyn oo siyaadadeed u ahayd maalintaa (aqbalaaddii natiijada doorashada Guddoomiyaha Wakiillada), aniga qiimayntayda, laakiin inay guushaa rifeen oo bakhti wareemaan ayaan u arkayey. Markaanu WADDANI u faano ee nidhaa waayo-arag ayaanu nahay oo xisbi siddeed sanno mucaarid soo ahaa ayaannu nahay, xisbi dhici jiray ayaanu nahay, wax weyna ayaa laga dhaxlaa, WADDANI waa xisbi layli ah, halkaas waxa ka muuqata inuu layli yahay, eraygii aanu lahayn ayaa cad maanta, haddii aanu layli ahayn, waxa intaa yeeshay kamuu noqdeen,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.

 

Waxa kaloo uu sheegay in doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu u dhacday qaab sax ah, waxaannu yidhi; “Annagu waxaannu aaminsan nahay inuu sax ahaa codka la qaaday, waxaan leeyahay muranku wuxuu u ekaa markii codka la qaadayey, maanta haybadda Maxkamadda Dastuuriga ahna in la duro maaha, iyadoo dalku uu qarka u saaran yahay doorasho, waa sumcadda Somaliland oo meel lagaga dhacayo, waxa ay muujinaysaa ninka taa (codkii Golaha Wakiillada) diiday, berri najiito ka qadhaadna in aanu qaadan karin, shacbiga Somaliland wuu arkayaa, xoog iyo cududna iskuma muquunin karno, waxa aynu nahay Ilmaadeer siman iyo saaxiibo tartamaya, waxaannu leenahay marka la idinka adkaado qaata guul-darada, haddii aad naga adkaataana waanu qaadaynayaa, waar dalka u tudha, goluhu laba guddoomiye ma laha, hal guddoomiye ayuu leeyahay, guddoomiyihiina waa Baashe Maxamed Faarax, annaguna xukuumaddii dalka maamulaysay ayaanu nahay, kaas ayaanu aqoonsanahay, nin labaad oo sheegtaana waa dambi, in la qasaana waa dambi, guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waa Baashe Maxamed Faarax.”

 

Waxaannu intaas ku daray; “Haddii ay waxa kala tirsanayaan iyo haddii ay boogahooda dhayanayaan xaq ayey u leeyihiin, Maxkamadda Dastuuriga ahi go’aan sax ah ayey qaadatay, waar arrintu dacwad dastuuri ahna ma ahayn, mid idaari ahna ma ahayn labaas ayuubay qaadaa (Maxkamadda Dastuuriga ah), waa go’aan gole arrinani mar haddii la tirnayana cid dib ugu noqotaa ma jirto.”

 

Waxa kaloo Wasiirku sheegay in aanay xukuumad ahaan wax farogelin ah ku samayn qaabkii ay u dhacday doorashadii Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada, waxaannu yidhi; “Arrinta Golaha Wakiillada waxaannu leenahay, arrintaasi mid annaga Xukuumad ahaan noo taalay maaha, waxay u taal aqal gaar ah, wuu is doortay, annagu wax faro-galin ah kumaanu samayn, goluhu dhaqan ayuu leeyahay, waa xildhibaano siman, doorasho fiican oo nadiif ah oo sumcad weyn Somaliland u keentay ayaa aqalkaa ka dhacday, warbaahinta oo dhan baa laga daawaday, shan arrimood ayaa golaha ka dhacay oo taariikhi ah.”

 

Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka sheekeeyey qaab aan sharciga waafaqsanayn oo xilka looga qaaday Mr. Axmed Cabdi Xaabsade oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Wakiillada xilligii lagu shaqayn jiray axdi-qarameedka, waqtigaas oo haddana la aqbalay natiijadaas.

 

“Anigu waxaan ahaan jiray Xildhibaan, golayaashu waxay ay leeyihiin muran, way isku buuqaan, waxa ay leeyihiin jaafaa jiriq, kuwa Ingiriiska (Baarlamaanka Ingiriiska) ayey ka dhacdaa, golahaas tii (doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland) ugu nadiifta badnayd ayaa ka dhacday, intaas oo dhan (sannado badan) ayaan soo taagnaa iyadoo shir-guddoon la kala dooranayo, waxa dhacday oo aan anigu golaha ka mid ahaa iyadoo guddoomiyihii Golaha Wakiillada  Axmed Cabdi Xaabsade uu fadhiyo, in uu iska kacay nin xildhibaan ah Ilaahay ha u naxariistee oo nin kale oo isna dhintay Alle ha u naxaiistee uu yidhi waar wixii ogol in Axmed Cabdi Xaabsade la rido gacanta taaga, dabadeena qaarbaa iska taagay, waa nidaam-darro, aqlabiyadayadii waannu fadhinnaa, haddii guddoomiyaha la ridayo nidaam ayaa loo maraa, haddii mid la dooranayo waa la yaqaan nidaamka loo maro, wixii Ogol Cabdiraxmaan Baydaani gacanta taaga, dhawr iyo soddon mudane ayaannu kaga dhaqaaqnay, dhawr iyo labaatan mudane ayaa na muquuniyey, guddoomiyihii wuxuu noqday Baydaani, Axmed Cabdi Xaabsade iyo kooxdayadii la socotayna oo aan aniggu ka mid ahaa, oo Axmed Silaanyo iyo Maxamed Nuur Saalax (Fagadhe) ka mid ahaayeena bannaanka ayaa naloo tuuray. Waxa na muquuniyey tiro naga yar, waxay nagu muqiiniyeen nidaam aan sharci ahayn, taas ayaannu aqbalnay oo aakhirkii u soo noqnay, danta iyo ummadda wada-jirkeeda ayaannu eegnay.”

 

Wasiirka Madaxtooyada, ayaa sidoo kale soo bandhigay shan arrimood oo ka dhacay fadhigii Golaha Wakiillada ee lagu doortay Guddoomiyaha cusub maalintii taariikhdu ahayd 6 August 2017.

“Golaha Wakiillada, waxa ka dhacay shan arrinmood oo taariikhi ah oo kala ah;

  1. deero deero ma hirdiyin, buuq iyo sawaxan ma lahayn, isaga oo miyir qaba oo ay ka muuqato bisayl iyo waayo-aragnimo ayey codka galeen, guddoomiye-ku-xigeenkii labaad Cali Yuusuf ayaa cod qaaday, codkii markii la qaaday iyo markii la tirinayey buuq ka soo baxay ma jirin.
  2. Garsooirhii shir-guddoonka ahaa ayaa wax soo saaray,
  3. Guddoomihii 12 sanno gacanta ku hayey Golaha Wakiillada ee maamulayey oo ah Cabdiraxmaan Cirro ayaa soo kacay oo hambalyeeyey najiitadaas oo halkaa xilkii kaga degay.
  4. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ah oo ninkii la tartamayey Baashe ayaa aqbalay oo aqoonsaday najiitadii, wuu hambalyeeyey, si waayo-aragnimo iyo geesino leh ayuu u hadlay.
  5. Waxa soo kacay Guddoomiyihii cusbaa ee la doortay, kursigii ayuu ku fadhiistay, waa guddoomiyey, shirkii wuu mahadceliyey, golaha inuu isku wadayana wuu sheegay, Golihiina wuu xidhay.”