Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay dhacdooyinkii u danbeeyay ee muddooyinkan shakiga ugu abuuray Bulshada Somaliland gaar ahaan dadweynaha ku dhaqan Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Dhacdooyinkaa oo ahaa kuwo lala xidhiidhiyay dad qafaasha Hablo yar yar iyo weliba Wiilal dhalinyaro ah iyo caruur, isla markaana cabsi ku abuuray Bulshadda.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi, isla markaana ka mid ah guddiga qaran ee Nabadgalyada, wuxuu arrimahaa kaga hadlay mar uu maanta hadal ka jeediyay booqasho uu Madaxweyne Siilaanyo ku tegey Taliska Guud ee Booliska Somaliland.

Halkan Ka Daawo Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland oo sharaxaya dhacdooyinkaa cabsida abuuray xukuumad ahaan waxa laga qabtay iyo sida ay wax uga jiraan.