Araweelo News Network

Mohamoud Hashi Abdi
Hargeysa (ANN)- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in dawladdu diyaarisay qorshayaal la xidhiidha sidii roobabka curtay aanay dhibaatooyin kale u gaadhsiiyeen dadka iyo xoolaha abaaruhu saamaynta ku yeesheen.
Wasiir Xaashi oo hadal ka jeediyey kulan guddida abaaraha ee Gobolka Togdheer ku yeesheen magaalada Burco toddobaadkan, waxa uu yidhi; “Waxaannu leenahay haddii xataa maanta roob da’o baahidii ma dhammaan oo dadkii way jilicsan yihiin, xaaladdooduna waa dad soo doogay oo tacab badan innooga baahan. Waxa kaloo ay innooga baahan yihiin inaynu kala dabaalano inay roobabka qudhooda iyo nimcadu waxyeelaan oo hoy, cunto iyo caafimaadkoodaba inaynu daryeelno.
Siyaasadda xukuumaddu dejisay waxa weeye inaannu xoogga saarno xilliyadan abaaraha caafimaadka bulshada. Xoolaha waxa soo doogay caafimaadkooda kooxo dhakhaatiir xoolaha ah ayaa wareegi doona wixii Alle inoo qadaro waa la dawaynayaa oo culays badan ayaannu saaraynaa.”
“Waxa kale iyadana qorsha guud ahaanba ah in dadka baahida waxay noqon doontaa in hoy dadka loo doono. Waxaannu xukuumad ahaan wadnaa in la mideeyo deeqaha Hay’adaha caalamka, hay’adaha Qarammada Midoobay, deeqo badan baana imminka ku soo dhacay qaylo-dhaantii aynu dirnay hadda ayuun baa wax soo hor yeesheen. Qaadhaanadaas soo gaadhay waxbay u qorshaysteen waa waajibka xukuumadda in deeqahaasi aanay isku dul dhicin, waayo hay’adahaas oo dhan isma dareen oga, waxana laga yaabaa inay meel biyo kuwada shubaan.”
Wasiirka Madaxtooyada, ayaa sidoo kale ka digay in kaalmada iyo qaadhaanka loogu talogalay dadka abaaruhu saameeyeen loo qaybiyo si bilaa qorshe ah, “Waxaas oo dhan waannu kala duwaynaa oo badhasaabada gobollada waxaannu xukuumad ahaan ku amarnay in aanay jiri karin hay’ad meel iska mudh-mudh leh oo meel biyo ku qaybisa amma cunto gayn kartaa, waana inay xarunta gobolka soo martaa, waa inay guddidda taakulaynta abaaraha gobolka ka shidaal qaadataa oo qorshaheeda u keentaa, ka horna waa in qorshaha hay’addaasi wadato u gudbiso Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo guddida taakulaynta abaaraha.”
“Dalku dawlad buu leeyahay, wiil yar oo hay’ad abaaninaya iyo cid kastoo wax ina taraysa innagoo waxtarka ka mahadnaqayna oo aan diidayn xaq uma laha inay meeshii ay doonaan wax ula dhaqaaqaan. Gacan adag ayaannu ku qabanaynaa oo waa u digaynaa hay’adahaas iyo dhallinyaradaas hawl-wadeennada ah ee iska saqaafaya ee iska soconaya, tallaabo adag ayaannu ka qaadaynaa iyagoo deeq dadka u wada waa in aanay dambi gelin oo waa inay nidaamka dawladnimada ixtiraamaan. Arrintaas far waaweyn ayaannu ku dhigaynaa.
Annagoo fursaddan ka faa’iidaysanayna waxaan jecelahay inaannu bulshada reer Somaliland in waqtigan roobabku curteen inay ka tixadiraan togagga iyo meelaha biyuhu maraan kula talinaynaa inay feejignaadaan haddii Ilaahay yidhaa,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu ka xog-warramay faa’iidooyinka is-caawinta bulshada, isagoo u mahadnaqay Guddida Taakulaynta Abaaraha ee Gobolka Togdheer.
“Waxaannu u mahadnaqaynaa xubnaha Guddida Taakulaynta Abaaraha ee Gobolka Togdheer oo markasta oo aannu gobolka ugu nimaadno amma iyaguba noo yimaadaan aanu kulano, dad masuuliyiina, ganacsato, culimo iyo masuuliyiin dawladeed isugu jira rag iyo haweenba waxaannu ugu mahadcelinaynaa doorkii ay ka soo qaateen taakulaynta dadka abaaruhu tabaaleeyeen. Waxa kaloon u mahadnaqaynaa bulshada kale ee Gobolka Togdheer ee isku tashatay taageeradii ay dadkooda jilicsan siinayeen, gaar ahaan is caawinta nidaamka qoyska ku dhisan.”
“Runtii Alle (SWT) wuxuu inoo sameeyey reero, xikmadda uu u sameeyeyna waxay ahayd nasabka in lagu ilaaliyo oo bulshooyin badan oo dunida ah aanay lahayn. Nasabku waa ka lagu garto muxrimka qofku qofka aanu guursan karin amma aannu gayi karin in nidaamka reeruhu u shaqeeyo in waxa wanaagsan la iska kaashado iyo khayrka iyo samaha, waa waxa Alle innoogu jideeyey. Waxa reebban inaynu dhinaca khaldan ee qabyaaladda u isticmaalno reeraha, arrintaasina waata u baahan inaynu bulshadeenna ka korinno, tan ayaana saxa, markaa inaynu isugu gar-gaarno inaynu isugu naxariisanno, inaynu isku caawino qoys waliba kiisa jilicsan uu caawiyo oo wax taro dadka waannu ku guubaabinaynaa,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.