Araweelo News Network

Mohamoud Hashi Abdi
Hargeysa(ANN)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlayey xafladii furitaanka Dhamka Xumbo weyne ayaa khudbad dheer oo ujeedkeedu xambaarsanaa horumarka iyo tallaabooyinka uu qaranka Somaliland maalinba maalinta ka danbaysa ku sii siqayo is dultaagay qodobo kala duwan oo dhawra waxaanu yidhi “Runtii farxad weyn bay saaka inoo tahay Ilaahay baa ku mahadsan inaynu goob joog u nahay dhamkii xumbo weyne oo dhamaaday oo laynugu soo wareejiyay oo ah tallaabo aynu hore u qaadnay islamarkaana ah wax aynu doonayno inaynu baranno waxay bilaw u tahay inaynu baranno biyaheena faha badan ee socda inaynu qabano oo ka faa’idaysano waxa ina naafeeyay oo ina tabaaleeyay abaaro soo noq-noqda waxaynu helnaa biyaha laba wakhti oo kaliya inta badan cimilada duniduna si xun ayay isu badashay marka la eego biyaha Somaliland ku dhaca labadaas wakhti aqoonyahanaada ku xeesha dheeri markii ay qiimeeyeen maaha biyo yar waa biyo aad u farabadan oo inagu filan waxa dhulka hoostiisa gala iyo waxa bada gala waxay inooga baahan tahay caqli iyo xigmad kuma noolaan karno noloshii awoow yaasheen markay geela, Lo’da iyo Adhiga dhaqan jireen say u noolaayeen shan qarni ama afar qarni ka hor maanta uma noolaan karno noloshii iyo dunidii oo dhan ayaa is badashay cimiladii ayaa is badashay reer magaal ayaynu u badannay dad badan oo aqoon lehna weynu yeelanay miyigiina waa laga soo gurmayaa waxaynu u baahan nahay inaynu nolosheena jihayno.

Ceelkan himiladiisa,higsigiisa,iyo qorshihiisuba waxa uu ka yimi Madaxweynaha iyo xukuumadiisa waxaanu dawladda imaaradka ula tagnay inay dhamam noo qodaan waxay ogolaadeen laba dham, midi waa dhamkan xumbo weyne iyo mid laga dhisi doono magaalada laascaanood duleedkeeda waxa ay ahayd tijaabo la qaado bal waxa laga faa’idi karo sida biyahaas loo qaban karo waxa xukuumadu wadaa qorshe qaran oo shan sanadood ah 2017 ilaa 2022 qorshahaas waxaanu soo saaraynaa bisha dhaw ee may xukuumadda xisbiga KULMIYE waxay samaysay qorshe qaran oo hore qarankani qorshe muu lahaan jirin waa inuu qorshe yeeshaa qoyskeena miyiga jooga ayaa qorshe lahaan jiray goorta uu guuraayo, goorta uu kala xawa-wawirayo, goorta geelu u dhali doono, xiliga waxaraha maqasha lagu sii daynaayo adhiga, waxaas oo dhan qorshe ayaa loo yeelan jiray noloshu kuma salaysnayn jaantaa rogan iyo haantaa hadhuub la’ ilaa gabadha miyiga joogta goorta ay wax dhali doonto ayaa loo miidaan dayi jiray noloshu qorshay u bahaan tahay qaranna qorshuu u baahan yahay qorshe ayaanu qaranka u samaynay shan sanadooda oo aan hore u jirin wax badan baa ka xaqiiqoobay waa qorshaha xaqiijiya horumarkaas maanta muuqda, waa qorsahaha xaqiijiyay maalgashigaas weeye iskama iman wax cirka kasoo dhaca ma jiraane wax kasta binu aadam ayaa qorsheeya ALLE-na waa aqbalaa Illaahay waxaynu ka baryaynaa inuu qorshaheena inoo hir galiyo.

Qorshahaas aanu maanta wadnaa waxa uu salka ku hayaa shanta sano ee soo socota somaliland waxa aynu ka qaban doono sagaal saktar oo kala duwan maxaynu degaanka ka qabanaynaa,maxaynu degaanka ka qabanaynaa, sidee reer miyigeenu u noolaan doonaa sidee baynu abaarahan iyo biyo la’aantan uga baxnaa maalin walba ma baryo ayaynu ku jirnaa aynu nidhaahno noo soo gurmada dunida, qadhaan iyo muslimiinta carbeed inaynu barino iyo dunida reer galbeedka waa dad dhigeena ah ee waa inaynu wax qabsanaa waxaanu wadnaa oo xooga saaraynaa in aanu dalkan biyihiisa xidhno in aanu dhamam iyo ceelal dhaadheer samayno ayaanu qorsaha ku darnay waxaanu doonaynaa xoolaha in loo dhaqo si ka duwan sida ay maanta u dhaqan yihiin in wax loo beerto si qaabkan aynu imika u beerano ka duwan maxaa cimiladeena ku bixi kara, maxaa biyo yaraan ku bixi kara cuntadeeni in dadbadan laga soo wada iibiyo maaha, wax walba inaynu dibeda ka keensano maaha, inaynu dhiig baxno maalin walba oo aynu nidhaahno yaa doolar haya inagoo aan doolar lacagteenu ahayn lacag baynu leenahay ummad baynu nahay, maskax baynu leenahay, dadka kama xoog yarin kama caqli yarin binu aadmiga ayaynu la mid nahay, dunida dhaqaalaheedu wuu korayaa wadankan aynu dariska nahay ee Itoobiya waxa uu samaystay qorshe maanta dhaqaalahoodu si layaableh ayuu u koraa waxaynu u baahan nahay inaynu qaab noocaas ah u noolaano tubtaasaanu qarankan ku wadnaa kuna soo wadnay shacabka Somaliland waxaanu ka codsanaynaa inay nagu garab galaan in aanay dhag u dhigin kuwa nashuushadaynaya horumarka, nabadda iyo wanaaga kuwa ku cadanyooda (Caarooda) in aanay dhag u dhigin, dhan xiirada in aanay u joojin maxaa gurigeena uun qaylada ka yeedhiyay guryaha kalaba hormarku wuu ka socdaaye wax qaylinayana lagama maqlee.

Soomaaliya waa walaaladeen barwaaqo iyo wanaag ayaynu la rabnaa waxooda ayay leeyihiin innana waxeena ayaynu leenahay waar waa kuwaas qorsahaha samaystay waxbay wataan saldhig milateri ayaa laga sameeyay intaasoo saldhig milateri ayaa ah miyaa wali qaylo ka maqasheen saldhigyadooda waxbaa la iibinayaa waa layna xadayaa miyaa maqasheen iska daa oo ciidamo shisheeye ayaa jooga oo ka shaqeeya miyaa qaylo ka maqasheen dekedoodii ayaa la dhisayaa, dekeda Muqdisho Turkiga ayaa maamula habeen qaylo kamaynaan maqlin iyadoo la leeyahay maxaa turki noo haystaa garoonkooda diyaaradaha ee Aadan Cadde waxa maamula shirkad Turki ah oo dhista oo maalgelisa miyaad qaylo ka maqasheen shalay Puntland ayaa heshiis la gashay shirkada DP WORLD inay horumariso dekedahooda tallaabadii aynu qaadnay ayay sax u arkeen oo inagaga daydeen waa ku hambalyaynayaa dhamaan horumarka ay samaysanayaan miyaynu qaylo ka maqalnay.

Wixii luuf-luuf iyo qaylo kasoo baxay horumarkii dekedeena waa maqlayseen wixii saldhiga milateri sifaha sharciga ah aynu uga kiraynaynay dawladda Imaaaradka ee ah kuwa waxaan (Mashruuca xumbo weyne) inoo qabanaya ee aanu dalka saaxiibo u samaynaynay wixii ka dhacay waa maqlayseen waar maxaa gurigeena qaylada ku koobay, Jabuuti intaasoo mashruuc oo horumarineed ayaa ka socda lacag 10 bilyan ku dhaw ayaa lagu dhisayaa maanta Runway ayaa laga dhisayaa, garoon cusub ayaa loo samaynayaa Dikhil ayaa laga wadaa, Tajorra ayaa laga wadaa dekedo ayaa la wadaa bal eeg waxaas oo maal gashi ah dayn ayay qaadanayaan, inagu dayn ma qaadan karno miyaad qaylo ka maqasheen waar waxbaa inaga qaldan, waxaana inaga khaldan ileeyn dadka kama liidano kama nacasaysanine waxaabaynu nahay dadkii dunida dilaali jiraye, magacyaynu dilaalkaba kula baxnaye, waar xeradeena kud-kude iyo qaniin ayaa galay dad cuduro qaba oo horumarka ka soo hor jeeda oo ay iskaga khaldan tahay mucaaridnimadii tartankii iyo horumarkii ummada ayaa iskaga khaldamay Illaahay hasoo hadeeyo, iyaga shacbiga waxaan leeyahay waar dadka inta wanaaga wada raaca oo wanaag ayaanu wadnaaye nala jiibiya jaanta iyo jiibta nala qabta”.