Khartoum(ANN)-Xukuumadda Dalka Suudaan, ayaa shaacisay inuu si lama filaan ah u geeriyooday Wasiirkii Gaashaandhiga Dalka Suudaan Lt Gen. Jamal Al Din Omar, xili uu ku jiray wadahadalo dib u heshiin ah oo dhexmarayay mucaraadka Suudaan Koonfurta Juba.


Sida ay faafisay Wakaaladda wararka ee Suudaan oo soo xiganaysay Afhayeen u hadlay xukuumadda Suudaan, kaas oo warbaahinta u xaqiiyay geerida Geneal Jamaal, Afahayeenka ayaa xusay in Wasiirka Gaashaandhiga Lt Gen. Jamal Al Din Omar u dhintay xannuun kusoo booday oo ahaa wadna xannuun, isagoo beeniyay warar si weyn loogu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in Lt Gen. Jamal Al Din Omar u dhintay Caabuqa dilaaga ah ee Caronavirus.

Lt Gen. Jamal Al Din Omar, wuxuu ahaa saraakiisha dhanka Millateriga sid aweyn looga tixgeliyo, wuxuuna ku dhowaad Afartankii sannadoo ee u danbeeyay ka mid ahaa melleteriga Suudaan, wuxuuna xilliga uu geeriyooday ku jiray shir dib uheshiisiineed oo u dhaxeeya dowladda Suudaan iyo kooxaha hubeysan ee mucaaradka ah, kaas oo uu kaga qaybgalay Koonfurta Suudaan ee Juba.
.