Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Wasiirkii hore ee Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac iyo Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay Dalka Djibouti Maxamed Warsame, ayaa sheegay inay iska casileen Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, isla markaana ku biireen xisbiga mucaaradka ee WADDANI.

Masuuliyiintan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxay sheegeen inay ka bexeen Xisbiga KULMIYE, waxayna labada masuul markii ay saxaafada la hadlayeen hareera joogay masuuliyiin ka socday xisbiga mucaardka ee WADDANI.

Safiirkii hore ee Somaliland u joogay Djibouti Maxamed Warsame, oo isagu dalka soo gaadhay saaka, waxa madaarka Cigaal kusoo dhoweeyay saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI, kuwaas oo markii uu saxaafada la hadlayay garbihiisa taagnaa.