Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Wasiirkii hore ee Wasaaraddii Duulista xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo Mr. Farxaan Aadan Haybe, ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar yihiin dhammaan qalabkii Jamhuuriyadda Somaliland ku maamuli lahayd haweeda, isla markaana ay si dhibyar ula xidhiidho karto diyaaradaha isticmaala hawada sare ee Somaliland.

Mr. Haybe oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa , waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin maamul hawo oo lagu wareejiyey dawladda taagta daran ee Soomaaliya.

“Waa markii tobnaad ee ay sheegaan inay la soo wareegeen maamulka hawada oo waxa jiray sagaal jeer oo hore oo aan anigu shan jeer ka jawaabay oo ku jirta You-tube-yada, telefishannadana aad ka helaysaan, markaa lamay wareegin, maantana tii ayuun bay ku celiyeen, ilaa maantana waxa gacanta ku haysa hay’adda ICAO oo maamulaysa ilaa inta mashruucaasi dhammaanayo sannadka 2018.
Ma jirto hawo ay la wareegeen ee horta qalab ayey xadhigga ka jareen, mana jirto hawo ay la wareegeen oo inta ICAO soo fadhiisatay ay tidhi si rasmi ah ayaannu hawadii iyo qalabkii oo dhan ugu wareejinnay Soomaaliya, laakiin waa dedaal ay sameeyeen, innaguna waajib weeye oo dedaalkaasi wuu socday, waana la wadaa imminka, waxa qudha ee ay imminka arrintan u soo celiyeen ee ay u sheegeen inay hawadii la wareegeen waa cadaadis gudaha kaga furan oo lagu hayo Farmaajo iyo dawladdiisa oo baarlamaan ha ku hayo ama cid kale ha ku hayso, kaas ayuun bay isleeyihiin indhaha dadweynaha u jeediya in aad waxqabad samayseen oo aad hawadii la soo wareegteen, waana cudurka kaa gala fardaha, haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayo! Markaa mid gudahooda taal ayuun baa innagana saamayn innagu leh,” ayuu yidhi wasiirkii hore.
Waxa kale oo uu sheegay inay gebi ahaanba diyaar yihiin dhammaan qalabkii Jamhuuriyadda Somaliland hawadeeda ka maamuli lahayd, waxaannu yidhi; “Somaliland wixii qalab ahaa hore ayey u diyaarsatay, mana jirto cid hawadeenna innagu haysata oo innagu farogelin kartaa, aakhirkana waxa ay taasi keenaysaa khalkhal ku dhaca hawada, haddii aan miiskii wadahadalka la isugu iman oo aan xal laga gaadhin.”
“Su’aashu waxa weeye maxaa u tabaabusho ah Somaliland haddiiba ay dhacdo in ICAO ay ku wareejiso oo ay UN-tuna raacdo, maadaama ay iyaguna (Soomaaliya) yihiin dawlad la aqoonsan yahay, laguna wareejiyo maamulka hawada? Waxa aan isleeyahay Somaliland way u cad yihiin tallaabooyinka ay qaadi lahayd, masuuliyiinta joogaana way ka dheregsan yihiin oo waa xogogaal, annaguna kama maqnin, xilkuna maaha marka aad kursiga ku fadhido ee dalka iyo qarannimaduba waa wax tacab badan innaga galay oo u baahan in ninka maqan, ninka nastay iyo ninka joogaaba ay wada ilaaliyaan,” ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Duulista oo iftiiminayey tallaabooyinka u qorshaysan Somaliland haddii hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan duulistu ku taageerto dawladda Muqdisho maamulka hawada Soomaaliya oo Somaliland qayb ka tahay.
Isagoo arrintaas ii sharraxayeyna waxa uu intaa ku daray, “Tallaabooyinka aynu qaadayno way cad yihiin, wax halkan laga sheegayana maaha ee way noo qorshaysan yihiin, waana in marka hore loo gudbiyo UN-ka, lana wargeliyo si ay iyaguna u ogaadaan haddii ay aqbalaan inay qalabkaas ay bakhti-afuuyaan ay ICAO u aqbasho inay ku shaqeeyaan, taasina waa khasab in Somaliland iyaduna hawadeeda hanato, waxaanay arrintaasi keenaysaa in xadgudubyo iyo khalkhal uu ku dhaco hawadii oo diyaaraddii dhan walba lagala hadlo, taasina waxay keenaysaa in dhammaantood ay diyaaraduhu istaagaanba Soomaaliya oo dhan, haddana dib ayuun bay u keenaysaa in la wadahadlo.”
Mr. Farxaan Aadan Haybe oo ka hadlayey sida ugu habboon ee dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya xal uga gaadhi karaan qaddiyadda maamulka hawada ee muranku ka taagan yahay, waxa uu yidhi; “Waxa weeye in loo wadahadlo sidii markii horeba loo wadahadlay ee ahayd in la saaro guddi farsamo oo ka shaqeeya sida loo wada maamulanayo hawada oo loogala soo wareegayo ICAO iyo IYATA in laga heshiiyo oo la isweydiiyo sidii loo qaybsan lahaa dakhliga laga qaado diyaaradaha isticmaalaya hawada sare, markaa sidii farsamadii loogu heshiin lahaa ayaannu laba xubnood oo guddi ah u saarnay; mid waxa uu ahaa Siciid Saqiiro, ninka kalena waxa uu ahaa farsamo-yaqaan ka socday Wasaaradda Gaadiidka ee Soomaaliya, mana jiro wax heshiis ah oo annagu aannu isla qaadannay, marka laga reebo heshiiska isfahamka ah ee ay qortay hay’adda na dhexdhexaadinaysay,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.