Mohamed OmarHargeysa(ANN)Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, isla markaana in baddan ahaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa ka hadlay khilaafka Xisbiga KULMIYE iyo kala qaybsanaantu dhibaatada iyo guuldarada ay geyeysiinkarto xisbiga mustaqbalka inuu kusoo laabto xukunka.

Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar oo maanta dalka kusoo laabtay, wuxuu marka hore ka hadlay hawlaha diyaargarawga shirka golaha dhexe ee Xisbiga oo loo asteeyay 10 Nov 2015, wuxuuna xusay inuu jiro khilaaf kala qaybiyay Xukuumadda iyo Xsibiga, balse wuxuu Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Kulmiye oo uu ku tilmaamay inay aqlabiyadda golaha dhexe kasbadeen.

“Waxaan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo xisbi weynaha Kulmiye iyo hogaankiisa, hawl wadeennadiisa iyo xubnaha golaha dhexe diyaar garowga wanaagsan ee loogu jiro shirka golaha dhexe ee 10-ka November. Waxaan jecelahay inaan hogaanka xisbiga iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku hambalyeeyo sida hawlahaasi u socdaan,” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE, caan ku yahay Afkaarta kala duwan, balse wuxuu rajo ka muujiyay in khilaafka Xisbigu ku dhammaan doono is afgarad iyo isku tanaasul “ Waxaan bogaadinayaa hogaanka xisbiga oo hadda si fiican ay ugu socdaan hawlaha xisbigu, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaan jecelahay inaan ugu hambalyeeyo abaabulka siyaasadeed ee xisbigu caanka ku ahaa ee dalkana lagu yaqaanay ee loogu loolamayo musharaxa, sida isbedelka weyni ugu yimid ee taageero muuqata ilaa imika uu ka helay majooratiga xubnaha golaha dhexe,” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar

Wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland Dr. Maxamed, wuxuu sheegay in Guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi sideedii sanno ee la soo dhaafay uu soo maray culaysyo siyaasadeed oo adag, isla markaana uu muujiyay bisayl siyaasadeed, isagoo arrintaa ka hadlayana, wuxuu yidhi, “Waxaan filayaa in hogaamiyaha Kulmiye oo Odaygii Xisbiga ah iyo Madaxweynaha Somaliland oo Odaygii qarankaba ah ay xil wayn iska saaraan in Xisbiga la soo ururiyo, khilaafyada jirana si wanaagsan oo macquul ah loo dhegaysto , Xisbiga Guddihiisana ay ka dhacaan tartamo wanaagsan oo nadiif ah oo daahfurnaan leh oo si furan looga wada qayb galayo, waxa halkaas kasoo baxana xisbi weynaha Kulmiye dhammaantii wada taageero haddii la doonayo in xisbiga Kulmiye talada dalka mar labaad ku guulaysto.”

Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar oo hadlaya guusha Xisbiga KULMIYE, waxa uu yidhi, “Ugu dambeyn waxaan u rajaynayaa shirku inuu si guul ah u dhaco, si iskaashi leh u dhaco, qolada wasiirada ah ee xukumadda ka baxayna waxaan rajaynayaa inaanay arrintaasi furin cadaawad siyaasadeed oo aan loo baahnayn iyo khilaaf siyaasadeed oo aanu dalkani u baahnayn ee meel looga soo wada jeesto dhisidda Xisbiga iyo qarankaba, iyadoo wixii cabashooyin jirana hogaanka xisbiga iyo dariiqyada sharciga ah loo maro oo xal loogu helo.”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga Caalamiga ah, wuxuu ka hadlay ammaanka mandaqada Somaliland ku taalo, isagoo yidhi, “Dhinaca kale Somaliland waxay ka mid tahay mandaqad arrimo baddan oo xasillooni darri ahi ay ka jiraan, markaa Xisbiga, hogaankiisa iyo Madaxweynahaba waxaa looga baahan yahay in tusaale wanaagsan uu xisbigu u noqdo dalka, oo xisbiyada kalena kaga daydaan sida xisbigu khilaafkiisa u maaraynayo, arrimaha siyaasadda dalkana u hoggaaminayo,” ayuu yidhi. Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380