Mohamed OmarLondon(ANN)Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, haatanna Midowga Yurub iyo Afrika kala taliya hawlaha nabbadaynta iyo xal-u-raadinka khilaafyada dalalka Afrikaanka, ayaa shaaciyey inuu ku talo jiro sidii uu kursiga ugu sarreeyey ee dalka ugu guulaysan lahaa marka ugu habboon ee fursaddaasi u soo baxdo.
Wargeyska The Indian Ocean Newsletter iyo qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, ayaa faafiyey in wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray dalka Jabuuti 21 December 2014 la iskula soo qaaday sidii dawladda Soomaaliya xilal looga magacaabi lahaa Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirkii hore ee daakhiliga Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur).
Haseyeeshee, Dr. Maxamed Cabdillaahi oo hadda ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa qoraal kooban oo uu soo gaadhsiiyey Jamhuuriya xalay ku tilmaamay wararkaas been-abuur aan sal iyo raad toona lahayn.
“Warka qaar ka mid ah mareegaha wararku qoreen ee sheegaya in shirkii Somaliland iyo Soomaaliya ee Jabuuti ka dhacay lagu soo qaaday sidii aan anigu ugu mid noqon lahaa dawladda federaalka ee Soomaaliya. Waxaan caddaynayaa inuu yahay warkaasi mid aan run ahayn oo la been abuuray,” ayuu yidhi.
Waxa kaloo uu farriin u diray shacbiga reer Somaliland iyo taageerayaashiisa, waxaannu yidhi; “Waxaan shacabka Somaliland iyo taageerayaashaydaba u sheegayaa in ay sidaa ula socdaan oo aanay waxba ka jirin arrintaas.”
Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa meesha ka saaray in wax hunguri siyaasadeed ah ka hayo inuu xil ka qabto Soomaaliya.
“Haddii aan doonayo kursi dawladeed waxay fursado badan iiga furan yihiin Jamhuuriyadda Somaliland oo aan ku talo jiro sidii aan hoggaanka dalka ugu guulaysan lahaa marka ay ku habboonaato,” ayuu yidhi Dr. Cumar oo u waramay Wargeyska Jamhuuriya.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com