Mohamed OmarHargeysa(ANN)Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa ku tilmaamay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan inuu yahay shaqsi fadeexad u soo jiiday xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana ah mucaarad ku jira xukuumadda.
Dr. Maxamed Cabdullaahi ayaa ka gubtay warar maalmahan saaxada kusoo noq noqonayay oo warbaahinta qaarkood faafiyeen. Kadib markii qoraal mucaaradku aad uga hadlay oo lagu tilmaamay inuu yahay heshiis xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo gashay oo Federaal ah, isla markaana warbaahinta qaarkeed qoreen war lagu sheegay in laga soo xigtay Wasiirka Madaxtooyada oo la xidhiidha in Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar xilligii uu wasiirka khaarajiga ahaa saxeexay heshiis federal ah oo Somaliland iyo Soomaaliya isla qaateen, isla markaana uu ahaa sababta uu xilkiisa ku wayaay, iyadoo weedhahaa lagu tilmaamay in laga soo xigtay wasiirka Madaxtooyadda, balse wasiir Xirsi ayaa qoraal uu soo saaray shalay si adag u beeniyey arrintaas, isagoo xusay in aanay jirin cid waraysi ka qaadday iyo meel uu ku qirtay in Somaliland iyo Soomaaliya kala saxeexdeen heshiis fedaraal.

Haseyeeshee, Dr. Maxamed Cabdillaahi oo qoraal kooban u soo diray Jamhuuriya xalay, ayaa sheegay in aannu jirin wax heshiis fedaraal ah oo saxeexay waqtigii uu ahaa wasiirka Arrimaha Dibadda, isagoo arrintaasi ku sifeeyey fadeexad uu faafiyey Wasiirka Madaxtooyada.

“Heshiis federaal iyo wax la mid ah oo intii aan Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ahaa oo aan saxeexay ama dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya ma jiro. Xirsi (Wasiirka Madaxtooyada) ha la waydiiyo halkuu ka keenay warkan. Aniga iyo madaxwayne Axmed Silaanyo wixii siyaasadda arrimaha dibadda ku saabsan si wadajir ah ayaannu uga wadatashan jirnay, madaxwaynahaana guddoonkooda lahaa. Heshiis Federaal ah marna muu jirin. Xirsi ayaa hadda xukuumadda u soo jiiday eed aan jirin iyo fadeexad, laakiin madaxwaynaha iyo aniguba shaqo kuma lihin waxaa uu sheegay Xirsi,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi oo hadda ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee khaarajiga oo waraysi siiyey telefishanka Star TV, ayaa sheegay in wasiir Xirsi ku hawlan yahay sidii uu mucaaradad ugu abuuri lahaa xukuumadda Siilaanyo, waxaanu yidhi; “Wadahadalladii anigu aan hoggaanka ka ahaa ee Madaxweynuhu igaga war-hayey waxay ahaayeen wadahadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo wixii aannu mar walba ka wadahadalnay shacabka u soo bandhigay isla xilligaa, markaa eedaynta uu sameeyey Xirsi waxaan u arkaa mid gardarro ah, mid khaldan, waxaannan u arkaa mid uu wax ku yeelayo dawladda uu hadda ka tirsan yahay, waana arrin iminka isaga (Xirsi) iyo Madaxweyne Siilaanyo u taal jawaabteedu, waana mid aniga i dhaafsan, laakiin waxaan caddaynayaa in aanay jirin wax aniga iyo Madaxweyne Siilaanyo saxeexay midna iyo waliba isagu (Xirsi) saxeexay toona habayaraatee.”

Waxa kaloo Dr. Maxamed tilmaamay in wasiirka madaxtooyadu beeniyey hadalka la sheegay in laga soo xigtay, balse arrintiisu tahay mid khaldan oo HAA iyo MAYA laga wada hayo.

“Arrintaas Xirsi baa la waydiinayaa, inkastoo aan imninka maqlayo inuu beeniyey, balse isagaa haa iyo maya labadaba laga hayaa oo marka horeba saxaafadda siiyey, iminkana leh maan odhan…Waxaan u arkayaa arrintan mid Xirsi ku wiiqayo xukuumadda Axmed Siilaanyo ee hadda jirta, waa mucaaradad iyo arrin dood fara badan la iska waydiinayo oo uu ku soo faruuqay xukuumadda oo aan loo baahnayn, waayo arrintan uu ka jawaabay maaha mid jirta, mid xukuumaddu gashay maaha, mid aniga ama Madaxweynuhu sameeyey maaha. Warar aan sugnayn oo meelahaa laga yidhi ayuu ka jawaabay, dawladdiina wuxuu u soo jiiday mucaaradad iyo eedayn aan loo baahnayn. Waxaannan aaminsanahay in sababta arrintaa keentay tahay in Xirsi dawladdan jirta mucaarad ku yahay ayaa muuqata.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdullaahi Cumar.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews