Hargeysa (ANN)- Wasiirkii hore ee Tignoolajiyada Somaliland ee Xukuumaddii Muuse Biixi, ayaa ka hadlay mashruuca Banka Wajaale, wuxuuna tilmaamay in Guusha iyo midho-dhalka maalgelinta mashruuca Banka Wajaale ay lagama maarmaan tahay in la helo oggolaansho bulsho oo ku dhisan daahfurnaan, wada-tashi iyo maamul hufan oo mashruucu yeesho”
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Dr. Abdiweli Abdillahi Suufi, wuxuu arrimahaa kaga hadlay qoraal uu ku faaqiday dareenka ku Xeeran mashruuca, wuxuuna ku bilaabay qoraalkiisa sidan: –
“𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚 𝐥𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐠𝐚𝐲𝐬𝐭𝐨 𝐬𝐢 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐣𝐚𝐚𝐥𝐞 𝐮 𝐍𝐨𝐪𝐝𝐨 𝐌𝐢𝐝 𝐌𝐢𝐝𝐡𝐨-𝐝𝐡𝐚𝐥 𝐚𝐡.
Maalinta berri (Khamiista taariikhdu tahay 30/10/2025) waxa Gobolka Gabiley safar ugu baxaya Madaxweynaha JSL si uu u soo dhagax-dhigo mashruuc ballaadan oo ay ku maalgalinayso shirkadda Pharo Ventures lacag dhan $21 milyan, mashruucaa oo laga hirgalinayo Banka Wajaale.
Magaaladda Wajaale oo muddooyinka dambe ay ka jirtay cabashooyin la xidhiidha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa wararka ka imanayaa ay sheegayaan in ay jiraan tabashooyin bulsho oo la xidhiidha hirgelinta mashruucan.
Si mashruuca Banka Wajaale ee hay’adda Pharo Ventures maalgalinaysaa u noqdo midho dhal ah oo guul laga gaadho, faa’iidona ay ka helaan dawladda, maalgashadaha, iyo bulshada deegaanku, waxa lama maarmaan ah in la helo oggolaansho bulsho oo ku dhisan daahfurnaan, wada-tashi iyo maamul hufan oo mashruucu yeesho.
Haddaba, waxa aan u soo jeedinayaa dhinacyada soo socda qodobada hoose si mashruucu u noqdo mid laga gaadho ujeeddada laga leeyahay:
𝟏. 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚
• In ay dhammaan isugu yeedho daneeyayaasha oo ay ka mid yihiin qaybaha bulshadu mashruucan si loo mideeyo aragtida laga qabo.
• In ay bulshada si daahfuran ula wadaagto xogta mashruuca sida kirada dhulka, qorshaha hirgalinta mashruuca, muddada uu soconayo, faa’iidada iyo horumarka uu deegaanka ku soo kordhinayo iyo saameynta uu deegaanka iyo bulshada ku yeelan doono.
• In ay samayso kulamo lagu dhagaysanayo cabashada iyo talooyinka bulshada ka imanaya, wakhtina la siiyo dhagaysigaa.
𝟐. 𝐌𝐚𝐬’𝐮𝐮𝐥𝐢𝐲𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐌𝐞𝐭𝐞𝐥𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚:
• In ay fududeeyaan isku xidhka xukuumadda, maalgashadaha, iyo bulshada, sidoo kalena ay ka shaqeeyaan xallinta tabashooyinka deegaankooda iyaga oo dhagaysana cabashada dadkooda, isla markaana ay ku dedaalaan isku-haynta bulshadooda.
𝟑. 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐡𝐚𝐫𝐨 𝐕𝐞𝐧𝐭𝐮𝐫𝐞𝐬 (𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚):
• In ay bulshada la wadaagto in mashruucu yahay maalgashi ay ka wada faa’iidayaan dhinacyada oo dhami (dawladda,bulshada iyo maalgashadaha).
• In ay caddeyso qaabka ay u dhacayso maalgelinta mashruucu marxaladaha uu mashruucu marayo, habka loo fulinayo qorshaha mashruuca, iyo faa’iidooyinka ay bulshadu ka heli doonto.
• In ay si gaar ah u qeexdo arrimaha khuseeya deegaanka sida shaqaalaysiinta, maamulka mashruuca, saamaynta xoolo-dhaqatada iyo beeralayda uu ku yeelan doono, sidoo kalena habraaca magdhaw haddii khasaare yimaaddo.
𝟒. 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐣𝐚𝐚𝐥𝐞:
• In ay ilaaliyaanna nabadda iyo xasilloonida deegaankooda, kuna gudbiyaan tabashooyinka iyo talooyinka ay hayaan iyaga oo raacaya waddooyinka sharcigu u oggol yahay.
• In dhexdooda aanu khilaaf ka iman oo ay ka wada shaqeeyaan sidii ay u gaadhi lahayeen horumar iyo isku duubni bulsho.
• In ay la fadhiistaan madaxda iyo mas’iliyiinta xukuumadda oo ay u gubiyaan cabashada ay qabaan si xal loo gaadho.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Qaranka waxa aan leeyahay: Mudane Madaxwayne, horumarka iyo maalgashiga aad dhagax dhigaysaa yaanu keenin xaalad amni-darro oo keenta isku-dhac bulsho iyo deegaan.
Sidoo kalena Mudane Madaxweyne waxa lagaa sugayaa in aad si dhaqso ha u sii dayso afarta weriye ee maanta loogu xidhay magaalada Wajaale arrimo la xidhiidha mashruucan iyo dad kale oo deegaanka ka soo jeeda oo hore loo xidhay.
FG: Waxa aan taageersanahay, isla markaana aan soo dhawaynayaa maalgashi kasta oo dalka imanaya, waxa aanse qoraalkan ugu talogalay in aan talo ku biiriyo qaabka ay xukuumaddu uu maamulayso Mashruuca Banka Wajaale.
“𝐍𝐢𝐧 𝐇𝐮l𝐥𝐚𝐚𝐛 𝐗𝐮𝐦𝐢 𝐈𝐧𝐮𝐮 𝐖𝐚𝐱 𝐐𝐚𝐫𝐬𝐚𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐋𝐚 𝐌𝐨𝐨𝐝𝐚𝐚!”
ayuu yidhi, Wasiirkii hore ee Isgaadhsiinta Somaliland Dr Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi, haatanna ka tirsan madaxda sare ee Xisbiga Mucaaradka KULMIYE.


