Warsi Khaas Ah Araweelo News Network

Maxamed Saleebaan Weyne1Hargeysa(ANN)Wasiirkii Hore ee Wersheddaha Maxamed Saleebaan Weyne ee xilligii Xukuumadii Daahir Rayaale, ayaa ka hadlay aragtidiisa siyaasadeed ee xilligan xaalada dalka, arrimaha la xidhiidha muranka doorashooyinka iyo sababta uu xisbiga WADDANI uga baxay iyo halka uu hakiisa siyaasadee u jiheeyay.
“Sunnaha nidaamka Dumuqraadiyadda weeye in qofku xisbiga uu doono galo, WADDANi, waxaan u arkayay xisbi kaalin muhiim ah iyo door muuqda ka qaadan doona siyaasada dalka, waana sida ay ku baaqayeen, laakiin markii aan dhexgalay xisbiga waxaan oggaaay in uu yahay Xisbi ka baxsan Himilada iyo qadiyada Somaliland oo ku shaqaynaya Ajande kale oo ay ka mid tahay Beesha Caalamka iyo arrimo kale, waxaana tusaale kuugu filan Baaqyada kasoo baxaya hoggaanka Xisbiga ee loogu baaqayo Beesha Caalamka.
Arrintaa ayaa noqotay mid iga fajacisay oo aanan jeclaysan, sababtoo ah waxaan oggahay qiimaha dalkani dadkiisa ugu fadhiyo iyo rabitaanka Ummada, markaa Xisbigii wuxuu noqday mid Dil-Dilaacay, waxaana dil-dilaacaa keenay majara habawga siyaasdiga ah ee hoggaanka xisbiga” sidaa waxa yidhi Wasiirkii hore ee Wersheddaha Somaliland Maxamed Saleebaan Weyne oo ka mid ahaa siyaasiyiinta xisbiga WADDANI ku biiray markii uu bur-buray Xisbigii UDUB.
Siyaasiga Maxamed Saleebaan Weyne, wuxuu sheegay inuu ka baxay Xisbigaa dhowaan mar uu kusoo gurya noqonayay dalka Somaliland, isagoo dalka Britain oo uu deganyahay kasoo kicitimay, wuxuuna arrimahaa iyo kuwo kale oo baddan oo la xidhiidha xaaladda dalka kaga hadlay Waraysi Khaas ah oo uu siiyay shebekadda Wararka Araweelo News Network.
Waraysigaa oo uu qaaday Tafaftiraha Shebekadaha Araweelooyinka Carraale M. Jama, wuxuu kaga hadlay Siyaasdiga Maxamed Saleebaan , wuxuuna isagoo sababaynaya waxa ku kalifay inuu ka baxo xisbigaa yidhi, “is casilaadayda Xisbiga, kuwan hadda ka baxay iyo kuwo baddan oo aan oggahay dhamaantood meel ayay ku wada shubmayaan oo siyaasada Xisbigu ku socdo iyo qadiyada Somaliland iyo Dastuurka Dalka hoggaanka Xisbigu halka uu ka taaganyahay ayaa sabab u ah, waxaana u arkaa ka bixistayda iyo xubnaha kale ee iga danbeeyay waa wax yare e Daadkii Danabkii wuu danbeeyaa oo xisbiga WADDANI, wuxuu u muuqdaa mid sidiisaba u bur-buraya.” Ayuu yidhi.
Wasiirkii hore ee Wersheddaha, waxa uu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI yahay Guddoomiyihii Hay’adda Sharci dejinta dalka ee golaha wakiiladda Somaliland, wuxuuna ku tilmaamay nin baalmarsan sharciga dalka, isagoo yidhi, “Tobban sannadood ayuu Guddoomiye u ahaa Hay’adda sharci dejinta Cabdiraxmaan Cirro, Xisbigii mucaaradkana isaga ayaa guddoomiye u ah, waxa tobbankaa sannadood laga kari waayay sharcigii lagu soo dooran lahaa gole Baarlamaan inuu sameeyo, wuxuuna ku doodayaa in la diidanyahay in dalka doorasho laga qabto, haddaanad sharciyadiiba samayn doorashaa la qaban waayay anigu ma garan.
Arrinta kale ee iga yaabisay waxa weeye baaqa isdaba jooga ah ee Beesha Caalamka ee dalka la ashtakaynayaa, taasi waxay u muuqataa in xisbigu ajandihiisu ku fadhiyin rabitaanka Somaliland iyo qadiyada Madaxbanaanida dalka oo aanu ku abtirsan”
Mar la weydiiyay in arrinta loogu baaqayo Beesha Caalamka aanay ku koobnayn Xisbiga WADDANI ee ay hore u dhacday markii u horaysay ee khilaafka siyaasada Somaliland iyo muranka doorashooyinka beesha caalamku soo fara gelisay iyo waxa ay kaga duwantahay markii Madaxweynaha maanta hoggaaminayay Mucaaradka maanta muxaafidka ah ee KULMIYE ee xukuumaddii Daahir Rayaale oo marar baddan beesha caalamku soo fara gelisay muranka doorashooyinka Somaliland ilaa heshiiskii ka koobnaa Lixda Qodob laga saxeeyay.
“waxay kaga duwantahay markii Daahir Rayaale Madaxweynaha ahaa Baarlamaanka waxa fadhiyay lagu soo xulay hab Beeleed, kuwaas oo canaadayay in laga guuro Nidaamkii ay ku fadhiyeen, waxan Baarlamaankan la doortay sannadkii 2005, waxay haysteen waqti ku filan oo sharciyada dalka oo dhan lagu hagaajiyo, maanta Dastuurkeena haddaad akhrido qodob walba xeer baa qeexaya ayaa ku qoran,taas waxay ku tusaysaa inay jirto hagrasho iyo haddadaamo lagu samaynayo sharciyada dalka oo inuu fur-furmo oo sharcigii dalka aanay doonayn, waayo Guddoomiyaha Baarlamaanku wuu saymayn kari lahaa in Dastuurkana la furo oo waxa ka dhiman lagu daro oo ay sameeyaan habkii wax lagu dooran lahaa tobban sannadood ayay haysteen”
Maxamed Saleebaan Weyne oo al wediiiyay sababta uu eeddahaa ugu nisbaynayo Guddoomiyaha WADDANI ee hoggaamiya gollaha Wakiiladda iyo in arrinta Dastuurku ahayd inay soo jeedinteedu ka timaado xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo golaha wakiiladda loo soo gudbiyo, maadaama soo jeedintaasi taageero ka heli lahayd sida la ogyahay xisbiga Kulmiye ee Xukuumaddu aqlabiyad ku leh golaha wakiiladda, wuxuuna isagoo ka jawaabaya arrintaa yidhi, “Sidaynu ognahay Dawlada Somaliland waxay ka dhisantahay saddex qaybood, Sharci dejin, Fulin iyo Garsoor.
Shaqada ugu horaysa ee sharci dejintu waa inay sharcigii dalka dejiso, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyona ay fuliyaan oo dalka ku maamulaan sharcii ay soo saareen Baarlamaanka oo sharci dejin ah, cidda la doonayay inay sharciga Curiso oo dhamaystirto oo ay ka shaqayso oo shaqadooduba tahay waa golaha wakiiladda” ayuu yidhi.
Mar uu ka jawaabayay in marka la eego dastuurka curinta shuruucdu ka yimaadaan xukuumadda oo usoo gudbisa golaha wakiiladda. Sida markaa ay suurta gal u tahay in arrintaa lagu eedeeyo Guddoomiye Cirro, wuxuuna isagoo ka jawaabaya su’aasha yidhi, “ Arrintaasi waxay u muuqataa masuuliyad ka baxsi, saddexda golle, xukuumadda, Guurtida iyo Wakiiladuba ay curin karaan shuruucda, Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu shuruucda ay curiso, waxay u baddan yihiin shuruuc maamul sida kuwa Hay’addaha lagu maamulayo iyo kuwo maaliyadeed, amaa dhaqaalle. Laakiin sharciga dalka iyo nidaamka lagu maamulayo ciidda ay masuuliyadaasi saarantahay waa golaha Wakiiladda.” Ayuu yidhi.
Maxamed Saleebaan oo la weydiiyay su’aal la xidhiidhay arragtidiisa xukuumadda Siiilaanyo oo dadka qaar ku tilmaamaan xukuumad wax baddan qabatay, balse waxqabadkeeda waxyeeladeeda iyo dhibaatooyinka ay ka tegey ka baddan yihiin, wuxuu yidh, “waa wax caaddi ah inay xukuumaddi wanaag iyo xumaanba yeelato, laakiin marka xukuumaddu xumaan yeelato, ama gol-daloolooyin, waxa loo baahnaa mucaarad toosiya oo tilmaama halka wax ka khaldan yihiin oo saxa oo tallo la yimaada. Laakiin mid bur-buris ah oo ashkato iyo shisheeyoow noo kaalay oo nasoo kala gaadha maaha, waana arrimo saamayn ku yeelanaya nidaamka dawliga ah iyo hawlaha ay dawladu fulinayo oo marka maalin walba Niman yaacayaa u yimaadaan oo leh Midawgii Yurub iyo UN, ayaan nahay leh oo qoladan WADDANI u yeedhay, markaa waxan qabaa in dhibaatada dalka ka taagan Xisbiga WADDANI sabab u yahay oo abuurayo, sababtoo ah haddii uu wanaag doonayo in halkaa lag gudbo oo laga baxo caqabadaha, wuxuu la iman lahaa tallo quman iyo Tusaale” ayuu yidhi Maxamed Saleebaan Weyne, wuxuuna xusay inuu ku biiray xsbiga muxaafidka ah ee KULMIYE.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.