BooqashadadhaawacyadamuqdishoMuqdisho(ANN)Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somalia, ayaa booqday Aprili 15, 2015, dadkii ku dhaawacmay weerarkii Al-shabaab ku qaaday shalay dhismaha Wasaaraddaha Waxbarashadda iyo Batroola ee Somalia oo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay 18 qof, kuwaas oo uu ku jiro Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM, isla markaana ku dhowaad 35 qof dhaacyo kala duwan kasoo gaadheen.

Booqashadadadkiku dhawacmay muqdishoQoraal kasoo baxay Waaxda Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia, ayaa booqashada masuuliyiinta ee dadkii ku dhaawacmay weerarka laga hadlay, wuxuuna u dhigaan sidan:-
“ Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Waxbarashada Marwo Khadar Bashiir Cali, Wasiirka Batroolka & Macadanta Maxamed Mukhtaar Ibrahim, Wasiiru dowlaha Waxbarashadda C/laahi Bile Nuur iyo xubno kale oo kamid ah golaha Wasiirada, ayaa maanta booqday dhaawacyada dadkii ku wax yeeloobay weerarkii shalay ay kooxaha nabadiidka ku qaadeen xarunta Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare, halkaas oo ay daganayeen Wasaaradaha Waxbarashada iyo Batroolka & Macadanta.

Cusbitaalka Deva oo ay ku booqdeen inta baddan dadka dhaawacmay, waxay masuuliyiintu dadka ay dhaawacyadu soo gaadheen u rajeeyeen caafimaad, iyadoo xubnaha golaha Wasiirada ee booqday Cusbitaalka ay warbixin ka dhageysteen maamulka Deva Hospital oo la tacaalaya dadka dhaawacyadu soo gaadheen.

booqashadadadkiku dhawacmay muqdisho3

“Runtii arrintani waa fal argagax leh, kuwa dhibaatadan u geystay shacabkana Insha allaahu wey ku naartegayaan. Shacabka Soomaaliyeed waa inay ciidamada Amniga ay la shaqeeyaan, sababtoo ah qof dhuumanaya oo hadana naftiisa haligaya waa khatar, waase laga hortegi karaa haddii shacabka iyo ciidamada Amnigu ay wada shaqeeyaan” ayuu yidhi Wasirka Amniga Gudaha oo si gaar ah ugu mahadceliyay dhakhaatiirta Cusbitaalka Deva oo uu sheegay in shacabkan dhaawacmay ay u fidiyeen gargaar deg deg ah.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Marwo Khadar Bashiir Cali, ayaa Alleh uga bariday caafimaad dadkii Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaadhay weerarkaa, sidoo kale waxay tacsi u dirtay shacabkii iyo ciidamadii naftooda qaaliga ah ku weeyay falkii argagixiso, kaas oo ay sheegtay inay aad uga xun tahay wixii ka dhacay Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare oo dhibaato baddan ay kasoo gaadhay dad aan waxba galabsan.

Wasiirka Wasaaradda Shidaalka iyo macdanta Somalia Maxamed Mukhtar Ibrahim, ayaa dhinaciisa ku tilmaamay weerarkii shalay mid ‘waxashnimo, kaas oo uu sheegay in waxa uu ugu yeedhay argagixisada nabad-diidka ah ee Al-shabaab ay ku qaadeen Wasaaradaha Shidaalka iyo Waxbarashada, isla markaana ay ku guul dareysteen isku day goodii ahaa in ay hakad galiyaan dib u dhiska qaranka, wuxuuna ugu hambalyeeyay ciidanka oo uu sheegay inay si geesinimo ah ay markiiba kusoo afjareen weerarkaa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.